Borama-(Lug)-Xaflad aad u balaadhan oo lagu xusayo munaasabada sanadguuradii 18aad ee maalintii xoriyada dib u heshay Somaliland ayaa lagu qabtay fagaaraha khayriyada ee magaalada Boorama, munaashanadan ayaa waxa ka soo qayb galay Gudeemiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Gudoomiyaha gobolka Awdal, Musharaxa Madaxwayne Kuxigeenka Xisbiga Kulmiye Ismaaciil Muumin, Gudomiyaha Golaha Degaanka, Salaadiin,odayaal ka tirsan golaha Guurtida,Haween,Arday iyo dadwayne aad u tiro badan .
Munaasibadan ayaa ciidamada qalabka sida iyo kuwa Booliska iyo Asluubtu ay soo bandhigeen gaardi socod ah oo ay ka soo bilaabeen Xarunta dowlada hoose ee magaalada Borama isla markaana ku soo gaadhen goobtii Khayrida Magaalada Borama halkaasi oo ay salaam sharaf ku siiyeen madaxdii madasha fadhiday.Ciidamadan Salaanta bixinayay ayaa waxa ay ahaayeen kuwa kaliya ee dadwaynaha badi goobta yimid usoo daawasho tageen isla markaana u riyaaqeen isla helidooda gaardida iyo dhawaqa kala duduwan ee afka ka leeyihiin wallow ay u muuqdeen inaanay baryahan dambe helin tabobaro ku wajahan dhinaca gaardida.
Kooxo dhalinyaro ah oo iyaguna soo bandhigay Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka kuwaasi oo muujiyay inuu gobolkani leeyahay taariikh soo jireen ah oo dhinaca fanka ah isla markaana ku muujiyay sida ay u taageersan yihiin jiritaanka xukuumada Somalilan,dhanka kalena munaasibadan oo ku soo beegantay waqti ay dugsiyada waxbarashada ee dalku fasax yihiin isla markaana ardayda ayaa waxa ay ka qaadatay door muhiim ah waxana ay soo bandhigtay sida ay u yihiin ardaydu cudud laxaad leh oo ka tirsan da’ayarta soo koreysa ee dalka.
Gudoomiyaha Waxbarashada G/Awdal Prof Daahir Maxamuud Xadi ayaa tilmaamay inay maalintani ahmiyad gaar ah u leedahay ardayda iyo bahda waxbarashada waxana uu sheegay inay wasaaradu horumar ku talaabsatay sidaa aawadeed uu horumarkaasi ku yimiday helitaankii dal madax banaan oo ay dadkiisu maamulaan,kaasi oo la helay 18 May 1991.
Ku simaha duqa magaalada Borama Muumin Gadiid Cumar ayaa u mahad naqay gabi ahaanba dadwaynihii madasha iskugu yimid iyo madaxdii ka soo qayb gashay munaasibadan waxana tilmaamay in ay aad ugu faraxsan yihiin inay munaasibadan kala soo qayb galaan masuuliyiin ka tirsan Axsaabta mucaaridka iyo Golaha guurtida waxana uu dadka reer Awdal ugu baaqay in ay nabada dhowraan.
Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Sh.C/laahi Cige ayaa isaguna si wayn ugu mahadnaqay Eng.Faysal Cali Waraabe waxaana uuna tilmaamay inay munaasibadani tahay maalin ciid ah sidoo kalena uu hambalyo u diray Gabi ahaanba shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaanba.
Sidoo kale Xoghayaha dowlada Hoose C/risaaq Cali Cismaan ayaa tilmaamay inay munaasibadan qabanqaadabadeeda kala qayb qaateen wasaarada Waxbarashada shariikadaha isgaadhsiinta,Shariikadaha Laydhka iyo shaqaalaha dowlada Hoose kuwaasi oo uu mahadnaq usoo jeediyay.
Munaasibadan oo ay dadwayne faro badani ka soo qayb galeen ayaa waxa ay dadku u muuqdeen kuwo sugaya khudbada Eng.Faysal Cali Waraabe oo ay waxbadan magaciisa ka maqlaan Idaacadaha waxana aanay manta munaasibadani ku soo began tahay wakhti uu heerkulku aad u sareeyey.
Wariye:-
Cabdalle Cali Yuusuf.
Lughaya News-Borama.

Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Madashii Xusku 18ka May, 2008 Ee Maanta iyo Hadaladii Masuuliyiinta Dowladda "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback