Boorama-(Lug)-Taariikhdu sideedaba waa mid maalin uun is qorta sidaasi awgeed 15ka May waxa ay noqotay maalin hor-leh oo taariikhda dalkan Somaluiland ee 18ka sano jira ku soo biirtay waxana ay ku suntan tahay maalin ay ka dhalatay aayaha dalka gudihiisa iyo marxaladaha maanta jira ee ay dhaliyay muraka siyaasadeed ee lagu kala tagsan yahay oo ay  umadu gooobjooge ka ahayd una haysay qalinka taariikhda qoraaya.

15ka May  dadka qaar waxa ay ku xusuusan doonaan cabsidii gudaha ee dalka ka jirtay, sidoo kale waxa ay dadkale ku xusuusan doonaan 15ka May  maalintii uuu soo afjarmayay maamulkii madaxwayne Rayaale waxase ay Maalintani ku suntan tahay amuuro faro badan oo badidoodu soo bilaabmay wixii ka dambeeyay muranadii doorashooyinka iyo khilaafkii dhinca siyaasada ahaa ee dalka hadheeyay laga soo bilaabo bishii January oo ay Komishanka doorashooyinka qaranku ku dhawaaqeen magacda dadka matalaya gobolada dalka ee hor kici doona hawlaha doorashooyinka iyo diiwaangalinta.

Maalintan waxa ay noqotay maalin si wayn loo hadal hayo markii ay Axsaabta mucaaridku gaashaanka u daruurtay go’aan kasoo yeedhay guurtida qaranka oo mudo kordhin ay ugu samaynayeen xukuumada iyaga oo mucaaridku diidmadooda sal uga dhigay in aanay dalka ka jirin duruufo dib loogu kordhiyo xukuumada uu xilkeedii ka dhamaaday.

Maalintan 15ka Mayna ay u aqoonsadeen maalin aanu dalka nidaam xukuumi ahi ka jirin. Ma aha intaas oo qudha 15ka May waxa  loo aqoonsan doonaa maalintii ugu waynayd ee ay xukuumada iyo Axsaabta Mucaaridku is hor fadhiistaan si ayuga wada tashadaan aayaha dalka.

Waana markii ugu horaysay ee ay inta ay miis isugu yimaadeen Xukuumada iyo Mucaaridku soo wada saareen go’aan ay ku badbaadinayaan dalka. Waxa kale oo lagu xasuusan doonaa oo ay ku suntan tahay maalintani soo afjarkii dagaal kulul oo dhinaca afka ah oo ay xukuumada iyo mucaaridku isku waydaarsadeen saxaafada kuwaasi oo qolo  waliba  aanay tan kale wax arxan ah u galin  iyada oo ka weeraraysa dhincyada Isirka, Hogaanka, nidaamka talada, Go’aanqaadashada IWM.

Maalintan ayaa waxa kale oo la xusuusan doonaa intii qof ee ka qayb qaadatay muranka maanata jira kuwaasi oo ay qaarkood yihiin siyaasiyiin qaarkoodyihiin madax qaarkoodna ay masuuliyiin kale yihiin. Waxana ay taariikhdu noqon doontaa mid qof walba halkiisa ku abaal mariya iyaga oo isugu jiri doona kuwo kamurugooda waxii ay faleen iyo qaar kale oo ku farxa waxa ay taariikhdu ka sheegayso,
 
Sikastaba ha ahaatee 15ka May waxa lagu xusuusan doonaa maalintii uu dalku ka badbaaday burburka, 15ka May waxa lagu xasuusan doonaa maalintii la qaaday ciidamadii dhoobnaa wadooyinka magaalooyinka dalka.

15ka May waxa lagu xasuusan doonaa maalintii is afgaradka iyo hana qaadka dimuquraadiyada.

15ka May waxa lagu xasuusan doonaa maalintii ugu dambaysay ee xukunkii madaxwayne Rayaale.

15ka May waxa lagu xasuusan doonaa maalintii cabsida ee umada u horseedi gaadhay dhibta kale.

15ka May waxa lagu xasuusan doonaa maalintii dadaalkii ugu badnaa ee dublamaasiyada gudaha la so af jaray.

 

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughaya News-Boorama