ismaaciil-muumin-aar.JPGBorama-(Lug)-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee G/Awdal Aadan X.Muxumed Aye oo ay wehelinayaan Musharaxa jagada madaxwayne ku xigeennimada Xisbigaasi Ismaaciil Muumin Aar iyo Mudane ka tirsan Xisbiga Ibraahim Aadan Qaalib ayaa shir jaraa’id oo ay maanta duhurkii ku qabteen Hotel Rays ee magaalada Borama kaga waramay sida ay uga xun yihiin falalkii is hor taaga ahaa ee ay xukuumadu kula kacday Xisbiga mar lagu gudo jiray u dabaal dega xuska Munaasibada 18 May 2008.
ismaaciil-muumin-aar.JPG

Gudoomiyaha Xisbiga ee G/Awdal Aadan X.Muxumed Aye oo shirkaasi ka hadlay  ayaa tilmaamay micnaha mucaaridada waxana uu yidhi mucaaridku waxa ay ilaaliyaan danaha dadwaynaha waxaanay xukuumada u sheegaan inay dhaliilaheeda saxdo isla markaana waxa ay ku toosiyaan tubta toosan waxase nasiib darro ah in micnahii mucaaridada la khalad fahmo.Gudoomiyuhu isaga o oak hadlaya waxyaabihii dhacay maanta waxa uu yidhi”Xisbiga Kulmiye falkii maanta lagula kacay waxa uu ahaa dhaliil wayn oo ay yeelatay xuskii munaasibadani waxa ay ahayd in maadaama xisbigu yahay Xisbiga Koowaad ee Mucaaridka ah halo ogolaado kalmadii ku haboonayd iyo wakhtigii ku haboonaa labadaba mase dhicin taasi oo waa lanaga hor joogsaday in fariintayada ugudbino dadwaynaha waxaanan tirsanaynaa cadaalad darro.

Musharaxa Ismaaciil Muumin Aar oo isagu ahaa mudanahii la iska hortaagay inuu madashaasi wakhtigii ku haboonayd ka yidhaa kalmadii ku haboonayd ayaa waxa uu tilmaamay wakhti uu dalku u bislaaday Dimuqraadiyad waxwalbana ay haboon tahay in runta laga sheego, waxa isaga oo hadalkiisa sii wata uu ummada ka dardaaray inay ka waantoobaan sacabo tunka ay u samaynayaan xukuumada waxaanu yidhi”waa la soo dhaafay wakhti 20 sano dhan oo ay dadkeenu sacab uun tumayeen walise dhaqankaasi dadbaa ka waantoobi la’a waxaanan leeyahay waar runta ka sheeka, haloo sacabo tumo xilkuna waa meerto ee hala ogolaado in la tartamo cidwalba ay hiigsan karto”.

Waxa kale oo uu Musharaxa Ismaaciil Muumin Aar si kulul u canaantay gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Sheekh Cabdilaahi Cige oo uu ku tilmaamay mid isagu fuliya shuruc aanan la ogayn cid soo amartay waxana uu yidhi “waxa xaflada ka muuqatay in labadii xisbi qaran la kala jeclaysanayo oo midna la soo dhawaynayo midna ood cadaad ah la isaga hayo, waxa la noo diiday in microphone-ka aan qabsano xukuumada gobolka awdal ayaase ka masuul ah waxal ah waxii dhacay waxaanse ognahay in dadka reer awdal ay yihiin kuwo iyagu nabada jecel oo aan dhag u dhigay isla markaana aan raali ka ahayn waxa uu samaynayo maamulka gobolku.

Mudane Ibraahim Aadan Qaalib Oo Isaguna ka hadlay Kulankaasi ayaa tilmaamay in ay waxaabihii dhacay maantu ay tilmaamayaan sida uu maamulka Gobolku u kala jeclaysto axsaabta dalka oo uu tilmaamay in uu Gudoomiyaha Gobolku xukumo oo qudha inta xisbiga UDUB ku abtirsata, waxana uu isaga oo hadalkiisa sii wata uu yidhi “ Waxa ay ku dhaqmayaan masuuliyiinta gobolku waa wax dadka iska horkeenaya oo ceeb ah ee ha ka foojignaadaan, Qaanuunka dalkana waxa fashiliyay madax banaanila’aanta hayadihii tarjumi lahaa guurtiduna waxa ay ku milantay xukuumada ee ha ciyaaraan kaalintodii hogaaneed .

 

Wariye:-
Cabdalle Cali Yuusuf
Lughayanews-Borama.