Boorama-(Lug)-Tan iyo wixii ka dambeeyay habeenkii xalay ahaa oo ay Xukuumada oiyo Axsaabta mucaaridku wada gaadheen heshiis aan wali la soo bandhigin oo soo afjaraya muranadii ka dhashay dib u dhigii doorashooyinka ayaa waxa Lughaya News si daran doori ah u soo gaadhaya baaqyo taageero ah oo ku wajahan arintan.
Mid ka mid ah baaqyadaas oo si toos ah ugu socday 3da xisbi qaran, golaha guurtida ee dalka iyo madax dhaqameedyada dalka ayaa waxa uu u qornaa sedan:-
“Waxa aan idiinku hambalyaynaynaa isla markaana aan idinku bogaadinaynaa sidii aad u garateen in wada hadal lagu dhameeyo khilaafkii siyaasadeed ee ka dhex taagnaa xukuumada iyo axsaabta mucaaridka. Waxa aan leenahay shacbiga reer Somaliland waxa uu dalkeenu ku qurux badan yahay nabadgalyada, waxa indhaha caalamka soo jiitay waa nabada dalka ka jirta ee taas ha la ogaado. Waxanan leenahay afartii qof ee reer Somaliland ah ee meel wada joogtaaba maskaxda ha ku hayaan adkaynta nabadgalyada. Magacda odayaadha ku saceesan baaqan waa:
1. Suldaan Ibraahin Dacar Yuusuf
2. Nabadoon Cabdilaahi Diiriye Samatar
3. Chief Caaqil Cabi Faarax Abraar
4. Caaqil Maxamed Jaamac Subagle
5. Caagil Cabdi Cabdilaahi Guuleed
6. Caaqil Rooble Xasan Wacays
7. Caaqil Axmed Daahir Bookh
8. Chief Caaqil Ismaacil Axmed Geele
9. Caaqil Cige Yuusuf Ibraahin
10. Caaqil Diiriye Xasan Cabdi
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughaya News-Boorama

Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Baaq Taageero Ah Oo Ku Wajahan Heshiiskii Xalay Ay Wada Gaadheen Xukuumada Iyo Axsaabta Mucaaridku "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback