hareeri1.JPGSanca-(Lug)-labada weriye ee caanka ku ah dhulka ay degaan dhammaanba dadka soomaliyeed ee Axmed Xasan Cawke iyo Cabdisalaam Ibraahin Hereri ayaa iska baxay shaqadii ayka hayeen laanta afsoomaaliga ee idaacadda V.O.A ee maagalada Washington ee dalka Marykanka  maanta oo bishu tahay 30//04/08 waxana ay ku biiri doonaan telefishan cusub  oo magaciisa layiraahdo RAAD oo looga dhawaaqay magaalada London ee dalka Ingiriiska
 
Weriye Axmed Xasan Cawke waxa uu soo caanbaxay sannadihii todobaataneeyadii isagoo aad looga jeclaa idaacaddii radiyo Muqdisho ee uu ka shaqayn jiray wuxuuna kamid ahaa  raggii ugu magaca dheeraa idaacaddii raadiyo Muqdisho oo uu shaqadeeda hayay tan iyo intii ay kaburburtay dawladdii Soomaaliya wuxuuna ahaa waqtiyadii ugu dambeeyay guddoomiyihii xagga saxaafadda iyo weriyihii gaarka ahaa ee madaxweynaha
 
Sannadkii 1991kii markii laga qaxay magaalada Muqdisho waxa uu Weriye Cawke tagay magaalada Nayroobi isagoo usii dhaafay  magaalada Kambala ee dalka Uganda oo uu idaacada B.B.C uga soo warrami jiray sannadkii 1996kii ayuu si rasmi ah uga mid noqday  laanta Afsoomaaliga ee idaacda B.B.C waxana uu waqtigaas tagay  magaalada London halkaana waxa uu kashaqeeyay muddo muddo 11 sannadood ah sannadkii 2007waxa uu si toos  ah ugu biiray laanta afsoomaaliga ee idaacada V.O.A  iyadoo si aad ha loosoo dhaweeyay
hareeri1.JPG
                  Wariye C/salaam Ibraahim Hereri
 
Weriye Cabdisalaam Ibraahin Hereri ayaa isagu soo caan baxay sannadkii 1991kii waqtigii burburkii isagoo si toos ah ugu biiray idaacadad B.B.C laanta Afsoomaaliga waxana uu kamid ahaa weriyayaasha loogu jecelyahay qaadista waraysiyada  isagoo leh hadal aad u miisaaman  Weriye Hereri waxa isaga baxay idaacada B.B.C waxyar ka hor intii aanu katagin Cawke,waxayna isla markiiba  Cawke Iyo Hereri sare u qaadeen tayada iyo dhegaysiga idaacadda V.O.A oo dad badani jeclaysten sida ay barnaamijyada u diyaariyaan
 
Hadaba maanta oo bishu tahay 30/04/08  ayaa labadan weriye ay si rasmi ah ugu mid noqon doonaan telefishanka cusub ee RAAD kaas oo sida lafilayo ay ku jiraan weriyaal hore oo ka shaqayn jiray idaacada B.B.C oo ay kamid yihiin  Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar iyo Maxamuud Cabdi Cali Ducaale waxana la sugayaa sida uu telefishankaasi u shaqayn doono iyadoo uu jiray telefishan hore oo layiraahdo  UNIVERSAL oo isaguna ka  hawlgal magaalada London ee dalka Ingiriiska
 
 
weriye:
Cilmi Yuusuf Caddaawe
Lughaya News-Sanca.
yuusuuf16@hotmail.com