Borama-(Lug)-Madaxweynaha Soomaaliland oo wakhtigii dalka uu sii xukumi lahaa gebo gebo ku dhawyahay,ayaa shalay khudbad ka hor akhriyey labada gole ee ka mid ah saddex gole ee Soomaaliland ,kuwaasoo kala ah Golaha Guurtida iyo Golaha Baarlamaanka .

Khudbaddan uu ka hor Akhriyey labadaa gole ,lagana daawanayey telefishanada sateliteka ,ayaa waxay khudbaddaasi tahay mid  weli lasii hadalhayo,lana isweydiinayo  waxay ka tarjumaysay ,shacbigana illawsiinin dhibtii ciidanka Rayaale gaadhsiiyeen shicibkii Harageysa ka mudaaharaaday ee qaarkood dhinteen,iyo qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ka taagaan,waayo waxa dawladda Rayaale lagu yaqannaa in iyadoo dalku ku jiro xaalad adag ,ay kusii biiriso mushkilado kale ,si loo illloobo  wixii hore  oo u badan loollanka siyaasiyiinta Soomaaliland  qaarkood ku doonayaan in dalkan isbeddel siyaasadeed ka dhaco 

khudbaddan dad badan oo reer Soomaaliland ahi ku sifeeyeen inay ahayd mid aan dhadhan lahayn,isla markaana an taabanayn xaaladda dalku ku jiro ,iyo sidii wax looga qaban lahaa , ayaa dhinaca kale u ekeyd in  Rayaale ka hadlayo Soomaaliland kale oo an ahayn tan an ku noollahay,ee ay galaafteen abaaraha,maamulxumada ,horumar la’aanta iyo guuldarrooyin siyaasadeed.

Khud baddan sidii buug oo kale ah ,ayaa badankooda uu Rayaale kaga hadlay waxyaalo ay horeba u odhan jireen qaar ka tirsan Wasiiradiisa aad moodid inay jar kasii tuurayaan dalka,basle Rayaale u haysto inay daacad u yihiin. Khudbaddaasi oo laga sheegeyo dadkii daawanayey qaarkood iska xidheen telefishanadii kaddib markii ay ka waayeen wax cusub ,oo niyad cusub iyo rajo cusub kusoo dabbaali kara shacbiga badankiisa.

Markaad u dhabbogasho waxyaalaha ka muuqday khudbadahaasi ,sida loosoo abaabulay labada gole ,sida shirguddoonka afka u qabtay baarlamaankii lasoo doortay isagoo dhinaca ku hayey Daahir Rayaale wakhtigaasi  ,sida sacabka loo tumayey ,iyo sidii laga filayey ayaa dhammaantood ahaa wax  an cusbayn oo Daahir Rayaale iskusoo dubbaritay , oo aad ka dareemi karto inay tahay abaabul siyaasadeed , Olole  doorasho iyo mid muddo kordhinta uu ku xalaalaysanayey.

Runtii wax laga naxo ayey ahayd in golayaal qaran ,oo loogu talo galay inay Xaqa iyo Baadilka ,Sharciga iyo Sharcidarada ,Maamulka Toosan iyo Kan Qaloocan ukala sheegaan dawladda iyo shacbigu ,ay saacado badan dhegeystaan khudbad nuxurkeedu iska yaraa ,isla markaana ay Rayaale u sheegi kari waayaan waxa shacbigu ka sugayo,oo weliba sacab ugu daraan , xildhibaannkii keli ahaa ee ka dhabqiyey  sacabkii  iyo khudbadda Rayaalena oo ku sigtay in laga saaro shirka,kaasoo ahaa Xil Axmed Weyne

Guurtida waa lagu ogaa inay Rayaale daba joogaan ,balse baarlamaanka lasoo doortay ee shirguddoonkiisii iyo xubnihisiiba sacabka u tumayeen Daahir Rayaale ,loogama fadhiyin ,waxana soo baxday kashifaad cad oo ku dhacday baarlamaankaasi ,oo marka ay saxaafadda la hadlayaan iska dhiga inay xaqa u sheegeyaan .balse shirkan lagu ogaaday inay saxaafadda been u sheegeyeen,Daahir Rayaalena hoosta kala socdaan.

Waxay ahayd in su’aalo la weydiiyo haduu diidana laga dareero. Xubhana kasoo jeeday ama lagasoo doortay axsaabta mucaaradka ah ee shirka fadhiyey ,ee kasoo  dhuuntay shirweynihii xisbigoodu u ballansanaa  maxay taransadeen ?.

Markaan dib u eegno ujeeddooyinka Rayaale wakhtigan ugusoo beegay la kulankan labada gole ayaa iyaduna ah mid muhimaddeeda leh .haddii an waxyaalo ka mid ah kasoo qadanno ujeedooyoinkaasina waxa ka mid ah

1.Waxa la ogaa ,ama dhawr jeer dhacday in wakhtiga Daahir Rayaale uu kasoo baxo madaxtooyada ay ahayd uun wakhtiga uu dalka ka dhoofayo ama debedda u baxayo ,ama olole siyaasadeed uu ku jiro ,sidaa darteedna loo qaadan karo in tegidda labada gole ay ahayd uun mijo baxsi  uu isku illawsiinayo fadhigii guriga madaxtooyada ,welwelka siyaasadda ka haysta,iyo  aragtida shakhsiyaad ka baxsan kuwa had iyo jeer garab fadhiya ee wax u sheega .

2.Waxa loo qaadan karaa inay ahayd ujeeddo siyaasadeed oo uu uga dan leeyahay sidii uu labada gole ,ee uu mid haysto,uu kan kale ugu qancin laha ain muddokordhintiisu sharci tahay

3.Markaad eegto hadalada qaarkood waxa caddaan ahayd inuu laba arimood u socday ,waa tan koowaade dhaqaale ama dakhli ururin uu kaga jawaabayo hadalkii guddiga dhaqaalaha ee golaha baarlamaanku ku taliyeen in cashuuraha la joojiyo maadaama an la ogeyn meel ay ku baxayaan .iyo tan labaad oo ah inuu mucaaradka u sheego sida uu uga adag yahay xoog iyo xeerba ,isagoo u jeediyey digniino qarsoon iyo mid caddan ahba,baaqooda 15 May na uu fashilmi doono .

4.Inuu labada goleba kaga hor faano waxaanu qaban oo uu sheegtay inuu dalka u qabtay ,xag siyaasadeed iyo xag dhaqaale , iyo dhinacyo kaleba

5.Si uu u arko Rag ka tirsan baarlamaanka oo an weligood gelin madaxtooyada
6.in Daahir Rayaale shacbiga tuso sida uu gacanta ugu hayo baarlamaankii la moodayey inay ka madax bannaan yihiin gacanta xukuumadda ,

7.Inuu tuso labada goleba sida uu baarlamaanka ugu yeedhi karo .amarkiisana ay qaataan una dhegeystaan wax kasta oo uu ku hadlo..

Si kastaba ha ahaatee khudbaddii dheerayd ,kana madhnayd diblomaasiyadda ,waxa uu muujiyey oo kale ,inuu shirguddoonka baarlamaanka uga tanaasulay magacaabiddoodii wakhtigii ina Dhaadheere u qaban kari waayey shirgudoonkaasi,iyadoo dhinaca kalena aanay shacbiga reer Soomalailand illoobin sidii foosha xumayd ee ciidamada dawladdu usoo galeen dhismaha baarlamaanka wakhtigii shirguddoonka la dooranayey,taasoo Daahir Rayaale kaga doonayo baarlamaanka inay gudaan abaalkii uu waagaa u galay,oo ay ka daayaan carqaladda iyo dhaleecaynta .

Ugu dambayntiina dadka reer Soomaaliland ayaa weli Rayaale ka sugaya inuu hortooda yimaaddo ,halka uu saddex aqal iyo laba aqal oo ay ku jiraan xubno metela golayaashaasi oo mid ka mid ah  Xoghaye C/Laahi Dheere wuxuu u yeedhiyo ansixiya , kan kalena ay ka buuxaan qurbajoog sita baasaboorro Ajnebi ah oo usoo shaqo tegey Soomaaliland ,markay xumaatana ka baxa ,hadday hagaagtana kula  sheegta Guulaha,waana mid nasiibdarro ah in maanta laga hadlo wax an ahayn  xaqiiqda jirta ,isla markaana dadkii rabshadihii dhacay  dawladdu shacbiga ka raalli geliso halka ay usoo jeedinayso digniino kale oo ay ku geysan karto dhibaato kale.

Waxa kale oo meesha taallay In Rayaale  marka uu ka hadlayo arrimaha dalka  uu caddeeyo waxa ka jira  eedeymaha loogasoo jeediyo meelo badan  uu caddeeyo ,ama qirto ,haddiise uu mar walba yidhaahdo anaa toosan ,maaha wax laga dhegeysan karo ,sababtoo ah Ilaahay Uunbaan Qaldamin.


Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane).
Lughaya News-Borama.