Hargaysa-(Lug)-Xoghaya Dhalinyarada ee Gudida fulinta ee xisbiga KULMIYE , Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan ayaa maanta ka hadlay dhacdadii mudaharaadkii rabshadaha watay ee Axadii ka dhacay Magaalada Hargaysa.
Xoghaya Dhalinyarada ee Gududa Fulinta ee KULMIYE, oo maanta saxaafada ugu waramayay Hotel Ambassador ee magaalada Hargaysa, waxana uu ciidamada booliska ku eedeeyay masuuliyadii dhimashadii labadii wiil ee dhalinyarada ahaa ee lagu dilay mudaharaadkaas, waxana uu yidhi “waxan cambaaraynaynaa falkii xasuuqa ahaa ee ciidamada Boolisku ay ku toogteen laba wiil oo dhalinyaro ah oo iyagu ku qudhbaxay mudaharaadkaas iyo afar dhalinyaro ah oo ay dhaawacyo kala duwani ka sooo gaadheen, waxa aan leeyahay ciidamada ha loo tababaro qaabka ay ula dhaqmayaan dadwaynaha marka ay arimo mudaharaado ahi yimaadaan”.
Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan waxa uu sheegay in shacabka ku dhaqan magaalada Hargaysa aanay kala jeclaysanayn dadkii magaca ku lahaa bulshada dhexdeeda, isaga oo arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “ shacbiga reer Hargaysa ma kala jeclaysanayaan Magacyada alle ha u naxariistee Abwaan Cabdi Iidaan iyo Sheekh Cumar Yuusuf, waxana aan leeyahay reer Hargaysoow idinkaa is ah oo aan meelna ku kala tagayne ee ha ku kicina wax aan dhaqan idiin ahaan jirin”.
Xoghayuhu waxa uu ku baaqay in hayadaha sharciga ah la hor keeno cidii ka dambaysay asbaabihii dhaliyay mudaharaadkii Axadii todobaadkan ka dhacay magaalada Hargaysa.
Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Lughayanews-Hargaysa


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Mudaharaadkii Dhawaanta Ka Dhacay Hargaysa "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback