Cadaadley-(Lug)-Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey iyo Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Jaamac oo ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa shacbiga degmada Cadaadley iyo gobolka Hargeysa kala qayb galay munaasibad lagu xusay sanadguurada 17aad ee ka soo wareegtay wakhtigii ay Somaliland xornimadeeda kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Somalia,oo 18 May 1991 madax banaanida dalkan laga dhawaaqay Magaalada Burco ee G/Togdheer.
Munaasibadaasi oo ay ka soo qayb galeen boqolaal qof oo ka mid ah dadwaynaha ku dhaqan degmada Cadaadley,kuwaasi oo muujinayay taageerada ay u hayaan Qaranimadooda.
Gudoomiyaha degmada Cadaadley Jaamac Caabi Geedi oo xafladaasi ka hadlay ayaa ka waramay qiimaha ay qaranimada Somaliland ay ugu fadhido shacbiga iyo halgankii dheeraa ee loo soo maray dib ula soo noqoshada madaxbanaanida Somaliand.
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in degmada Cadaadley ay xarun u ahayd taliskii ciidankii Ciidankii dabargoynta beel ka mid ah Beelaha Somaliland lagu xasuuqayay,isagoo intaasi ku daray in dadwaynaha degmadaasi ay ka dhiidhiyeen cadaadiskii iyo Taliskii Siyaadbare uu ku hayay shacbiga Somaliland.
Jaamac Caabi Geedi waxa uu sheegay in shacbiga degmada Cadaadley ay kaalin wax ku ool ah ka soo qaateen nabadayntii iyo dib u heshiisiintii Somaliland sanadihii 90aadkii waxaanuu shacbiga ugu baaqay inay ku faro adaygaan dowladnimadooda.
Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo ka hadlayay xafladaasi ayaa ka waramay sooyaalkii taariikheed iyo halganadii kala duwanaa ee dalkani soo maray waxaanuu sheegay in Mujaahidiin tiro badan ay naftoodii u hureen dib ula soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland.
Suldaan Xiirey waxuu ka hadlay baaxada deegaanka degmada Cadaadley waxaanuu madaxwaynaha Somaliland ka dalbaday in gobol laga dhigo degmada Cadaadley”degmada Cadaadley waa degmo balaadhan waa meel xoolo leh,Macdan leh waana meel u qalabta oo qaadi karta in gobol laga dhigo sidaasi darteed waxaan madaxwaynaha Somaliland ka dalbanaynaa in gobol loo magacaabo degmada Cadaadley.” Ayuu yidhi Suldaan Xiirey.
Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey waxuu ku dooday in degmada Cadaadley ay ahayd meel xudun u ahayd dib u heshiisiintii beelaha Somaliland waxaanuu shacbiga deegaankaasi kula dardaarmay inay nabadgalyada ilaaliyaan
Xil C/raxmaan Maxamed Jaamac oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiilada ee laga soo doortay deegaankaasi oo xafladaasi hadal ka jeediyay ayaa shacbiga u gaadhsiiyay fariin uu ka siday Madaxwaynaha Somaliland.
Md.C/raxmaan Maxamed Jaamac waxa uu sheegay inuu waftigu uu ka mid ahaa oo ka socday golaha Wakiiladu ay dhawaan socdaalo kala duwan ay ku soo mareen dalalka Yurub isla markaana ay xaqiiqsadeen in caalamku Somaliland usoo jeedo”waxaan ogaanay in Caalamku gaar ahaan Maraykanka iyo Midowga Yurub ay arkeen inay ku khasaareen Somalia oo ay u qabteen dhowr iyo Labaatan shir oo kii ugu dambeeyey uu ku barburay Djibouti, ayay go’aansadeen inay wax la qabsadaan Somaliland oo Iskeed u dhisatay dowlad Dimuqraadi ah” ayuu yidhi Xildhibaanku.
Xildhibaan C/raxmaan Maxamed oo ka hadlayay fariin ay waxgaradka degmada Cadaadley Madaxwayne Rayaale ugu direen si loogu magacaabo gobol ayaa kaga jawaabay “Shacbiga degmada Cadaadley waxaan u sheegaynaa in fariintiinii gobolka gaadhsiinayno Madaxwaynaha oo isla markaana aan rajaynayno inuu aqbalo magacaabista gobolka Waqooyi bari oo ah gobol balaadhan oo ay degaan beelo isku dhaf ah”.
Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Jiif Caaqil Cabdi Yuusuf Bulbul,caaqil Daahir X.Aadan iyo Ibraahim Xuseen Cabdi oo dhamaantood ka mid ah waxgaradka degmada Cadaadley waxana ay ka warameen taariikhda Somaliland iyagoo ku dardaarmay adkaynta nabadgalyada dalka.
Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax.
Lughayanews-Hargeysa.
cumarfaarax2@hotmail.com

Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Degmada Cadaadley Oo Si Wayn Looga Xusay Sanad Guurada 17aad Ee Dib Ula Soo Noqoshadii Madaxbanaanida Somaliland "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback