“Macalinka Siyaasada Ee Bulshada, Madasha Runta Iyo Meelkadhaca Maaweelo Iyo Meel La Isugu Faano Oo…..”
Har-(Lug)-Joornaallada caadiga ah ee ka soo baxa magaalada Hargaysa ayaa waxa ay yihiin kuwo saamayn wayn ku leh nolosha dadka ku dhaqan magaalada Hargaysa, waxa uu qof waliba oo ku nool magaaladu indhaha ku kala qaadaa akhriska joornaalka waxana ay tani dadka caadiga ah ku hagtaa in ay go’aan ka gaadhaan waxa ay qabanayaan intaasi waxa ka dambeeya.
Magaalada ayaa suxub walba ka soo baxa 8 jariiradood oo kala magic duwan balse xogta ay wadaani isku dhawdhawyihiin, sidoo kale inkasta oo ay ujeedada ugu way nee joornaaladaasi badan loo sameeyay ay yihiin xag baahin ayaa hadana midba midka kale uu ka duwan yahay, waxana ay ku kala duwan yihiin maqaalo iyo qoraalo gaar ah oo inta badan ay si joogto ah u soo daabacaan.
Marka hadaba loo yimaan gunta hoose ee lahaanshaha iyo asalka ay ka soo jeedaan joornaaladaasi waxa aad dareemaysaa in ay yihiin kuwo ku abtirsada beelo.
Jariirada ugu dada wayn ayaa ah Jariidada Jamhuuriya waxana la aasaasay sanadii 1991kii waqtigaas oo uu alle ha u naxariistee dhidibada u taagay Tuur Cabi Shide, waxa jariidadan maanta ay gacanta ugu jirtaa oo iska leh labada nine e kala ah Faysal Cali Sheekh (Sacad Muuse) iyo Xasan Siciid (Arab).Jamhuuriya waa maalinle marka laga reebo maalinta sabtida ah oo ay isku badashu Republican oo afka ingriisiga ku soo baxa.
Waxa ay jariidadani can ku tahay muuqaal kartooneedka Dhanxiir oo isagu ka turjuma xogta ugu muhiimsan ee maalintaas jirta,inkasta oo ay dadku u kala yaqaanaan “Balo sheeg iyo Badheedhe sheeg” hadana waxa uu xambaarsan yahay dhanxiirku ujeedada joornaalka oo dhan ee` maalintaas.
Jariirada Haatuf oo iyadu ah mida ugu caansan ee waqti xaadirkan jirta ayaa waxa ay ku samaysantay khilaaf dhinaca saxaafada ah oo soo kala dhex galay suxufiyiin markii hore ka shaqayn jiray jariidada Jamhuuriya. Maanta waxa iska leh jariidadan Yuusuf Cabdi Gaboobe (Sacad Muuse) waxana la aasaasay sanadkii 2001dii. Jariidadani waa maalinle marka laga reebo maalinta Sabtida ah oo ay isku badasho Somaliland Times oo afka ingriisiga ku soo baxda. Haatuf waxa ay caan ku tahay hadalada kul kulul ee ay inta badan cinwaanada uga dhigto bogeeda hore waxana ay hadaladaasi sababeen in ay dadbadani u akhriyaan si xiiso badan kuna tilmaameen in ay tahay jaraa’id runta ka sheega oo soo daah fura maldahaadaha xukuumada, waxa taasi barbarsocda in ay dadka qaarkii u arkaan jariidan waaqiciga ka fog kuna tilmaamaan in ay la mid tahay Radio-gii reer Rwanda ee xauuqii 1994 ee Hutu-ga iyo Tutsiga laga faafin jiray. Jariidadan haatuf waxa kale oo uu magaceedu circa isku shareereay dhawaan mar xadhig loo gaysatay Wariyeyaal ka tirsin oo si qoto dheer wax uga qoray isbarbardhiga maamuladii madaxwayne Cigaal iyo Madaxwayne Riyaale.
Maandeeq oo ah jariidada ku hadasha codka dowlada ayaa waxa la aasaasay sanadii 1998dii jariidadu waa maalinle marka laga reebo maalmaha Axada iyo Jimcaha oo ay isku badasho Horn Tribune oo ku soo baxa af ingriisi iyo al-Qarnul Ifriiqi oo ku soo baxa afka carabiga. Jariidadan ayaan inta badan dadku jeclayn akhriskeeda waxana ay sababtu tahay iyada oo ay dadku u arkaan in aysan runta ka sheegayn xaqaa’iqa jira waana taasi ta keentay in lagu naanayso “Codka Guulwadayaasha” maandeeq waxa aan inta badan ku soo bixin wararka u janjeeda dhinaca mucaaridka waana jaraa’id ay soo saarayaashiisu wax badan isku taxalujiyaan tafaqyotirka wararka la rabo in la soo daabaco.
Jariidada Ogaal oo iyadana la aasaasay sanadii 2005 ayaa waxa iska leh Muuse Faarax Jaambiil (Habar Yoonis) waxana ay soo baxdaa 4 maalmood oo qudha, ogaal inkasta oo ay tahay jariidad soo koraysa hadana waxa ay ku caan baxday odhaahaha odayga waayeelka ah ee Mr. Wadani oo laga soo dheegto bal mawduuca ugu xiisaha badan ee jira maallintaas. Ogaal waxa kale oo ay caan ku tahay daabcaadaha taxanaha ah ee qisooyinka dunidan ka dhacay oo ay ka mid tahay Qisada la yidhaa Qalalaasihii Geeska.
Geeska Africa waxa iyana jariidadan iska leh Maxamed Xuseen Jaamac “RAMBO” (Arab) ooh ore uga tirsanaan jiray wariyeyaasha wargayska Jamhuuriya, waxana la aasaasay sanadii 2006dii. Waxa ay soo baxdaa 4 maalmood Geesku waa jaraa’id ay inta badan dhalinyartu iibsato waxana aad ay dhalinyartu u akhridaa oo uu ku caan baxay maqaalada uu ugu yeedho “Googooska Geeska” kuwaasi oo xambaarsan sheekooyin Rumayso ama Ha Rumaysan Ah iyo turjumaada qisooyinka buugta soomaaliga sida sheekadii Ayaan-daran
Saxansaxo iyana waa jariidad imika soo koraysa oo la aasaasay sanadii 2006dii waxana iska leh Cabdilaahi MAxamed Daahir (Ciido-Gale) inkasta oo aanay jariidadani wali kala miirmin hadana waa maalinle, isla markaana waa la dareemi karaa in ay soo koorayso.
Maalmaha, Jariidadan oo uu leeyahay Cabdiraxmaan Maxamed Aadan “Dhameeye ( Aadan Yoonis- Samaroon) waxa la aasaasay sanadii 2007dii waxana uu ka mid ahaa Dhameeye wariyayaashii Jamhuuriya ka shaqayn jiray, Jariidadu waxa ay soo baxdaa 3 maalmood maadaama oo uu wali curdin yahay jariidadan Maalmuhu wali ma yeelan mawduucyo kala hufan oo la xusi karo waxase taariikhi ah oo la xusi karaa sida uu Dhameeye u noqday muwaadinkii ugu horeeyey ee aan ahayn reer Hargaysaad ee jariidad ka furta magaalada Hargaysa.
Waaheen waxa la aasaasay sanadii 2008dii waxana iska leh Dr. Axmed Xuseen Ciise (Sacad Muuse). Waaheen waa sanad jir wali aan raad qaad noqon, inkasta oo ay soo baxdo 3 maalmood.
Inkasta oo ay qoraan maqaalo diini, cilmi, jacayl, maddaalo iyo wacyi gallin isugu jira hadana waxa badi bogagooda qaata xayaysiisyo iyo baahinta shaqooyinka ka banana caasimada oo ay inta badan ogaysiiyaan uun dadka ku dhaqan caasimada
Si kastaba ha ahaatee joornaaladani waa madax qarsoon oo uu dalku leeyahay, waxa ay saamayn ku leeyihiin nolosha dadka, hanaanka siyaasada ee dalka, waxa ay dadka u wada noqdeen macalimiin bara duruuusta siyaasada, waxa ay mararka qaar siyaasiyiintu u isticmaalaan meel ay ku gudbiyaan ujeedadooa saxa ama khaladka ah, waxa ay lafdhabar u yihiin muujinta in ay dalka ka jirto xoriyatul qawl balaadhani, hadana waxa ay cadaw ku yihiin isla xoriyatul qaylkii oo waxa mararka qaar dhacda in ay xukuumadu ka xan qaadato oo ay cabudhin kula kacdo.
WaxaJariidadahan oo dhan waxa si wayn loogu isticmaalaa caasimada Hargaysa, magaalooyinka kale eedalka qaarkood waxa uu gaadha galinka hore ee maalinta qaarna galinka dambe ee maalinta halka meelaha qaar aanu gaadhin joornaaladani.
Macalinka Siyaasada ee Bulshada, Madasha Runta iyo Meelkadhaca iyo Maaweelo ayuu u yahay bulshada badideeda waana hubaal in ay yihiin hanti iyo mansab ay isugu faanaan beelaha kala lehi.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Hargaysa


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " HARGAYSA: Maxaad Ka Taaqaan Jaraa’idka Ka Soo Baxa Magaalada Hargaysa "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback