Boorama-(Lug)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo wafdi heer sare ah oo ka tirsan xisbigiisa ayaa caawa fiidnimadiii soo gaadhay magaalada Boorama.Gudoomiyaha ayaa Lughayanews oo khadka teleefanka ku warayatay waxa uu uu sheegay in ujeedada safarkiisanio ay tahay sidii ay umada reer Boorama ugala qayb qaadan lahaayeen xuska munaasabada 18 guurada maalintii uu dalku la soo laabtay xoriyadiisa.
Gudoomiye Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu ka gaabsaday in uu wax faahfaahin ah oo intaas dheer uu ka bixiyo ujeedada safarkiisa waxase uu sheegay in uu maalinta bari ah saxaafada la hadli doono.
Safarkan ayaa waxa gudoomiyaha ku weheliya sedex xubnood oo kale oo heer sare ah waana markii ugu horaysay ee uu sanadkan gudihiisa booqasho ku yimaado Gobolka.
Wariye :-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama

Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Gudoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe Oo Ku Sugan Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback