Wararka naga soo gaadhay Hayada Samofalka ee North America ayaa xaqiijiyay in uu dib u Dhacay muddo bil ah Markabkii siday Raashinkii Mucaawimada ahaa ee loo soo dirayay Goobihii Roobabka Barafka wataa ka da’een isla markaasi dhibaatooyinka u gaystay Dad iyo duunyaba.

Markabkaasi oo la filayay inuu soo gaadho  April 19, 2008 ayaa sabobo awgeed muddo bil ah dib u dhacay waxaana la filayaa inuu soo gaadhi doon wadanka  20 May 2008.

Warkaasi oo ay nasoo gaadhsiiyeen hay’adii samafalka ee deeqdan bixisay ee maraykanka ahayd.