Boorama-(Lug)-Dhalinyaro iskood isku abaabushay ayaa waxa ay ilaa todobaadkii hore ka fuliyeen garoonka kubada cagta ee Xasan Sheekh Muumin ee magaalada Boorama tartan ciyaareed ay ku tartamayaan afarkooxood oo isugu jira ciyaaryuahanadii kubada cagta ee ciyari jiray waayadii hore wayahii dhexe iyo kubada imika ee casriga ah.
Cabdikariin Xuseen Caateeye oo ka mid ah ciyaaryahanadii kubada cagta ciyaari jiray waayadii dhexe ee dabayaaqadii 90aadkii ayaa Lughaya News u xaqiijiyay in ay kooxdiisan maanta uu u ciyaarayo oo magaceedu yahay TELESOM ay ku rajo wayn tahay in ay wareega finalka gaadho waxana uu sheegay in tartankani yahay mid xiiso badan isla markaana ay iyagu iskood u soo abaabuleen. Tartankan oo imika gabo gabo ku dhaw ayaa waxa ku tartamaya afar kooxood oo iyagu wata magacda goobaha caanka ah ee magaalada ee kala ah TELCOM, TELESOM, RAYS iyo Dahabshiil.
Waxa kale oo uu tartankani yahay mid aanay jirin cid gacan siisay oo ilaa hada la ogsoon yahay waxase ay kooxaha ka qayb galayaa ku rajo wayn yihiin in kooxdii ku guulaysata tartankan ay farxada tartanka kala soo qayb gali doonaan masuuliyiinta hayadaha ganacsi ee ay magacooda huwan yihiin. Hartankan oo ku dhaw mid gabo gabo ah ayaa waxa aad u yar dad waynaha u daawashada taga sabata oo ah iyada oo lagu jiro waqtigii roobka iyo iyada oo aanan wali la dhayin boogahii ka dhashay sanadii 1998dii oo kubada cagta ee Boorama ay sababtay in uu qof ku dhinto.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi.
Lughaya News-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Tartan Ciyaareed Xiiso Badan Oo Ka Socda Garoonka Xasan Sheekh Muumin Ee Magaalada Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback