Borama-(Lug)-Isuduwaha Caafimaadka ee G/Awdal Dr.C/laahi Muuse Yoonis ayaa faahfaahin ka bixiyay Howlaha Qaliinada kala duwan ee Isbitaalka Borama ay ka wadaan Dhakhaatiirka Maraykanka ah ee Jigabi Hospital Nairobi.
Waxuuna iskuduwuhu sheegay in qaliinada ay samaynayaan ay yihiin kuwo waawayn oo aan laga samayn Karin Gobolka Awdal iyo Guud ahaan gobolada Somaliland balse waxa uu cadeeyey in Dhakhaatiirka dalku ay samayn karaan qaliinadaasi, balse ayna haysan qalabkii ay ku qaban lahaayeen.
Dhakhaatiirtani waxay wataan qalab casri ah oo howshaasi wax lagaga qaban karo waxuuna intaasi sii raaciyay inay sii joogi doonan Muddo 8 maalmood ah waxaanay intaasi ka shaqayn doonaan casharo ay siinayaan Ardayda Jaamacada Camuud iyo Qaliino ay u samaynayaan dad gaadhay 80 qof oo u baahan qaliino calculus oo ay ka mid yihiin Qanjidhada Kaadi Haysta,Gaastariga,iyo Caruurta yar yar oo ku dhasha Curyaanimada iyo kuwo kale.
Balse mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd Dhakhaatiirtani Samofal ahaan ayay ugu samaynayaan Qaliinadan dadwaynaha ee maxaa keenay in lacag dhan $150 aad ka qaadaan qofkiiba, oo aanay dadku awood u haynin?.
Waxuu ku tilmaamay inaanay dhakhaatiirtaasi Ajaanibka ahi aanay lacag qaadanaynin balse ay tahay uun marti gashiinta iyo waxii loogu qaban lahaa inta ay joogaan balse qofkaan awoodin inuu lacagtaasi bixiyo Isbitaalku waa meel dadwaynuhu iska leeyahay waana loo samaynayaa samofal ahaan oo waa la qalayaa waxuuna intaasi sii raaciyay In Ay sabobtay in lacagta intaasi leeg aan qaadno Sixir bararka Maciishadii oo kacday iyo Hotelada ay jiifsanayaan oo iyaguna qiimahoodu sare u kacay laakiinse Isbitaalka bulshada ayaa leh waxaanan u sheegaya dadka reer Somaliland inaanay cabashooyinkooda aanay ku cadaynin in laga qaadayo lacag sidaasi u buuran laakiinse ay tahay mid loogu talo galay in kharashaadka Dhakhaatiirtaasi mudada dheer ee ay joogayan howlaha loogu fulinayo.
Waxaase dadka intooda badan ay cabasho ka muujinayeen in lacagtan qaliinka loogu samaynayaa ay ka awood badan tahay dadkana ay dhibaato ku tahay inkasta oo ay qaarkood ay cadeeyeen inaanay bixinba Karin.
Lacagta laga qaadiyo Qofkiiba ayaa ah 150$ calaa shaqsi dadkuna waxa ay ka cabanayaan inaanay awoodi Karin lacagtaasi maadaana hada dadku la tacaalayaal Noloshoodii, laakiinse Isuduwaha Caafimaadka G/Awdal waxuu cadeeey in qofkii waaya ee karaynin aan laga celinayn qaliinka oo aan loo diidayn balse loo samayn doono dawo iyo qaliinba, tanina ay tahay mid lagu marti galinayo uun dhakhaatiirta.
Wariye:-
Abokor Hassan Affi.
Lughaya News-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dhakhaatiir Maraykan Ah Oo Qaliino Kala Duwan Ka Wada Isbitaalka Magaalada Borama. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback