Borama-(Lug)-Munaasibadaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Ardayda fasalka 8aad ka qalin jabinaya oo ka kooban 52 Arday oo gabdho iyo Wiilal iskugu jira ayaa waxay munaasibadaasi ku soo bandhigeen Ruwaayad Magaceedu ahaa Tahriibta iyo Talo Waalid iyo suugaan kala duwan oo Gabayo iyo Heeso iskugu jira.

Waxaana munaasibadaasi ay Hadiyado kala duwan ku gudoonsiiyeen Gudoonka Waxbarashada ee Gobolka,maamulka Iskuulka,Macalimiinta iyo qaar ka tirsan Guddiga waalidiinta ee Iskuulkaasi.

Gudoomiye ku xigeenka Waxbarashada ee G/Awdal C/raxmaan Saleebaan ayaa sheegay in iskuulkani uu yahay kii ugu horeeyey ee uu ka bilaabo Maamul arrintaasi ay tahay mid uu ku faraxsan yahay waxuuna ardayda ugu mahadceliyay Barnaamijka fiican ee qiimaha leh dhiiri galinayana waxbarashada ee ay bandhigeen waxuuna intaasi raaciyay in hadii aad tahriibta joojin waydeen aad ku dadaashaan uun sidii idinkii aqoon leh aad u bixi lahaydeen waxuuna ugu baaqay in aqoontu tahay Furaha Horumarka iyo Nabadgalyada.

Waxaa isaguna munaasibadaasi ka hadlay Maamule ku xigeenka Iskuulkaasi Xuseen Aadan Geedi waxuuna ka waramay in maanta fasalkan sideedaad ee ka gudbaya dugsiga uu yahay dufcadii saddexaad ee ka qalinjabisa Iskuulkan waxuuna sheegay Muddadii uu iskuulku dhisnaa in ardaydii ka horeeyey ay magac iyo maamuus dugsiga u keeneen oo darajo fiican ay ku baaseen imtaxaanada dugsiyada dhexe waxuuna kul dardaarmay inay muddada imtaxaanka uga hadhay ay dadaal wax akhris muujiyaan si ay kaalmaha hore uga galaan dugsiyada dalka Somaliland.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyihii hore ee Ardayda Iskuulkaasi C/fataax Abiib Cadoosh oo ka mid ah ardayda ka qalinjabinaya dugsiga oo ka mid Fasalka 8aad isla markaasina xilka ku wareejinayay gudoomiyaha Cusub C/casiis Siciid Xasan oo ah Ardayda fasalka todobaad uga soo gudbaya Sideedaad waxaanay munaasibadaasi isku waydaarsadeen inay ardayda u horseedaan nidaam wanaagsan waxbarashadana ku dadaalaan sidii anaguba aanu markii hore yeeli jirnay,gudoomiyaha Cusubna wuu ka gudoomay waxuuna balan qaaday inuu ku dadaali doono hogaamintii fasalka imika qalinjabinaya sidii ay ugu horseedayeen wanaaga iyo Akhlaaqda ardayda inay iyaguna ugu dhaqmi doonaan.

Wariye:-
Abokor Hassan Affi.
Lughaya News-Borama.