Boorama-(Lug)-Waxa magaalada Boorama lagaga dhawaaqay guddi ka kooban 3 Xilibaan oo golaha Degaanka ee dagmada Boorama ah iyo 3 Agaasime waaxeedyo, gudidan ayaa waxay dardar galindoontaa hawlaha u diyaar garowga munaasabada 18ka May oo ku began maalinta Axada ah ee fooda nagu soo haysa.
Munaasibadan ayaa waxa ay noqondoontaa tii 18aad ee ka soo wareegtay maalintii uu dalkani ku dhawaaqay in uu qaranimadiisii luntay dib ula soo laabtay. Xoghaya dowlada hoose ee degmada Boorama Md. Cabdirisaaq Cali Cismaan oo xubin ka ah gudidan ayaa Lughaya News u xaqiijiyay hawsha hortaala iyo sida ay u wajahayaan waxana uu yidhi “ Waxa ay gudidu maalinta bari ah bilaabaysaa diyaarinta barxadii ay hawshu ka dhici lahayd, waxa aan goosanay in aan awoodayada isugu gayno sidii looga dhigi lahaa munaasabadan mid muujisa shucuurta dadka reer Awdal”.
Xoghayaha ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in ay diyaariyeen calamo tiro badan oo ay ugu talo galeen in la sudho wadooyinka magaalada iyo gabi ahaanba goobta ay xafladu ka dhacayso waxana isaga oo ka waramaya uu yidhi “Calanka xushmada badan ee dalka waxa aan ugu talo galnay in goob walba lagu arko oo ay muuqato in ay tahay maalintii uu curtay”.
Xoghaya ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in ay la xidhiidheen shariikadaha laydhka oo uu sheegay in ay kala xidhiidheen sidii ay u shidi lahaayeen wadooyinka waawayn ee magaalada waxana uu yidhi “ waxa aan sidoo kale diyaarinay laydhadh waawayn oo aan kaladhada calanka jamhuuriyada ku xaradhnay waanan kala hadalnay shirkadaha laydhka sidii loo shidi lahaa waxana aan rajaynaynaa in maalintaas meelwalba habeen iyo maalin uu calankeenu ka dul babado ama ka dul ifo”. Maadaama oo ay soo dhawaatay munaasabadani waxa xarumaha ciidamada ee magaalada laga dareemayaa u diyaargarow xoogan iyo tababaro ku aadan hawlaha bandhiga ah ee maalintaas ciidamada laga sugayo.
Waxa kale oo iyana jirta in xaafadaha kala duwan ee magaaladu ay bilaabeen olole nadaafadeed oo ay wax kaga qabanayaan bilicda magaalada.Si kastaba ha ahaatee waxa aan meesha ka maqnaan doonin in ay saraakiisha gobolka iyo kuwa magaaladuba indhaha ku hayaan dhaqdhaqaaqyada magaalada si amniga looga dhigo mid meel mar ah.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughaya News-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Guddi Heer Dagmo Ah Oo Loo Magacaabay U Diyaargarwga Xuska Munaasibada 18ka May "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback