Borama-(Lug)-Agaasimaha Cisbataalka Guud ee Boorama Dr. Ismaaciil Xaaji Muxumed Aye ayaa maanta saxaafada uga waramay hawlaha ka socda cisbitaalka ee dhinaca qaliinada ah ee ay wadaan dhakhaatriirta Maraykanka ah ee KIJABI  King. Waxa kale oo uu Dr.-ku ka waramay sida ay wax uga jiraan cabashooyinka dhinaca kharashaadka loogu talo galay in lagu fuliyo qaliinadaas oo la qorsheeyay in laga qaado bukaanada qaliinada loo samaynayo, sidoo kale waxa uu ka waramay martigalinta ay sameeyeen iyo duruufaha kale ee  ku xeeran dhakhtarka.

Mar dhakhtarka wax laga waydiiyay ilaa hada hawlaha ka socda dhakhtarku sida ay u socdaan ayaa waxa uu yidhi “ilaa hada oo ah laba maalmood waxa qaliino lagu sameeyay in ka badan 12 qof, waxana ay joogi doonaan 7 cisho oo ku eg maalinta Axada ah ee soo socota, waxa ay hore u yimaadeen ilaa 4 goor oo hore waxana ay mar walba qaliinadan u sameeyaan dad aan ka badnayn 60 qof isku celseliskana kama badna dadka ay qaliinada u sameeyeen 250 qof oo hore”.

Mar uu ka waramayay Dr.ku waxa sababay in qaliinadan ay dhakhaatiirtani samaynayaan ay dhakhaariitra kale ee dalku  u samayn waayaan ayaa waxa uu tilmaamay in ay duruufo badani jiraan waxana uu yidhi  “Ma jiraan dhakhaatiir dalka joogta oo dhinacyada kala duwan ee caafimaadka takhasus ku ahi taariikhda caafimaad ee dalkuna waxaba ay ugu fogaan ka soo bilaabataa sanadii 1972 oo la aasaasay kuliyadii ugu horaysay ee caafimaad ee dalka, intii ka soo baxdayna duniday ku baahday, dalkeenana jaamacada Camuud ayaaba ugu horaysay, waxa intaasi sii dheer Cisbitaalkan Boorama ma laha dhakhtar suuxiye ah waxana dhacaysa in qaliin aad samayn kartid aad suuxiye la’aan awageed u samayn kari waydo, qaar  aanan takhasuskeedii hayn oo ay iyagu sameeyaana way jirtaa”

Mar sidoo kale wax laga waydiiyay in ay jirto lacag kordhin ay ku sameeyeen qaliinadan oo lagu magacaado qaliinada bini’aadanimo ayaa waxa uu qiray in ay kordhintaasi jirto waxana uu yidhi “ dhakhaatiirtani waxa ay iska soo bixiyaan oo kaliya tigidhada diyaarada, anaga ayayna nasaaran tahay cuntadooda, hurdadooda iyo qarashaadkooda dhinaca nabadgalyada ahiba sidaasi aawadeed ayaan lacagta u kordhinay, waxa intaasi siii dheer mishiinada noo baxa oo ah kuwo daaran 24kii saacba kuwaasi oo u baahan shidaal dheeraad ah, inkasta oo ay jirto kordhintu hadana waxa hubaal ah in ay dadka la qalayaa aad u yar yihiin, isla markaana ay ku jiraan in badan oo aan awoodayn oo aaan ka dhaafnaa in badan oo kale oo aan wada awoodayn lacagtuna way soo baxdaa oo waxan ka dhaafnaa inta aanay haysan, waxana ay celcelis ahaan isku noqotaa lacagta ka soo baxdaayi wax aan dhanayn 30 qof  lacagtood taasi oo aan ugu talo galnay in kharashaadkaasi laga kabo si uu dhakhtarka looga badbaadiyo in uu  kabo ama kabkaasi ku soo baxsado.

Dr.-ka ayaa mar wax laga waydiiyay sida ay u arkaan cabashooyinkaas iyo eedaymahaas loo soo jeediyay ayaa waxa  uu tilmaamay in aanay dalkan jirin cid ALXAMDULILAAH u celisa  wax kasta oo wax qabad ah waxana uu isaga oo sii wata hadalka yidhi “ku daali mayno oo waan iska ogolnahay in lana cambaareeyo saxaafadan aad ka shaqaysaana wax Alxamdulilaah leh ma jirto, qofka dalkan ugu waxqabadka badani waa kuwaeedaynta ugu badan loo soo jeediyo , hadii aad dadka 5 ama 1000 doolar bixi tidhaana waa isaga mid oo eedaynta ayaabay heli ogyihiin , anakana in kawshaasi ay qabsoonto ayaa noo muhiim ah.

Mar wax laga waydiiyay waxa ay u qorsheeyeen  shaqaalaha cisbitaalka ee uu culaysku ku duldhaco waqtiyadan oo kale ayaa waxa uu tilmaamay in aanay shaqaalaha dhaqtarku u sinayn hawlahan kuwa ugu hawsha badanina ay yihiin kuwa ku sugan tiyaatarada qaliinka, xarunta dabdhalinta iyo ardayda kuliyada caafimaadka ee Camuud oo iyagu wax baranaya iyo shaqaalaha shaybaadhada waxana isaga oo sii wata hadalkiisa uu yiri “ waan og nahay shaqalahaas waxana aan ugu talo galnay guno maalmeed la socota kharashaadkan  waanan siinaynaa si ay isku daboosho hawshu iyagana waan ku khasbanahay in aan u diyaarino kharashaadkooda”.

Mar wax laga waydiiyay dib u dhac la sheegay maalintiii shalay ahayd in uu ku yimid hawlihii dhinaca tiyaatarka qaliinka waxa sababay ayaa Dr.-ku  waxa uu tilmaamay in ay mushkilado badani jiraan shalayna aanay haba yaraatee wax hawl ahi u joogsan waxyaabo yar oo adeegyo ah oo dhinaa, imikadaas la joogo wax ayaa go’aya oo aan suuqa uga raadinayaa, mushkilada waxa ay tahay cisbitaalka Supply-giisa dhinaca adeegyada ah ayaa go’an  kaasi oo aan ugu talo galnay in ay hayada COOPI naga kabto balse wali 9 bilood oo aan joogay wax kama qabsoomin oo dib u dhac ayaa dhinacaas ka jira,waxana dhacaya in wax yaabo badani ay go’aan  kuwaas oo aan qaarkood farmasiyada ka helno qaarkoodna aan Hargaysa u doonano oo ay kharashkooda wataana, waanse kabana meelshii aan rabnaba aan ka keenee.

Mar wax  laga waydiiyay  sida ay isku qabanayaan ogaysiisyadii mudada 7aadada ah ay bixinayeen iyo waxyaabahan maanta go’aya  oo loo aanayn karo in ay Dhakhaatiirta cisbitaalku ka masuul tahay ayaa waxa uu ku jawaabay “ Maya loo aanayn kari mayo, hawlaha dhakhtarka ka socda adeegyada lagu wado lama odhan karo ha loo kaydiyo dhakhaatiirta KIJAABI  shaqaduna way socotaa maalin walba waanan soo ururinaa  waxa ay Kijabi u baahan tahay waanan wadnaa hawsha.

Qaliinadan oo socon doona ilaa maalinta Sabtida ah ee soo socota ayaa waxa loo diiwaan galiyay dad kor u dhaafaya 150 ruux oo iyagu ka soo kala baqoolay daafaha dalka iyo dalalka aynu jaarka nahay, waxana ay maalmahan dambe agagaarka cisbitaalka dadkaasi ka dhigeen Magaalo yar  oo ku dhex taala magaalada Boorama.


Wariye:-
Abokor Hassan Affi.
Lughaya News-Borama.