Hargaysa-(Lug)-Waxay ahayd abaaro 9:53 subaxnimo ee saaka markii Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo ay weheliyeen Ku xigeenkiisa iyo raxan Wasiiro ahi ay soo gaadheen Xarunta Amnigeeda aadka loo adkeeyay ee Golaha Guurtida Somaliland, halkaasi oo uu khudbad sanadeedka dastuurku xaqa u siinayo uu ka jeedinayay fadhi wada jir ah oo ay maanta labada Gole ee Baarlamaanka Guurtida iyo Wakiiladu ay yeesheen.
Fadhigan wada jirka ah ee labada gole oo uu gudoominayay gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro] waxa uu bolowgiiba ku bilaabay in Madaxweyne Rayaale uu ka cudur-daartay in aanu diyaar u ahayn in Xildhibaanada Labada gole ay weydiiyaan su’aalo marka uu dhamaysto khudbadiisa oo ahayd tii ugu dheerayd ee uu jeediyo oo ka koobnayd ilaa dhawr iyo sodon bog.
Madaxweyne Rayaale, khudbadiisii ayuu bilaabay waxana uu ku soo qaaday xaalada dalka, siyaasada Arrimaha dibada, waxbarashad, caafimaadka, dhaqaalaha, siyaasada iyo guud ahaan muranada siyaasadeed ee wadanka ka taagan.
Madaxweynaha Somaliland, waxa kale oo uu khudbadiisa ku soo qaaday xaalada wada shaqaynta xukuumada iyo golaha wakiilada, oo uu qiray in uu mugdi galay, khudbadaasi oo aad u dheerayd ayaa badi Xildhibaanada labada gole ay mararka qaarkood sacab isla oogsanayeen, hase yeeshee waxa jiray sadex xildhibaan oo kala ahaa Xildhibaan Axmed Ibraahim Daahir [Axmed Weyne] oo ka mid ah Mudanayaasha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE,oo laga soo doortay Gobolka Hargeysa, Md. Cali Maxamed Xasan [Cali-Mareexaan], oo isna ka tirsan xisbiga KULMIYE, lagana soo doortay Gobolka Tog-dheer iyo Md. Maxamuud Axmed Obsiiye, oo laga soo doortay gobolka Hargeysa , kana tirsan KULMIYE, ayaa marar dhawra ku dhawaaqayay erayo ay ku durayeen Madaxweynaha iyo khudbadiisa kuwaasi oo mararka qaarkood taraarayay isla markaana ay ka soo baxayeen weedho deel qaaf ku ah afka nin Xildhibaan ah oo la soo doortay kuwaasi ay ka mid ahaayeen kuwo ay ku beeninayeen hadaladii Madaxweynaha.
Xildhibaanadaasi oo tiradaba dhawr jeer oogsaday waxay kacayeen markii Madaxweynuhu ka hadlayay wada shaqaynta xukuumadiisa iyo golaha wakiilada iyo mar uu soo qaaday xisbiyada mucaaridka ah oo uu sheegay in ay dariiq sharci ah u maraan hanashada kursiga madaxtinimo.
Gudoomiyaha golaha wakiilada Md. Cabdi-raxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa khudbada Madaxweynaha oo socota dhawr jeer ku dhawaaqay inay mudaneyaashaasi aamusaan, hase yeeshee muu jirin wax go’aan ah oo uu ka qaatay.
Xarunta golaha Guurtida ee shirku ka socday ayaa amaankeeda aad loo adkeeyay, waxana Xildhibaada Golayaasha si adag loogu baadhayay kadinkii ay ka galayeen hoolka shirarka, waxana in la baadho ku gacmo saydhay dhawr Xildhibaan, iyadoo uu Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu inta uu dibada u soo baxay Ciidankii ku war galiyay in aanay baadhin Mudaneyaasha ku sugan golayaashoodii.
Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Lughayanews-Hargeysa


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Jawigii Madashii Golayaasha Baarlamaanka Iyo Khudubadii Madaxweyne Rayaale "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback