Borama-(Lug)-Qaar  ka mid ah rakaab kasoo degay garoonka diyaaradaha Hargeysa  xalay saqdii dhexe  soona gaadhay  Boorama   isagoo kusii jeeday magaalada jig-jiga ee dalka Itoobiya ayaa ka warramay xaalado  cabsi  iyo argagax leh kana dhashay ciidammo tiro badan oo lasoo dhoobay jidadka magaalada Hargeysa   iyo goobo ku yaalla magaaladaasi .

mid ka amid ah rakaabka la socday dayaaradda Hargeysa  soo fadhiisatay 1dii  subaxnimo  soona gaadhay  Boorama cabbaare 4tii  aroornimo,ayaa waxa kale oo uu ka hadlay sida ay khatarta u gashay naftoodu markii  ciidammo  ku dhuumanayey  geedo hoostood   uu arki waayey darawalkii  tagsi ay kasoo kireysteen Hargeysa ,kaddibna ay ku warheleen  dhawaqa qoryaha loo diyaarinayo toogashadooda .

Mid ka mid ah rakaabkaasi,kana yimid  dal ka mid ah dalalka yurub ,oo ka gaabsaday in la magacaabo ayaa saaka intii aanu jigjiga u amba baxin iiga sheekeeyey wixii xalay ka qabsaday  jidadka magaalada Hargeysa intii  anu kasoo bixin magaaladaasi  isagoo  yidhi “

‘waxan iman jiray Soomaaliland goor dharaar ah ,waxan kasoo degi jiray garoonka diyaaradaha Hargeysa ,anoo  mara jabuuti ama meelo kale .Xalay wakhti an wakhti ahayn ayaan soo gaadhay garoonkaasi Hargeysa ,oo an ogaa wixii ku dhacayey rakaabka kasoo dega halkaasi  maalinta cad ,ayaan kusoo beegmay habeen goor dambe.wixii dhacay way nagu dhaceen ,waxanse la illoobi karin safarkii an kusoo maray Hargeysa dhexdeeda oo an mari jiray goor kasta oo habeen iyo maalin ah .

Dabaysha ka socotay meeshaasi waxay isoo xusuusisay waagii ay bilaabanayeen dagaaladii sokeeye ,askar iyo ciidan meel kasta dhooban ,isbaarooyin ,baadhis iyo waxyaalo badan oo kaa horjoogsanaya inaad socodkaaga  si caadi ah wada to.Waxan ka yaabay gawaadhida dagaalka oo taallay goob la odhan jiray Total oo loogasoo leexdo biriijka Hargeysa ee weyn,taasoo  calaamad u ah in dalku anu deggenayn dagaalna dhici karo mar kasta  .

Waxan aad uga yaabay ,cabsina na geliyey markii an kusoo dhawaannay jidka hormara madaxtooyada halkaasoo isgoys ku yaalla nalagu joojiyey kaddibna nala baadhay .Intii nala baadhayey waxay askarta meesha joogtay qaarkood  gacanta ku hayeen keebka qoryaha ay siteen .Wax yar markii an isbaaradii dhaafnay ayaa ciidan kale nagagasoo baxay meel ku dhaw wasaaradda arrimaha  gudaha loogana leexdo guriga  uu deggenyahay madaxweyne kuxigeenkii hore  C/raxmaan Aw Cali  iyo talkiska CID-da,si kedis ah ayaa gaadhigii loo joojiyey annagoo maqlayna sanqadha qoryaha loo diyaarsaday  toogashadayada.Annagoo an garanayn waxa dhacaya ,iyo sida wax socdaan ,ayaa waxa noo yimid askari ka mid ah kuwa meeshaa joogay  wuxuna nagu yidhi magaalada sidaa ha u soconina “,waxan ku idhi waar safarbaan ka nimid oo jid dheerbaa na sugaya,wuxuna noogu jawaabay ‘ama safar ahaada ama magaalada joogoo  iska ilaaliya socodka caynkaas ah ,”waayahaybaan  idhi anigoon su’aal kale sii weydiin karin askarigaasi.

Haddaba marka aad eegto xaaladda Hargeysa ee habeenkii sidaas ah iyo diyaaradaha habeenkii ku keenaya magaalada ,waxad is odhan karta mar dambe dalkan dib ha u imaan ,sababtoo ah waxan ku siganay in rasaas la iskagakaaya furo annagoon waxba ogeyn ,wax dembi ah geysan ,dalka ku cusub ,indhahayaguna waxanoo kale anay qabanin sannado badan .’

Si kastaba ha ahaatee sheekada ninkaa musaafirku waxay digniin kale u noqonaysaa qurbajoogga   reer Soomaaliland  ee dalkan iman jiray wakhtiga kuleylaha ah ,kuwaasoo  sheekooyinka dalka maanta ka taagani ,iyo diyaaradaha habeenkii  kasoo dejinaya Hargeysa ku abuuri karaan cabsi ka baajisa socdaalkooda Soomaaliland ee wakhtigan.

 

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane).
Lughaya News-Borama.