Hargeysa-(Lug)-Gudoomiye ku xigeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland Md.Xirsi Cali X.Xasan ayaa jawaab kulul ka bixiyay qaybo ka mid ah khudbadii Madaxwaynaha Somaliland uu shalay ka jeediyay Fadhigii wada jirta ahaa ee Labada Gole Baarlamaan (Wakiilada iyo Guurtida) oo uu ku duray habsocodka Shaqada Komishanka.
Gudoomiye ku xigeenka Komishanka oo maanta Xafiiskiisa ugu waramayay qaar ka mid ah Warbaahinta,ayaa halkaasi ka akhriyay Qoraal ka kooban 15 bog oo kaga hadlayay Khilaafka Siyaasadeed ee dalka ka taagan iyo duruufaha ku gadaaman hirgalinta diiwaan galintii Codbixiyeyaasha iyo Doorashooyinka.
Qoraalkaasi waxa intiisii ugu muhiimsanayd ay u qornayd sedan:-
“Diiwaan galinta oo aan waafaqsanayn Xeerka Diiwaangalinta, sidoo kale aanay saamaxayn in lagu dhameeyo Code of conduct una baahan in lagu sameeyo wax ka badal iyo kaabid sharci.
Xiliyadii Diiwaangalinta iyo Doorashooyinka oo uu cayimiday Komishanku Saddexda Xisbina ay la qaateen oo Guurtidu ay u kordhisay Madaxwaynaha iyo Ku xigeenka wakhti aan waafaqsanayn ay u dhaxayso Saddex Bilood iyo Siyaado, arrintan oo keentay Moran siyaasadeed oo xoog leh taasi dabada ku haya wakhtiga Madaxwaynaha iyo Ku xigeenkiisa ee dhamaaday, Hadii aan la helin isutanaasul waxay arrintani keeni kartaa Isku dhac iyo Dhiig daata,iyadoo uu Ammaankuna si sahlan u lumi karo.
Deeqbixiyayaasha oo sheegay inaanay Saxeexayn Qandaraasyada Diiwaan galinta hadii aan Sharciga Diiwaangalinta waxii ka hor imanaya shaqada wax laga badalin iyo Khilaafka Siyaasadeed ee ku salaysan Wakhtiga Madaxwaynaha iyo Ku xigeenka lagu heshiiyo.
Lacagtii oo u kala qaybsanayn Miisaaniyada 2007/2008 waxaa gacanta Komishanka soo galay qayb ka mid ah Miisaaniyadii 2007 u qorshaysnayd sidaasi darteed waxaa daruuri ah in la helo baaqiga Miisaaniyada 2007 lana sii daayo Miisaaniyada 2008 si aanay howshu u kala dhantaalmin.
Xaalada qalafsan ee Abaaraha,Sicir bararka ayaa keeni kara inay banjarto Howsha Komishanka ee Diiwaangalinta iyo Doorashooyinka hadii Illaahay roob keenin,waxaana khatar ku jira xoolaha iyo Nolosha Muwaadiniinta.
Madaxwaynuhu waxuu ku celceliyay Sharciga Barta ama Akhriya waana inay sharciga ku dhaqmaan oo raacaan Komishanku,Iyadoo uu ka dambaysiiyay hadal duur-xul ah oo aan u fahmay in Komishanka lagu Habdidayo oo loogu hanjabayo Cidii Sharciga Ku Dhaqmi Waydaa Way Saqiiri Doontaa,Waxaan leenahay Madaxwayne waxaan si qoto dheer u darisnay Xeerarka iyo Dastuurka dalka, iyadoo aan si joogto ah la tashi ula samayno Sharci yaqaanada nala shaqeeya iyo qaar caalami ah oo ku xeel dheer aqoonta Sharciyada Adduunka, in loo hanjabo ama la hadido Komishanka waa xaaraan,Xadhig iyo Xil ka qaadis midnaba Komishanku kama baqayo mana jirto cid Awood sharcigu u siiyay.
Mudane Madaxwayne waxuu khuseeya Arrimaha Doorashooyinka waxaanu kuula Macaamilaynaa Gudoomiyaha Xisbiga UDUB,waxa aanad noola mid tahay Faysal iyo Axmed Siilaanyo mana jirto awood ka baxsan oo aan kuu ogol nahay waxii khuseeya Arrimaha Doorashooyinka Anagaa ah Hayad u madaxbanaan.
Talooyinka:-
1. In Si deg deg ah dib u eegis lagu sameeyo xeerka Diiwan galinta si loo kabo waxii aan waafaqsanayn Nidaamka iyo Qaabka loo qorsheeyey, si looga dheeraado Muran sharci oo ragaadiya Habsami u socodka diiwaangalinta Codbixiyeyaasha.
2. In la meel mariyo Heshiiskii Komishanka iyo Xisbiyada ee tilmaamay Muddada qabsoomida diiwaangalinta iyo doorashooyinka maadaama oo aan wakhtigii hore lagu shaqayn Karin oo aanu ku filnayn iyo iyadoo aanay jirin wax nabadgalyo daro ah oo loo daliishan karo qodobka Dastuurka ee 83 Fiqradiisa 5aad, sidasi darteed waxaa loo baahan yahay in arrintan laga wada hadlo si muwaadinimo lehna loogu heshiiyo waxii danta qaranku ku jirto.
3. In si dhakhso ah Miisaaniyada 2008 loo horgeeyo Wakiilada si dhakhso ah loogu ansixiyo si aanay u xanibin howshan Diiwaan galinta iyo Doorashooyinka.
4. In Golayaashu si mugleh u soo dhex galaan muranka ku saabsan Wakhtiga Doorashooyinka ee u dhaxeeya Xisbiyada Mucaaridka iyo Dowlada si loo gaadho heshiis qaran oo loo dhan yahay, sidoo kale in gacan buuxda la siiyo Geedi socodka Diiwaangalinta ee uu wado Komishanka Qaranku.
5. In Sharciyad laga soo saaro Ururada Siyaasadeed si looga dheeraado khilaaf siyaasadeed oo hadheeya Komishanka xiliyada Doorashada iyo In la dhowro Aasaasiyaadka Hanaanka Dimuqraadiyada.
6. Dowladu waa inay samaysaa Tanaasul oo ay muujisaa inay hayso Masuuliyadii Qaranka oo aanay la ficiltamin Xisbiyada Mucaaridka ah waayo Xisbiyadu waxay ka mid yihiin dadka ay dowlada u tihiin ee idin sugaya, waxaanay u ooman yihiin Kursiga aad ku fadhidaan.
7. Xisbiyada Mucaaridku waa inay u dhaqmaan si Masuuliyadi ku jirto oo ay muujiyaan Dulqaad waan ainay ogaadaan hadii Dowladu burburto inaanay jirayn wax ay u tartamaan,waa inay dareemaan in Masuuliyadi Qarankan ka saaran tahay.
8. Waa wareegii labaad ee Doorashooyinka,Caalamkuna waxuu eegayaa bal in Dimuqraadiyada Somaliland iyo Doorashooyinkii ay qabatay ay ahaayeen qaar Jibo keentay iyo inay ahaayeen wax aasaas leh oo ay wehelisho Qorshihii lagu xalin lahaa markay Mushkiladi Timaado.
9. Waa in la dhiiri galiyo wada hadalada Heshiisyada Qaran waxay ka mid tahay Aasaasiyaadka Dastuurka Qaranka waxaana si cad u qeexaya Qodobka Sagaalaad.ee Dastuurka”
Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Lughaya News-Hargeysa.
Cumarfaarax2@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " G/Xigeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Qaybo Ka Mid Khudbadii Madaxwaynaha. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback