Boorama-(Lug)-Shir wayne lagaga hadlayay haweenka iyo ka qayb qaadashada talada dalka ayaa lagu soo gabo gabeeyay xarunta Mana Guest House ee magaalada Boorama. Shirkan oo socday mudo laba maalmood ah ayaa waxa soo qaban qaabisay gaboodka Nagaad ee dalka Somaliland.
Shirkan oo ay ka soo qayb galeen tiro haween ah oo dhan 30 xubnood ayaa waxa halkaasi lagu baray duruusta aasaasiga ah ee hanashada xaqa uu dastuurka iyo xeerarka caalamiga ahi ay siiyeen haweenkeena.
Waxa kale oo lagu lafo guray ahmiyada ay leedahay in haweenku ay ka qayb qaataan talada dalka iyaga oo isku duuban oo aan kala lahayn qabiil iyo isir toona. Xidhitaankii shikaasi oo ay ka hadashay Ismahaan Cabdisalaan Xasan oo iyadu ka socotay dalada Nagaad qabta (Gender-ka) ayaa waxa ay tilmaantay ahmiyada ay shirarkani u leeyihiin haweenka oo ay tilmaantay in ay yihiinkuwo midaynaya mabadii’da haween waynaha dalka waxana ay tidhi “ waxa loo baahan yahay in aan wax walba oo ku aadan sidii aan uga qayb gali lahayn talada dalka aan ka soo bilawno gunta hoose waayo haweenku waxa ay leeyihiin waayo aragnimo dhinaca sixida iyo kobcinta ah waxana noo suurta galaya hadii aan hawlaheena dhinaca talada dalka ku aadan aan ka soo bilawno heer dagmo in aan ka badbaadno Alifka kaa xumaada yaran Albaqruu kugu dhibaqaa.
Waxa kale oo ay Ismahaan tilmaantay in ay haweenku yihiin cududa ugu balaadhan ee Raga manta taliya soo saartay waqtigii doorashooyinka si loo helo haween talada ka qayb qaatana loo baahan yahay in ay haweenku is aaminaan iskuna kalsoonaadaan.
Waxa kale oo iyana goobtaas ka hadashay Safiya Cabdi nuur oo kamid ahayd ka qayb galayaashii shirkaas waxana ay u mahad naqday gaboodkan Nagaad oo ay tilmaantay in uu si way isaga xilsaaro dardargalinta hawlaha lagu kobcinayo haweenka ee dalka. Waxa kale oo ay tilmaantay in qabiilku noqday kan haweenka dabarka u noqday ee u diiday in ay ka qayb qaataan talada dalka waxana ay tidhi “ Anigu waxa aan isku dayay in aan doorashoouinkii inadhaafay is sharaxo waanse ku guul daraystay sababtuna waxa ay ahayd qabiilka oo iga dhigay aniga iyo hamigaygiiba kuwo ku dhex baaba’a qabiilkii aan ka dhashay iyo kii aan u dhaxay”.
Waxana iyada oo hadalkeeda sii wadata ay tilmaantay in isku duubnida haweenka dhexdooda ahi ay tahay mida kaliya ee lagaga bixi karo amuurahan. Shirkan oo waji farxadeed ku soo gaba gaboobay ayaa haweenkii ka qayb galayu oo ka kala socday garabyada kala duwan ee axsaabta siyaasada ee dalku waxa ay ka soo dareereen iyaga oo aad moodo in afkaaroodu ay midaysan tahay isla markaana damacsan in ay si xoogan uga wada qayb qaataan wax walba oo haweenka manta kor ugu soo qaadi kara sidii ay talada dalka qayb libaax uga heli lahaayeen.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi.
Lughaya News-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Shir Lagaga Hadlayay Haweenka Iyo Ka Qayb Qaadashada Talada Dalka Oo Lagu Soo Gabo Gabeeyay Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback