eng-faysal.JPGReer Booramoow Sida Aad Anaga Noola Hadlaysaan Ula Hadla Rayaale Dulmigana Hanaga Daayo Ee U Sheega….. Eng. Faysal Cali Waraabe
“20 Sano Oo Guulwadayn Ah Waa La soo Dhaafay…Makarafoonka ayaa lagu damiyay mana sii wadin hadalkiisa…….” Ismaaciil Muumin Aar

Boorama-(Lug)-Munaasibadan 18 May 2008 ayaa waxa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Ucid iyo Musharaxa jagada Madaxwayne ku xigeen-nimo ee xisbiga Kulmiye Ismaaciil Muumin Aar.
eng-faysal-cali.JPG

Eng.Faysal Cali Waraabe oo ay dadwaunihii goobta joogay iyo madaxdii dawlada ee ka soo qayb gashay madashan ay aad u soo dhaweeyeen ayaa waxa uu halkaasi ka jeediyay khudbad taariikhi ah oo wada taabanaysay ujeedeeyinkiisa mucaaradeed iyo danaha dalka ee maanta waxana uu ugu herayn sheegay in magaaladan Borama ay ugu dambaysay Mawliidkii sanadkii hore waxana uu yidhi “Borama waxa iigu dambaysay maalintii Dhalashadii Nabiga (scw) ee sanadkii hore maanta ayaana ii soo raacda waxana hubaal ah inaan Borama jecelahay inaan imaado maalmaha khayrka badan sabobtoo ah waa meeshii aan ku barbaaray.”.

Eng Faysal isaga oo tilmaamay waxyaabaha isbadalka leh ee uu Borama ka kala kulmay ayaa waxa uu yidhi “waxa aan jeclaan lahaa  in dowlada Hoose ee Hargeysa la yidhaa halkan kaalay si ay wax uga barato waxa ay reer Borama Sameeyeen muddo sanad gudaheed ah,Borama waa magaalada kaliya aan Isbadal ugu imid sanad gudihii ma jirin Wadada Laamida ah iimana muuqan dabaqyada dhaadheer ee maanta jira waxaanay magaaladu muujisay Horumar xag walba leh.” Eng.Faysal waxa uu tilmaamay in dadka reer Borama ay yihiin kuwo ay wadaniyadoodu ka duwan tahay tan dalka kale ee dalka ku dhaqan waxana uu yidhi”Reer Ceerigaabo,reer Bucro iyo reer Gabileyba Hargeysa ayay dhistaan laakiin reer Borama Borama ayay dhisteen waanay ku amaanan yihiin.

Eng.Faysal waxa uu ka jawaabay hadalo canaan iyo guubaabo ah oo ay usoo jeedisay Marwo Xaawa Rooble Cidheere oo ku aadanaa inay mucaaridku joojiyaan hadalada meel ka dhaca ah ee ay u gaysanayaan Marwada dalka, waxana uu yidhi”Horta Marwo Hudda waa Marwadaydii oo waa marwo Qaran marna waa ina Adeertay oo sinaba u aflagaadayn kari mayo balse Nasteexayn ayay igu leedahay waanan u Nasteexaynayay hadiise aad haweenay ka xumaateen hadalkii aan idhi ka raali ahaada xaalna waan bixinayaa”.

Eng.Faysal waxa uu yidhi reer Boramawoow inta aad aniga igu leedihiin Ku Dhaha Madaxwaynaha kalana hadla inuu dulmiga naga daayo waayo isaga ayaa Midada daabkeeda haya. Eng Faysal Cali isagoo sii kaftamaya ayaa waxa uu yidhi “Waxa aan la kulmay nin reer Borama ah oo aan saaxiibo nahay waxa aanan ku idhi waar naga Madaxwaynaha waxuuna iigu jawaabay idinkaa soo doontay markaasi ayaan u celiyay Anaguna bari baanu qabsan doonaa xukunka ee Sideed yeelaysaan”. Eng.Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu tilmaamay in aanay reer Awdal u cadhaysnayn balse ay Madaxwaynaha dhaliileen loona baahan yahay in la saxo.

Eng.Faysal waxa uu ka hadlay in Horumarka iyo Hiigsiga barwaaqo sooranku ay u baahan yihiin cadaalad isla markaana uu xisbigan Ucid yahay mid cadaalada horseedaya taasina ay marag ka tahay sida ay Calanka Xisbiga ugu suntan tahay Tawxiidka eebe oo uu xusay inay la wadaagaan Astaantaasi Calamada dalalka Sucuudiga iyo Somaliland.

Eng.Faysal waxa uu hadalkiisa ku soo gabogabeeyey in 20 bisha ay noqon doonto maalin ku suntan wada hadal iyo is gacan qaad ay la samayn doonaan madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin.

ismaaciil-muumin-aar.JPG
Waxa isna madashan ka hadlay Ismaaciil Muumin Aare oo marar badan la isku dayay in la iska hor taago ka hadalka  madashaasi waxana fursad yar oo uu helay uu yidhi “ Kulmiye waa Aqoonyahanadii gobolka waa kuwii jaamacdaha dalka aasaasay, Labaatan sano oo Guulwadayn ah waa la soo dhaafay halkaasi marka uu marinayo hadalka ayaa waxa la gooyay gabi ahaanba makarafoonadii waxaxana mar dambe oo dib loo soo celiyay makarafoonada uu isaga oo hadalkiisa sii wata uu raaciyay “Dalku waa nabad dalku waa nabad xilkuna waa wareegto” 

 

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf.
Lughayanews-Borama.