Laascaano-(Lug)-Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Gen.Maxamed Saqadhi Dubad ayaa shaaca ka qaaday ciidanka Booliiska G/Sool ay kaantaroolka bari ee magaalada Laascaanood ku qabteen 386 Milyan shilin Somali false ah iyo Badeecado raashino kala duwan ah oo dalka la soo galinayay.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland waxuu sheegay in lacagahaa iyo raashinkaasi la qabtay ay saarnaayeen labo baabuur oo Booliisku gacanta ku dhigay waxaanuu yidhi “Waxa ciidanka Booliiska G/Sool ay xalay gacanta ku dhigeen 386 Miylan Somali shilin false ah oo la doonayay in lagu khalkhal galiyo suuqyada ganacsi iyo dhaqaalaha ee gobolada Bari ee dalka,waxaa kale oo Ciidanku qabtay 80kiish oo Bariis,80kiish oo Sonkor ah,18 kiish oo daqiiq ah,31 Tanag oo Timir ah,30 Kartoon oo baasto ah, 2 Foosto oo shidaal ah”.
Gen.Maxamed Saqadhi waxaa kale oo uu sheegay in labadaas baabuur ay saarnaayeen oo kale 250 kiish oo sonkor iyo Bariis ah kuwaasi oo si sharci darro ah dalka loo soo galiyay.
Taliyuhu waxuu ammaan u soo jeediyay Ciidanka Booliiska ee gacanta ku dhigay lacagahan iyo Badeecadahan Koontarabaanka ah .
Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Lughaya News-Hargeysa
Cumarfaarax2@hotmail.com

Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Ciidanka Booliiska Gobolka Sool Oo Gacanta Ku Dhigay 386 Milyan Oo Shilin Somali False Ah Iyo Badeecado Koontarabaan Ah. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback