Hargaysa-(Lug)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Daahir Rayale Kaahin iyo madaxda xisbiyada mucaaridka ah ee Kulmiye iyo Ucid Md. Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) iyo Md. Faysal Cali Waraabe ayaa caawa kulan ay kaga wada hadlayaan xaalada dalka iyo khilaafadka ka dhashay dib u dhacii doorashooyinka ku yeeshay qasriga Madaxtooyada.
Kulankan oo socday mudo saacado ah waxa dhinaca dawlada uga qayb galay Madaxwaynaha oo ay wehelinayeen Madaxwayne ku xigeenkiisa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Wasiirkiisa Maaliyada Xuseen Cali Ducaale (Cawil) halka ay gudoomiyaha xidsbiga Kulmiye ka weheliyeen Gudoomiye ku xigeenadiisa 1aad Md. Muuse Biixi Cabdi iyo 2aad Md. Cabdiraxmaan Cabdilqaadir halka ay gudoomiyaha xisbiga UCID uu la socday Xoghayaha guud ee Xisbiga Mudane Maxamed Xasan Baashe,waxaana ay kulankaas kaga heshiiyeen khilaafaadkii ka dhashay dib u dhacii doorashoioyinka.
Kulankaasi oo mudo 3 saac ku dhaw socday ayaa ku dhamaaday jawi ay isku afgarteen Madaxwaynaha iyo Xisbiyaga Mucaaridku, waxana maalinta
Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa caawa warbaahinta u sheegay in wada hadaladii ay yeesheen madaxwayne Rayaale lagu guulaystay, waxana uu tilmaamay in maalinta
“ Waxaan rajaynayaa in cadawgii Somaliland ee lahaa waxa ay Somaliland burburaysa 16ka bisha aan aroorta ka nixin doono isla markaana aan ka farxindoona shacbigeena ka walwalayay mustaqbalkooda” ayuu yidhi Gudoomiye Faysal.
Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Lughayanews-Hargaysa


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Kulankii Caawa Ee Madaxwayne Rayaale Iyo Hogaamiyaasha Xisbiyada Mucaaridka Ah Iyo Natiijadii Ka Soo Baxday "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback