“Wariyayaasha Ka Soo Warama Hargaysa Inta Ka Baxsani Warka Ay Diraan Ma Maqlaan Mana Arkaan Ee Mobile Ayaa Lagu Soo Dhagaysiiyaa……”
Idaacadaha ay xukuumadu gacanta ku hayso ee Telefishanka Qaranka iyo Radio Hargaysa ayaa wali aan lagu guulaysan in ay soo dhaafaan magaalada Hargaysa iyo deegaanada aan sidaas uga sii fogayn eek u xeeran. Guuldaradan ayaa ah mid aan indhaha laga qabsan Karin oo xukuumada uga soo hoyatay in ay dalkan ay iyadu maamusho wada gaadhsiiso fariimaha aasaasiga ah ee ay bulshada u gudbinayso waxana hubaal ah in wax walba oo xukuumadu ay ka baahiso idaacadaha ay iyadu maamusho ay la mid noqdeen fariin fashilan oo aan wali dhaafin hoosteeda ama agagaarkeedan dhow. Waxa kale oo is waydiin mudan waxyaabaha xukuumada ka horjooga balaadhinta idaacadahii afkeeda ku hadlayay oo ay marar badan oo hore balanqaadyo ah in ay dalka oo dhan gaadhsiinyaan ay sameeyeen. Inkasta oo wasiir walba oo jagada wasaarada warfaafinta loo dhiibaa uu isku dayo in uu bal kaga rumeeyo balan qaadyadii ay hore u sameeyeen wasiiradii ka horeeyay ayaa hadana waxa fashilma isku daygiisaas oo waxa uu xukunku ka dhamadaa isaga oo aanan waxba ka qaban hawlihii u yaalay ee dhinaca balaadhinta idaacadahaas.

Wasiirka wasaarada warfaafinta ee waqti xaadirkan Axmed Xaaji Daahir ayaa isagu wada dadaalo uu hawshan hana qaadi wayday uu wax kaga qabanayo waxana u suurto gashay in ay dalka keenaan injineero ajaanib ah oo la rabay in ay kiciyaan idaacad ay xukuumadu ugu talo gashay in ay dalka oo dhan wada gaadho, inkasta oo hawshaasi isku dayga ahi ay socotay mudo dheer hadana waxba kama suurto galin oo qorshahii Wasiir Axmed waxa uu u muuqdaa mid imika laga soo niyad jabayo. Waxana suurta gal ah in ay jiraan Sub-attach-yo ay shaqaalaha gaamuray ee idaacada wali dhex joogaa ku hayaan hawlaha hurmarinta ee idaacadan kuwaas oo lagu tuhmi karo in ay iyagu yihiin lafta dhuunta u taagan ee ay ka naaxi laadahay hormarinta idaacadu. Waxa kale oo aan meesha ka maqnayn in shaqaalaha u shaqeeya idaacadaha dawladuda ee ka hawl gala goobaha ka baxsan caasimada hargaysa ay yihiin kuwo aanan sinaba u maqal ama u daawan waraka ay diraan oo iyagu cadaystay in khdadka teleefanada lagy soo dhagaysiiyo, halka shaqsiyaad kale oo uu ka mid yahay madaxii barnaamijyada ee Telefishanka qaranka Xuseen Cabdilaahi Deeqsi oo shaqadii isaga tagay kadib markii sida suurta galka ah uu TV-gu ku guuldaraystay in uu fuliyo balanqaadadii dhinaca balaadhinta haa ee hore ay xukuumadu u samaysay isla markaana uu ku biiray TV-ga RAAD oo dhawaan soo galay khadka satellite-ka.
Waxa kale oo arinta sii murgiyay ka dib markii tiraba laba telefishan oo ay gacanta ku hayaan dad shicib ahi ayaa khadlak satellite-ka ku biireen kuwaasi oo muujiyay in ay cid waliba maalgashan karto oo ay samaynkarto idaacad hawada gasha oo dalka oo dhan wada gaadaha. Idaacadahan ilaa hada hawada galay ayaa waxa ay baahiyaan barnaamiyo u badan xayaysiisyo iyo arimaha bulshada.Hadaba mar hadii ay idaacdahii ay shicibku gacanta ku hayeen ay gaadheen heerkan ayaa waxa la is waydiin karaa xukuumadu maxay iyaduna uga gaabisay in ay balaaadhinta Telefishinka iyo idaacadaba.
Waxa kale oo xusid mudan in ay xukuumada Somaliland indhaha u furto in dalka dadka ee ku nool gobolada ka fog Hargaysa ay xidhiidh fiican la leeyihiin Telefishanka RTD iyo idaacada Radio Djibouti oo iyaga laga daawada lagana dhagaysto hawada oo si bilaash ah ay dadku ku helaan insla markaana ay si joogto ah ula socdaan wax walba oo ka dhaca ama ka socda wadanka aandariska nahay ee Djibouti. Halka ay intaasi ka sii dheertahay in dadka kale oo badani ka sugaan in ay akhristaan Joornaalada ka soo baxa magaalada Hargaysa oo aanu inta badan ku dhex jirin midka ku hadloa codka xukuumada ee Maandeeq.
Sikastaba ha ahatee waxa is waydiin mudan balaadhinta idaacadahan xukuumadu ay gacanta ku hayso arintoodu ma mashruucii Faanoole ee la yidhi fari kama qodnaa mise way soo dhawdahay waqti ay xukuumadu barnaamijadeeda ka baahiso idaacado ay iyadu leedahay, mise sida ka muuqata magaca Radio-ha oo ah Radio-hargaysa xukuumadu waxa ay ku kaaftoontay in ay hargaysa uun ku ekaato oo waxa laga fikirayaa sidii TV-ga oo ah mid uu magaciisu buunbuunsan yahay oo ah Telefishnka qaranka loogu bixin lahaa magic intan ka kooban oo ah TV-Hargaysa.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama

Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Balaadhinta Idaacadaha Xukuumada Ee SLNTV Iyo Radio Hargaysa Arrintoodu Ma Mashruucii Faanoole Fari Kama Qodnaa "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback