a51.JPGBorama-(Lug)-Munaasibada Xuka 18 May 2008 ayaa waxa ay odaydhaqameedyadii  ka soo qayb gashay isku waydaarsadeen hadalo guubaabo u badan kuwaasi oo ay ugu talo galsanaayeen inay dadka ku dardaaraan adkaynta nabadgalyada.halka ay Marwooyin ku hadlayay magaca haweenku tilmaameen inay Raggu wax badan oo xaq ah oo ay haweenku lahaayeen ay duudsiiyeen isla markaana ay iska indho tireen inay haweenku ka qayb qaataan talada dalka.
a5.JPG

Suldaan Ibraahim Dacar Yuusuf oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay sida loogu baahan yahay in nabadgalyada ay Somaliland dunida u iibgayso la dhowro waxana uu tilmaamay in ay muqadas tahay oo looga baahan yahay 4 tii qof ee reer Somaliland ah ee meel ku kulantaba inay ka wada haldaan sidii nabadan aan New York oolin loo baxnaanin lahaa waxana uu amaanayay go’aankii ay dhawaan xukuumada iyo mucaaridku ku gaadheen in wada hadalo wax walba lagu dhameeyo.

Suldaan Baade o oa ka tirsan Salaadiinta G/Awdal ayaa isagun ku dardaaray Alla ka cabsiga iyo in la adkeeyo cabsida eebe waxana uu sheegay inay maalintani u tahay maalin wayn ummada reer Somaliland.waxa isaga oo suldaanku ka hadlaya arrimaha Siyaasada uu yidhi”Cidda aan dooranayno aan u eegno Cilmiga,Caqliga iyo dhowsanaanta sidaa aawadeed waxa waajib ah in aanaan cidna ku qiimayn Qabiil ee aan eegno yaa wax ummadan u qabanaya.”
a4.JPG

Suldaan Cabdi Jaamac Dhawal oo isaguna goobtaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay madashan fadhiyaan odoyaal Guurti ah oo taariikhdii dhalashada dalkan ka soo qaatay door muhiim ah,suldaanku waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la adkeeyo nabadgalyada maanta la hayo iyo midnimada Somaliland.waxa Suldaanku isaga oo arrimaha siyaasada ka hadlaya uu yidhi “Dalkeena waxa ku loolamaya dad wada dhashay oo isleh oo kursi kala jiidanay anaguna waxa la nalaga rabaa inaanu u garqaadno oo aanu garsoore ka noqoto isla markaana soo saarno cidda mudan in ay dalkan hogaamiso.”
a3.JPG

X.Maxamed Axmed oo isaguna ka tirsan odayaasha golaha Guurtida ayaa ka gaban inuu tilmaamo inay guurtidu muhiim u tahay jiritaanka dalkan isla markaana ay odayaashu yihiin Gole sharci ah go’aanka ay gaadhaana uu yahay mid sharci ah,waxa uu tilmaamay inay 18 May ay timida markale ka dib markii 1960KII aanu ilduufan adkaysashadii Xorriyada,waxana isaga oo sii hadlaya uu yidhi “Waxa aan hubaa in khilaafkii dhexdeena yaal uu wada hadalkaasi ku dhamaaday sabobtoo ah reer Somaliland waxa ay ku caan baxeen inay khilaafaadkooda iyagu xalistaan.”.
a1.JPG

Xaawa Rooble Cidheere oo ku hadlay Magaca Haween Waynaha Awdal ayaa waxa ay tilmaantay in haweenku ay kaalin muhiim ah ka soo qaataan halgankii dalka waxana ay intaasi daba dhigtay in Dastuurka dalku uu yahay mid ka garbo duubka u xidhay Haweenka oo isla markaana Xaqoodii aasaasiga ahaa aanu ku qornayn waxana aanay tidhi “Maxaa kaanay in Dastuurkii dalkeena laga waayo xaqii ay Marwadu lahayd.”.

Marwo Xaawa iyada oo hadalka sii wadata ayaa waxa ay tilmaantay in dalka maadaana oo ay Raggii ka dhago adaygeen inay talada Haweenka ka qayb galiyeen ay iyagu ku heshiiyaan oo aanay ku kala tagin waxa aanay tilmaantay in loo baahan yahay in wax walba foojignaan iyo fiirsasho loo sameeyo.

Marwo Xaawa iyada oo si dadban ula hadlaysa Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa waxa ay tidhi “Dhaqankeena Somaliyeed way ka madhnayd in marwada la aflagaadeeyo,Aflagaadadaasina waa mid inta badan ka soo yeedha Mucaaridka waxaanan leenahay halaga waantoobo oo Marwada Somaliyeed waxii uu dhaqan ahaa haloo xeeriyo.”.

Si kastaba ha ahaatee Oday dhaqameedyadii munaasibadan ka hadlay ayaan wax jawaab ah ka bixin inay damaanad qaadayaan wax ka qabashada cabashooyinkaasi ay Haweenku soo jeedinayaan waxana ay gabi ahaantooda Carabka ku adkeeyeen Arrimaha Siyaasadda iyo sugida Nabadgalyada.

 

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf.
Lughaynews-Hargeysa