Hargeysa-(Lug)-Sanadguurada 17aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland, ayaa qaban qaabadeeda aad looga dareemayaa magaalada Hargeysa iyo Magaalooyinka waawayn ee dalka.
Munaasibada 17 guurada ka soo wareegtay markii Somaliland Madaxbanaanideedii ay dib ugala soo noqotay dalkii hore la iskugu odhan jiray Soomaaliya,18 May 1991 ayaa qaban qaabadeeda iyo u diyaar garowgeeda si wayn looga dareemayaa Caasimada Somaliland ee Hargeysa,waxana agaasinta dabaaldegan Madaxwayne Rayaale u magacaabay gudi heer qaran ah oo iskugu jira Wasiiro Maayarka Hargeysa iyo Badhasaabka G/Maroodi jeex.
Sanadkani waxuu noqonayaa markii ee afraad ee dabaal degan lagu qabto beerta Xoriyada ka dib markii munaasibadan laga joojiyay in lagu qabto fagaarihii khayriyada Hargeysa ee hore loogu qaban jiray,waxaa la nashqadeeyey gidaarada Fagaaraha oo lagu qoray erayo lagu taageerayo Qaranimada Somaliland.
Fagaaraha beerta Xoriyada ayaa lagu xidhay Cod baahiyeyaal tiro badan iyadoo jidka Wadnaha ee Magaalada Hargeysa lagu dhereray Sameecado loogu talo galay in khudbadaha madaxda laga maqlo Faras magaalaha Caasimada Hargeysa.
Wadooyinka Magaalada Hargeysa ayaa badi la dayac tiray waxana la sudhay jidadka magaalada Calanka Somaliland.
Meheradaha ganacsiga ee magaalada Hargeysa ayaa todobaadkii la soo dhaafay soo bandhigay garamo iyo Koofiyado ay ku xardhan yihiin Astaanta calanka waxana koofiyadahaasi iyo garamaantaasi oo suuqoodu xaami lahaa la kala siisanayay $2.
Shacbiga ayaa isku hambalyaynayay waynaynta dabaal deggan waxaana qaarkood ay fariimo hambalyo ah ay isku dhaafsanayeen Messegeka mobileka gacanta.
Shacbigu waxay muujinayeen siday ugu faraxsan yihiin khilaafaadkii Siyaasiga ahaa ee dalka ka aloosnaa oo xaraaradiisii hoos u dhacday ka dib markii badhtamihii todobaadkan ay kulamo fool ka fool ah yeesheen Xukuumada Madaxwayne Rayaale iyo Hogaamiyeyaasha labada Xisbi Mucaarid ee Kulmiye iyo Ucid,kuwaasi oo ka wada hadlayay ismariwaagii ka dhashay dib u dhaca doorashooyinka.
Dadwaynuhu waxa qaarkood ay iswaydiinayeen in munaasibada 18 May ay wada jir uga soo qayb gali doonaan Xukuumada Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaridka ah oo Wajiga labaad ee wada hadaladooda ku balansan Isniinta Fooda inagu soo haysa.
Si kastaba ha ahaatee waxaa shacbiga Somaliland ay aaminsan yihiin inay maalin uun jabin doonaan dambiga ay qoqoban yihiin beesha Caalamka oo ay heli doonaan Aqoonsi Caalami ah oo ay kaga mid noqdaan Ururka Midowga Africa iyo Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa.
Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Lughaya News-Hargeysa
Cumarfaarax2@hotmail.com

Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Qurxinta Fagaaraha Beerta Xorriyada Iyo U Diyaar Garowga 17 Guurada Dib Ula Soo Noqoshada Madax banaanida Somaliland "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback