Boorama-(Lug)-Dadwaynaha reer Boorama ayaa aragtiyo dhinac u janjeeda ka soo jeedinaya go’aankii is afgaradka ku salaysnaa ee ay habeenimadii xalay ahayd wada gaadheen Xukuumada iyo Xisbiyada mucaaridka ahi.
Waxa uu waagu baryay saaka iyada oo ay dadku ku seexdeen si nabad aha isla markaana aaminay in ay meesha ka baxday cabsidii laga qabay in ay shaqaaqooyin dhacaan Mustafe khaddar Cabdi oo wax ka dhiga jaamacada Camuud oo ay Lughaya News wax ka waydiisay ra’yigiisa ku aadan wadahadaladii xalay ayaa yidhi “ Sidan ayaa la qaatay, dalku uma baahna buuq, waana alle mahadii waxa isaga oo hadalkiisa sii wata uu Mustafe u mahadnaqay eebe iyo intii ka fikirtay go’aankan taariikhiga ah waa siduu hadalka u yidhiye”.
Kuma eka intaas oo qudha balse dadka reer Boorama qaar ka mid ah ayaa aaminsan in ay wada hadaladii xalay ahaayeen guul u soo hoyatay xukuumada waxana ka mid ah dadka qaba fikirka noocan ah Cabdiqani Cali waxana uu yidhi “ Wax walba oo lib ah xukuumada ayaa qabta, waanay ku qasban yihiin mucaaridku in ay sharciga u hogaansamaan, way dhamaatay 15ka May waxa ka dambeeya ma aqoonsanidii Siilaanyo”.
Ma aha intan oo kaliya balse Ismahaan Aadan Ali oo ah gabadh degen Boorama ayaa qabta fikirkan ku ka duwan waxana ay tidhi “ Waa go’aan fiican go’aanka ay mucaaridkuu ku gaadheen in ay xukuumada ku qasbaan in lawada hadlo, waanan taageersanahay in ay ka timid wada hadaladaasi dhinayada Mucaaridka runtii waxa ay ciyaareen door muhiim ah oo mustaqbalka dalka wax wayn ka badali doona”.
Ilaa habeenimadiii xalay ee la soo sheegay in ay wada hadaladaasi guul ku dhamaadeen ayaa waxa dadka reer Boorama aad dareemaysay in uu waran wayni ka go’ay isla markaana ay ka soo raysanayaan walaacii mudada bilaha ah ka haystay waxa ay maalintan waa 15ka Maye noqon doonto. Salaadiinta dhaqanka badidooda iyo siyaasiyiinta xisbiyada dalka ka jera kuwooda gobolka Awdal ayaa iska dhawray in ay wax hadalo hor dhac ah ka sii yidhaahaan waxa ay latahayiyaga eek u aadan wada hadaladan cusub waxana ay dib ugu dhigteen ilaa maalinta bari ah oo la filayo in lagu dhawaaqo wixii lagu heshiiyay.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughaya News-Boorama

Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dareenka Dadka Reer Boorama Ee Kulankii Xalay Ee Xukuumada Iyo Mucaaridka "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback