• Alla ha naxariistee Marxuun Maxamed Xaaji Ducaale Axmed Dhoolayare wuxuu Dhashay sanadkii 1914 Wakhti Barwaaqo ah.
• Wuxuuna ku Dhashay Degaanka Cayn Gaar ahaan Meesha la yidhaaahdo “DABA-BUURDHAAB”
• Waxbarashadiisii Wuxuu ka bilaabay Magaalada Berbera halkaas oo uu ka galay Malcaamad Ama Madarasad La odhan jiray ALFALAAX
• Markii uu dhamaystay wuxuu waxbarasho u tegey magaalada HERER oo xiligaa magaalooyinka ku yaala geeska Afrika ugu cadcadayd wuxuuna ku soo bartay Arimaha DIINTA & LUQADA CARABIGA waxaanay ku beegnayd sanadkii 1930kii
• 1930kii waxbarashada ka dib wuxuu bilaabay GANACSI isagoo ganacsi balaadhan sameeyay isla markaana ku biiray xoogagii gumaysi-diidka ahaa ee xoriyada u dagaalamayey
• 1933kii ayaa beeshiisu u dooratay inuu u noqdo CAAQIL.
• 1953kii wuxuu dhisay Dugsi boodhana oo isagu bixiyay lacagtii lagu dhisay wuxuuna ka dhisay degmada CEEL-AFWEYN dugsigaas oo ahaa dugsigii ugu horeeyay Somaliland ee arday lagu quudiyo {Feeding School} waxaana loogu magac daray Marxuun Maxamed Xaaji Ducaalle Waxaana Layidhaa Dugsiga Hoose/Dhexe ee DHOOLAYARE iyadoo maantana ilaa Dugsiga sare eeCeel-Afweyn la yidhaahdo DHOOLAYARE SECONDRY SCHOOL oo Marxuunka labada dugsiba loogu magac daray maadaama uu isagu aasaasay
• 1959kii wuxuu ku jiray lix nin oo metelayey lixdii DISTRICT ama degmo ee Somaliland oo lagu casuumay dalka boqortooyada Ingiriiska si ay ugala xaajoodaan dawladda ingiriiska xoriyadii Somaliland iyo wakhtiga ingiriisku siinayo marxuunku markaa wuxuu metelayey CEERIGAABO waxaana soo xushay Dadweynaha gobolka SANAAG
• 1963kii wuxuu iska wareejiyay hawshii caaqilnimada wuxuuna u leexday dhinaca siyaasada
• 1964kii wuxuu ka mid noqday xubnihii ku soo baxay baarlamaankii dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya halkaas oo uu muddo shan sanno ah xildhibaan ka ahaa ila iyo 1968.
• Xiligii halganka wuxuu ahaa odayaashii aadka ugu cadcadaa dawladdii mileteriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre.
• 1991kii wuxuu ka mid ahaa odayaashii Go’aamiyey la soo noqoshadii madax banaanida Somaliland.
• 1993kii wuxuu gudoomiye ka ahaa shirkii gobolka Sanaag ay ku lahaayeen Beelaha wada dega gobolka Sanaag waxaana lagu xasuustaa qodobadii uu shirkaa NABADAYNTA & TURXAAN BIXINTA gobolka sanaag uu ka soo jeediyay Ilaa iminkana lagu Dhaqmo.
• 1992kii -1996kii wuxuu ka shaqeeyay NABADAYNTA beelaha Somaliland Dhexdooda inay ku wada noolaadaan CISI & SHARAF farxadbayna u ahayd inuu maanta soo gaadhay Somaliland oo DERMA qudha ku wada fadhida.
• 1992kii wuxuu ka qayb-galay shirkki TAWFIIQ ee SHEEKH lagu qabtay.
• 1993kii wuxuu ka qayb galay Shirweynihii 2aad ee beelaha Somaliland Laguna Qabtay Boorame.
• 1996kii 15kii Oktoobar Ilaa 23 Febraury 1997 wuxuu joogay Hargeisa oo uu ka socday Shirweynihii 3aad ee beelaha Somaliland inkastoo shirkaa aanu ERGEY ka ahayn hadana wuxuu ka mid ahaa odayaashii dhinaca talada & wada tashiga loola tegaayey
• ALLA naxariistii janno ha ka waraabiyo Marxuun Maxamed Xaaji Ducaalle Axmed DHOOLAYARE wuxuu ahaa halyey Ma gabade ah,Aqoon durugsan,Xeeldheere Lagu soo hirto,Garasha badan,Ku dhac leh,Deeqsiya,Wadaniyada & Somalilaanimada ku Dagaalma,Una hura naf iyo maalba,Nn cibaado & Alla Ka cabsi Badan Kitaabka Quraanka Kariimka ahna aanu gacantiisa marnaba ka bixin Ilaa xiligan uu Xanuunka badani Hayey.
• Marxuunku wuu xanuunsanayey wuxuuna deganaa magaalada BURCO oo uu ku geeriyooday 29/04/2008.
• Ifka wuxuu Kaga Tegey wuxuu dhalay iyo Waxay sii Dhaleen Qoys Balaadhan oo Kor u dhaafay 120 qof oo uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Debedda ee SWomaliland Mudane C/laahi Maxamed Xaaji Ducaalle
• Illaahay waxaynu uga baryaynaainuu janadiisa ka waraabiyo Marxuunka Qoyskii Qaraabadii Asxabtii & Qaranka Somaliland oo dhana Samir & Iimaan Ka SIIYO.
• INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.
• Waxaa Taariikh nololeedka Marxuun Maxamed Xaaji Ducaalle Axmed Dhoolayare
• Soo Ururiyey Axmed C/raxman Xirsi {HEELLO}
Riyaad M. Yuusuf


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Taariikh Nololeedkii Marxuun Maxamed Xaaji Ducaale Axmed {Dhoolayare} "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback