“Mawqifkayga Shaqsi Ahaaneed Shantii Sano Ee La Dhaarshay Madaxwayne Rayaale Way Dhamaatay, Waana Ghairman-Ka Xisbiga Udub…”Eng.Faysal Cali Waraabe.
Borama-(Lug)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa shir Jaraa’id ku qabtay hotel Rays ee magaalada Borama waxuuna kaga waramay wacyiga siyaasadeed ee maanta lagu jiro iyo sida uu xisbigiisu diyaarka ugu yahay in mar walba iyo waxwalba wada hadal lagu dhameeyo waxaana mar la waydiiyay inuu ka war bixiyo waxii oo ka odhan lahaa safarkiisan uu yidhi”waxaan u mahadnaqayaa bulshada reer Awdal iyo Ciidamada qalabka sida ee cadowga dalka ka horjooga waad dareensan tihiin dalku waa cadowyo badan yahay Djibouti ayaa inoogu dhow oo nala jaar ah waanad la socotaan in uu madaxwaynaheedu wax badan u gacan haadinayo koonfur oo lagu karo la’ayahay inuu dib u xasuusto abaalkii aan u galnay wakhtigii gumaysiga waana tii inoogu sokaysay Djibouti, ma xuma shacabku ee waa madaxwayne Ismaaciil sidaa aawadeed waa in Umadda reer Somaliland ay wax walba danahooda ka hor mariyaan.”
eng-faysal-cali.JPG

Mar wax laga waydiiyay waxyaabihii ka soo baxay Kulankii ay wada yeesheen Xukuumada ayaa waxa uu yidhi “waxa ka soo baxay aan is aragno oo aan tashano ayaa ugu waynayd oo aan ka wada hadalnay waana ta ugu muhiimsan ee lagaga bixi karo duruufaha jira.

Mar wax laga waydiiyay inay wada hadaladani la micno tahay inay mucaaridku soo dabceen oo ay aqoonsadeen madaxwayne-nimada Rayaale waxii ka dambeeyey 15 May 2008 ayaa waxa uu yidhi “Anigu marnaba ma odhan ma aqoonsani ee waxaan idhi Madaxwaynuhu waa Chairman-ka Xisbiga Udub dooduna waa dood furan waxaanay ila tahay way dhamaatay Shantii sano ee la dhaariyay Madaxwaynaha,hadii ay maalin ku biirtana waxaan u baahan nahay in lanaga qabciyo sida ay wax u jiraan Udubna way ka dhamaatay wakhtigeedii.”

Mar wax laga waydiiyay sida uu u arko dalkan 18 jir sanaya isla markaana aan lahayn Passport sharci ah waxa uu yidhi “Xukuumada Imbegati Passports ay hada soo saartay wax ka soconaya maahin oo dal iyo dad ay maamushaa ma jiraan, waa nagu ceeb in aanu dadkeena ka difaaci wayno waydiisashada ay hadhaagii Faqashta ee ku sugan Qunsuriyadaha dibada ay dadkeenu Passports waydiistaan waan u soo bandhignay Wasiirul khaarajiyaha waxaanan ku idhi aan arrintaasi dadaal ka galno sidii loo aqbali lahaa passport keena,dadaalkii ay galena waxba kama hirgalin waana maalaha ay xukuumadu ku fashilan tahay la xisaabtankeeda wata, Somalilandna magac baan haynaa ee aan tayayno maamulkeena.

Mar wax laga waydiiyay sida ay qorsheeyeen inay soo buuxiyaan Xubintoodii komishanka ee is casishay ayaa waxa uu yidhi “Waan ku soo dhaqsanaynaa waana shuruud ay lacag badani ku xidhan tahay in xubnihii komishanku soo dhanaadaan anagu lugta ma jiidayno ee waan ku soo dhaqsanaynaa”, waxaa kale oo uu ku gacan saydhay inay diiwaan galintu noqoto aalad loo isticmaalayo muddo kordhinta,waxana uu yidhi “haddii ay noqoto diiwaan galintu mid la yidhaah ma suurtoobayso ee xukuumada xilka haloo kordhiyo anigu waxa aan taageersanahay inta ka soo horjeeda.”

 

Wariye:-
Abokor Hassan Affi.
Lughayanews-Borama.