Saylac-(Lug)-xubno isugu Salaadiin iyo Cuqaal ka tirsana degaanka degmada Saylac ayaa xukuumadda Somaliland gaar ahaanna maamulka gobolka Awdal oo weli laga xukumo degmadaasi ka dalbaday in xorriyaddiisa loo sii daayo xildhibaan ka tirsan golaha degaanka degmada Saylac oo muddo todobaad ah ku xidhnaa xabsiga sladhigga Booliska degmadaasi .
Xubnahan isugu jira Cuqaasha iyo salaadiinta kana soo jeeda beesha Ciise,Reer Geeddi oo degmadaasi igalasoo xihiidhay ayaa iyagoo ka warramaya arrintaasi waxay yidhaahdeen :
“Waxa in muddo ahba si sharci darro ah saldhigga Booliska degmada Saylac ku xidhan xildhibaan Cabdinaasir Jaamac ,isagoo sifaha loo soo xidhay ay tahay mid ka baxsan sharciga iyo dastuurka.
Waxa xildhibaankaasi lagu xidhay amar kasoo baxay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada isagoo taliyahaasina sheegay in qabashada iyo xadhigga xildhibaanka uu soo amray taliyaha Booliska G/Awdal,mana garanaynno sababta uu u xidhanyahay.
Sidoo kale waxan xadhigga xildhibaankasi u aragnaa gef iyo xadgudub loo geystay xuquuqdiisa iyo xorriyaddisa sidaa darteedna waxan maamulka dawladda gobolka iyo kan degmadaba ka codsanaynaa in degdeg loosii daayo xildhibeenkaasi .Waxan halkann ka xusaynaa in Maayarka degmada Saylac ku dedaalay sidii loo baajin lahaa xadhigga xildhibaanka balse uu ka diiday taliyaha saldhigga Boolisku welibana uu aflagaado ugu daray.Waxan leenahay haddii xildhibaankaasi lasii deyn waayo wixii ka yimaadda ee dhibaato ah waxa dusha u ridan doonta ciddii gesatay xadhigiisa ee dawladda ah”
Odayaasha beesha reer Geeddi:
Suldaan Daahir Axmed
Caaqil xuseen Caafi kaamil
Caaqil Muumin Cige faxal l
Caaqil Yuusuf Ducaale
Ibraahim Qawrax C/laahi Xaddi iyo xubno kale
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane).
Lughaya News-Borama.

Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Salaadiin Iyo Cuqaal Ka Tirsan Reer Geeddi(Ciise) Oo Ka Digay Xadhigga Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Degaanka Degmada Saylac Oo Muddaba Ku Xidhan Saldhigga Booliska Ee Degmadaasi "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback