‘Ma Filayo In Hoggaanka Axsaabta Mucaaradka Ka Noqon Doonaan Baaqoodii Ahaa ……..”
Borama-(Lug)-Masuul ka tirsan hoggaanka xisbiga Kulmiye ee G/Awdal ayaa taageerayaasha mucaaradka ugu baaqay in kla fuliyo baaqii hoggaanka axsaabta mucaaradku ugu baaqeen Daahir Rayaale inuu xukunka iskaga dego marka ay dhammaato muddadii sharciga Soomaaliland u qabtay inuu sii hayo xukunka dalka .
Axmed Yuusuf Faarax,kana mid ah Guddiga Fulinta Ee Xisbiga Kulmiye u qaabilsan gobolka Awdal ,ahna gudoomiyaha Qaybta abaabulka ee xisbigaasi ayaa waraysi uu siiyey Lughaya.com kaga hadlay arrimo kale oo ku saabsan cadaadiska Masuulyiinta ityo taageerayaasha xisbigaasiba ka haysta maamulka dawladda ,arrinta muddo kordhinta waxa ka iman kara, iyo dareenka laga qabo in hoggaanka axsaabta mucaaradku ka noqdaan bayaankii ay kasoo saareen marka uu dhammaado wakhtiga Rayaale ,iyo arrimo kale oo ku saabsan musharraxiinta Gobolka Awdal ee xisbigaasi .
Axmed Yuusuf oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi :
‘ waxan marka hore tacsi u dirayaa dadkii shalay ay dhibaatadu kasoo gaadhay Ciidamada Dawladda Rayaale kuwaasoo dad shicib ah oo an hub sidanin kala hortegey rasaasta .Intaa kaddib haddaan ka hadlo arrinta muddo kordhinta ,reer Soomaaliland oo dhammi way garanayaan inay tahay sharci darro ,odayada guurtidana lagama sugayn waxaasoo kale inay dalka ku burburiyaan maadaama ay yidhaahdeen nabadgelyo kama jrto dalka ee muddo kale ayaan ugu darray Daahir Rayaale .Nusqaanbay ku tahay Madaxweynaha inuu mar walba ii kordhiya yidhaahdo ,waxa u habboonayd inuu yidhaa haddaba an doorasho gallo,
Arrintaa muddo kordhintana cid aqbali kartaa ma jirto oo an ka ahayn cidda isku dayeysa inay dalkan xoog kusii haystaan.Waxa inta badana la yidhaa maxaad afkaaga u wanaajisan weyday kolleyba axsaabta mucaaradka ahi hogaankoodu wuu iska aqbali doonaan sasabaha Xukuumadda Rayaale iyo Ergooyinka ka yimaadda inta maamulkiisa u adeegta Xukuumadda Rayaalena kursiga wuu sii fadhiyi doonaa , arrintaa waxan leeyahay waa waxba kama jiraan ,waxana loo fadhiyaa in 15 may wixii ka dambeeya Daahir Rayaale loo aqoonsan doono muwaadin caadi ah ,mana filayo inay Madaxda Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka Ahi ka noqoqn doonaan.
Waxa kale oon ka hadlayaa dhibta taalla halkan ee nagasoo gaadhaysa Maamulka Gobolka Awdal ,oo aanu dalka ka jirin xukun la mid ah oo dadka iska qabqabsada,amaba Guddi Nabadgelyo lagu xukumo.
Haddii an ka hadlo dhinaca musharraxiinta reer Awdal ,anigu qabiil iyo beel toona Kulmiye uguma biirin ,ee waxan ugu biiray inaan taageero sidii dalkan xukunkiisa ay u qabana lahaayeen muwaadiniin daacad ah ,oo gaadhsiin kara horumar ,ka naxa Abaaraha Sicir Babarka ,oo dhallinyarada ka badbaadiya tahriibta ,Hoggaanka xisbiga ayeyna hawshaasi kala saarista musharraxiintu u taallaa ,si calool fayoobi ahna aan filayo in loogu kala bixi doono ,ciddii nasiib ku yeelata ama taageerayaal gobolkan ku lihina ay kusoo bixi doonto.
Ugu dambayntiina waxa bulshada reer Awdal usoo jeedinayaa inay xaqooda doontaan ,oo ay ka qayb qaataan dalkan Isbeddelkiisa ,Aamusnaanta iyo taageerada ay hayb ku taageerayaan Daahir Rayaalena aanay guul ku gaadhi doonin,dib udhaca haystana ay kusii jiri doonaan haddii anay dedaalin.”
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh(Hyane).
Lughaya News-Borama.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Mid Ka Mid Ah Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye Ee G/Awdal Oo Ku Baaqay In La Diido Madaxweynenimada Rayaale Wixii Ka Dambeeya 15 May. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback