Borama-(Lug)-Magaalada Boorama ayaa xaalladdeda nabadgelyo tahay mid iska degan oo aanay dhicin wax nabadgelyo darro marka laga reebo dareen ka dhashay ciidamada dawladda oo xalay iyo suuqyda magaalada gaafwareegayey meelaha qaarkoodna xalay ka dhigay bandoo  oo goor hore laga xidhay .

Ciidamadan gaafwareegeyay oo dadweynaha badankiisu aanay laba socon waxa keenay ayaa ahaa kuwa   aad ka dareemaysay inay isugu jiraan dhalliyaro da’doodu  yar tahay iyo duqayti da’doodu  aad u weyn tahay tababarkooda ciidannimana aad dareemaysay inay ka raageen ama kasii maqnaayeen sannado badan .

Taliyaha Booliska Borama Muuse Cabdilaahi Hanfi oo aan arkayey tan iyo xalay isaga iyo ciidankiisa oo ku jiray xaalad heegan ah ayaan sheegin wax dhibaato ah oo dhacday iyo inay dad ay fal qalalaaso ah uga shakiyeen inay xidhxidheen isagoo ii sheegay inay u diyaar garoobayaan dabbaal degga 18 May ee gooni isutaagga Soomaaliland dhoolatuskeedana  haatan usii tababaranayaan.

Sidoo kale  ayaan taliyuhu sheegin isbeddel dhinaca nabadgelyada ah oo kusoo kordhay magaalada .Sidoo kale ciidamadan oo u badnaa kuwa qaranka isla markaana aan hore u joogin magaalaaa ayaa ahaa kuwa aan hadlayn oo watay uun amarro gaar ah oo lasoo faray wejiyadoodana ay ka muuqatay daal fara badan iyo feejignaan ay ka fejignaayeen  wax aanay dadka caadiga ahi arkayn .

15ka May oo ah maalin ku beegan dhammaadka xilka Madaxweyne Rayaale intii aanay guurtidu u kordhin ayaa waxa in dhawaalaba ka taagnaa muran siyaasadeed oo ay isku hayeen hoggaanka dalka Soomaaliland iyo hoggaanka Mucaaradka,balse maanta  ku dhammaatay si nabadgelyo ah oo aanay cidina guul gaar ah ku sheegan ,Mucaarad iyo  dawladaba .

Si kastaba  ha ahaatee 15-ka May  ayaa dhinaca kale dad badan reer Boorama  ah oo deggenaa  Hargeysa   ama ka shaqaysanayey  ayaa Boorama soo gaadhayey  labadii ama saddexdii casho ee u dambaysay ,kuwaasoo  inkastoo aanay badnayn ama aanay ahayn qoysas dumar iyo carruur ka cabsi qabay taxaddirna ka muujinayay waxa ka iman kara Hargeysa  haddii labada xisbi  ee mucaaradka ah iyo dawladdu ay gaadhi waayaan heshiisyo dhinaca siyaasadda ah  wixii ka dambeeya  15May waanwaanataasi oo ilaa haatan ka dhex socota labada dhinac.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane).
Lughaya News-Borama.