Borama-(Lug)-Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ee Kulmiye Axmed Siilaanyo ayaa shalay waraysi BBC’du la yeelatay soo jiitay dadweynaha taageera xisbigaasi iyo kuwa kasoo horjeeda kuwaasoo farxad iyo naxdinba uu hadalkaasi kaga tegey markii uu waraysigaasi dhammaaday.
Inta badan taageerayaasha xisbigaasi ku leeyahay G/Awdal gaar ahaanna Boorama ayaa markiiba ka xumaaday sida jilicsanaanta leh ee uu u hadlay odaygoodii ugu weynaa kaasoo qiray in Guurtidu tahay gole dastuuriya oo jira iyo hadal kale oo siday u qaateen dadkaasi u ekaa baryo ama isdhiibidi ka muuqatay marka loo eego maamlihii hore iyo sidiii adkayd ee uu mucaaradka ula hadlay Madaxweyne Rayaale .
Marka la isbarbar dhigo hadalka isla BBCdu kasoo tebisay Rayaale waxay cid kastaa dareemaysay in aan madaxweynaha marnaba laga dareemayn dabacsanaan ka muuqatay go’aankiisii ahaa inay mucaaradku saqiiri doonaan haddii ay joojin waayaan waxay wadaan,aqbalina waayaan go’aanka isaga muddada guurtidu ugu kordhisay.
Sidoo kale taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee dhegeysanayey hadalka Axmed Siilaanyo waxa uu hadalkaasi ula ekaa dibu gurasho uu Kulmiye dib uga gurtay go’aankiisii ahaa inaanu aqbali doonin madaxweynenimada Rayaale wixii ka dambeeya 15ka May iyagoo ogaaday in cadaadiska la saaray xisbigaasi hoggaankiisu ay aakhirataanka keeni doonto in xitaa xabsiga loo taxaabi karo ,cid ka bada hadli kartaana anay jirin ,sidoo kale ayaa taageerayaasha xisbiga UDUB ee gobolkan xoogga ku lihi markiiba hadalka siilaanyo ku sheegay guuldarro kale oo soo foodsaartay mucaaradka Daahir Rayaale ,mar haddii uu Siilaanyaba kasoo degay wixii uu ku taamayey ee ahaa inuu waajihi doono kaarayaasha dawladda Rayaale ,waxayna qaar ka mid ahi ii sheegeen inay ku faraxsan yihiin sida madaxweyanhoodu mar kale u karbaashay mucaaradka kasoo jeeda gobolada kale ee Soomaaliland ee ay colaadda ba’ani soo kala dhexmartay waagii Siyaad Barre dalka xukumayey waxayna saadaaliyeen dadkaasi inuu sii socon doono dagaalka siyaasadeed ee lagula jiro waxay ku tilmaameen xooggaga diiddan maamulka Rayaale .
Sidoo kale qaar ka mid ah mucaaradka oo aan weydiiyey siday hadalka Siilaanyo u aqoonsadeen ama ugu farxeen ayaa iigu jawaabay ,in hadalka siilaanyo maanta kasoo baxay u yahay uun hadal siyaasadeed balse aanay waxba iska beddelin mawqifkiisii uu ku horjoogsanayey madaxweynenimada Rayaale 15 may wixii ka dambeeya ,lana arki doono natiijadiisa .
Si kastaba ha ahaatee hadalka Siilaanyo ee shalay ayaan la ogeyn in sida uu u dhigay ay ka keentay cabsida uu ka qabo in uu bar tilmaameed u noqon doono ciidanka Dawladda iyo siyaasiyiinta kale ee kasoo jeedda degaanka Hargeysa kuwaasoo waagii uu Ismaaciil Yare ahaa wasiirka daakhiliga Axmed siilaanyo ugu hanjabay inaanu Hargeysa waxba ka samayn karin ,hadday tahay mudaaharaad iyo xitaa haddii ay tahay dagaal kaleba .Waa tanalabaade hadalka caynkaas ee iska horimanaya ,ayaa dad badani sheegeyaan inaan siilaanyo ku dhawaaqeen haddii any ogeyn waanwaan jilbaha dhulka loogu dhigayo oo ay ka qayb qaadanayaan Akademiyada ,salaadiinta ,iyo waxgaradka kale ee reer Soomaaliland ,kuwaasoo waagii horeba u diiday kursiga madaxweynenimada xitaa haddii uu ka guuleysto madaxweyna Rayaale iyagoo beddelkeeda siilaanyo ka damaanad qaadaya inaan la qaban karin ama an la xidhi doonin ,sida ay sheegeyaan warar xogtoodu qarsoon tahay .
Si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horreysay ee dagaal siyaasadeed lagu jebiyo mucaaradka soomaaliland ee khilaafku hadheeyey ,mana aha markii ugu horreysay ee ay madaxweyne Rayaale u meelmarto wixii uu go’aansado si aan an tanaasul iyo baryo lahayna u socodsiiyo go’aamadiisa danta u ah dawladdiisa.
Waxa kale oo ay hadaladaan labada masuul kala muujinayaan sida ay kalsoonida uga kala haystaan shacbiga iyo ciidamada dawladda,taasoo lagu kala ogaaday sidii ciidamada dawladdu u waajaheen markii ay shicibka Hargeysa qaarkood mudaaharaadka ka sameeyeen Hargeysa ilaa maantana anay cidi isweydiinayn khasaarihii shicibkaa soo gaadhay,sidaa darteedna aqbalaadda Siilaanyo ee golaha guurtidu anu ku iman ciyaar ,. la kulankiisa madaxweynuhuna noqon karo amar qaadasho laga sugayey Axmed siilaanyo balse anu ahayn mid ku salaysan kalgacayl dhexdooda ah.
Inkastoo an la ogeyn halka uu marayo hoggaanka xisbiga UCID oo ay weligiiba saaxiib ahaayeen xukuumadda ,dhawaanna si qarsoodi guddoomiyaha baarlamaanku madaxweynaha u geeyey ,balse sida ay sheegeyaan warar ku dhaw madaxtooyada iyo komishanka doorashooyinka ,waxa muuqata in Faysal Cali Waraabe iyo Daahir Rayaale isla meel dhigeen go’aanno ay meesha kaga saarayaan tallaabo kasta oo kulmiye khalkhal ku gelin karo xukuumadda ,taasina ay guddoomiyaha kulmiye geyeysiiso hadalada shalay BBCdu kasoo xigatay ee u ekaa “cigaaloow col hortii jabay “.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane).
Lughaya News-Hargeysa.

Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Hadalka Axmed Siilaanyo Ee Bbc’du Ma Yahay “Cigaaloow Col Hortii Jabay” "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback