Boorama-(Lug)-Tan iyo intii lagu dhawaaqay in uu baqtiyaanasiibkii shirkada isgaadhsiinta ee Telcom furmay ayaa waxa iska caado noqotay in waqtiyada shaqadu ay socoto ay dadwayne aad u tiro badani ku soo xoomaan xarunta shirkada si ay bal fursad ugu helaan in ay ku ritaan sanduuqaasi hurdiga ah kaadhanka ay shirkadu qaybiso ee bakhtiyaanasiibka.
Ma aha dadwaynaha caadiga ah oo qudha balse shaqaalaha shirkada laf ahaantooda ayaa ku hawlan sidii ay ugu fududayn lahaayeen macaamiishooda hawlaha bakhtiyaanasiibka iyo adeegyada kale ee dhinaca isgaadhsiinta ah ee ay u joogaan ama u yimaadeen xarunta shirkada.
Nuur Aadan Shirdoon oo ah madaxa iibgaynta ee shirkada ayaa Lughaya News uga waramay sida uu baqtiyaanasiibkani uga qayb qaatay hanashadii ay shirkadu rabtay in ay hanato quluubta macaamiisheeda waxana uu yidhi “ Waxa aan shiki ku jirin in hawlahan baqtiyaanasiibku ay kordhiyeen xidhiidhii ka dhexeeyay macaamiisha iyo shirkada oo markiisii horaba circa joogay, maantana waxa hubaal ah in macaamiisha aan u soo bandhignay adeegyo hufan oo aan waxii ay bixiyeen wax ugu celinayno, waana hawshii ugu balaadhnayd ee bakhtiyaanasiib ee ay shirkad is gaadhsiineedi ka qabato gobolka”.
Dad wayne farabadan oo ka mid ah macaamiisha shirkada ayaa Lughaya News uga waramay waxa ay ka filayaan in uu ka soo baxo sanduuqaas waxana ay dhamaantood xaqiijijeen in uu qof waliba rajaynayo in ay ku guulaysataan abaal marinada ugu sareeya ee ay shirkadu bixinayso, waxana xiiso badnaa oo ay dhamaantood ka sinaayeen in ay aad ula dheer tahay midada 2 bilood iyo badhka ah ee ka hadhay ku dhawaaqida iyo soo bandhigida natiijoojinka baqytiyaanasiibkaasi.
Maamulaha shirkadan isgaadhsiinta ee Telcom Xasan Yuusuf Riiraash ayaa ka waramay waxa ay macaamiishooda ugu talo galeen marka laga hadlayo bakhtiyaanasiibkan waxana uu yidhi “ kolay dadka oo dhami guulaysan maayaan waxanse ku dadaalaynaa in aan in badan oo ka mid ah abaalmarin nasiibkooda ah gudoonsiino. Waxa isaga oo hadalkiisa sii wata uu antaas sii raaciyay, waxa aan macaamiishayada ka rajaynaynaa in ay dhamaantood ku kalsoonaadaan nasiibkooda anaguna waxa aan soo bandhigi doonaa in si cadaalad ah oo ay cid waliba ku qanacsan tahay aan uga shaqayno soo bandhigida baqtiyaanasiibka”.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf.
Lughaya News-Boorama

Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maxaa Ka Soo Bixi Doona Sanduuqa Hurdiga Ah Ee Baqtiyaanasiibka Shirkada Telcom "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback