Hargeysa-(Lug)-Xisbiga mucaaridka ugu weyn ee Kulmiye ayaa caddeeyey in wadahadaladii shalay ay la yeesheen Madaxweynaha muddadiisu dhammaatay aanay jirin haba yaraatee wax heshiis ah oo laga gaadhey isla markaana aanay ogolayn go’aankii golaha Guurtidu muddada xilka ugu kordhiyey Daahir Riyaale iyo wixii ka dhashay.
Xisbiga Kulmiye warsaxaafadeed uu caawa soo saaray oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye, Cabdiraxmaan Cabdilqaaddir Faarax waxa uu jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Axmed Yuusuf Yaasiin, Madaxweyne ku xigeenka muddadu ka dhammaatay oo shir jaraa’id oo uu shalay qabtay ku sheegay in go’aankii Golaha Guurtidu uu muddada xilka ugu kordhiyey uu yahay lama taabtaan isaga oo isla markaana ku baaqay in wada hadal lagu dhammeeyo khilaafka taagan.
Waxana uu sheegay warsaxaafadeedku in go’aanka Guurtidu uu ka mid ahaa arrimaha laga wada hadlayey balse aan wax heshiis ah laga gaadhin arrintaas.
Warsaxaafadeedkaas Oo Faahfaahsani Wuxuu U Qoran Yahay Sidan:-
“Annagoo tixraacayna waraysigii uu Madaxweyne xigeenku siiyey warbaahinta, waxannu ogaysiinaynaa ummadda reer Somaliland iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye in kulankii maalintii khamiista ay wada yeesheen madaxda saddexda xisbi qaran inaan, habayaraatee, waxa heshiis ah oo laysla gaadhay jirin.
Qodobadii laysku hayey oo uu kow ka ahaa go’aankii Guurtida ee ku saabsanaa muddo kordhinta, qolo kastaa halkeedii hore ayay ka taagan tahay.
Haddaba, sida Madaxweyne-xigeenku mawqifkii xisbigiisa u sheegay ayaa waxa halkan ku caddaynayaa in aannu Xisbiga Kulmiye oggolayn go’aankaas Guurtida ka soo baxay iyo wixii ka dhashayba. Ula jeedada shirka loo ballansan yahay bisha 20 keeduna waxay tahay in la raadiyo xal lagaga gudbo is-afgaran-waaga qotoda dheer ee taagan. Guusha shirkaasina waxay ku xidhan tahay isu-tanaasul ka yimmaadda dhinacyada shirka ka qayb gelaya.”
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa waraysi uu siiyey BBC-da waxa uu ku sheegay in xisbiga Kulmiye aanu ka tanaasulin mawqifkiisii wax heshiis ah oo ay la gaadheen xukuumadduna aanu jirin.
Hase yeeshee, Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa isagu waraysi uu BBC-da siiyey ku muujiyey inuu debciyey mawqifkiisa.
Xigasho Somaliland.org


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xisbiga Kulmiye Oo Caddeeyey In Aanu Ka Tanaasulin Mawqifkiisa Uu Ku Diidan Yahay Go’aanka Guurtida "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback