Cape town-(Lug)-Waxa habeenkii xalay lagu qabtay magaalada cape town ee dalka koofurta Africa xuska sanad guuradii 17 aad ee ka soo wareegay dib ula soo noqoshadii qaranimada Somaliland .
Xafladan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay isla markaana ay dadwayne tiro badani ka soo qayb galeen , dadwaynahaas oo ka kala yimid guud ahaan dalka koonfurta Africa gaara ahaana magaalada cape town iyo nawaaxigeeda , hadaba waxa xafladan soo qaban qaabiyey dhamaan jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan koonfurta Africa{south Africa } gaar ahaana magaalada cape town .
Xuska xaflada oo ku bilaamatay jawi aad u wanaagsan kaasi oo farxad galiyey dadwaynihii ka soo qayb galay sobabta oo ah marka la eego cimilada wadankan gaar ahaan gobalkan western cape oo inta badan lagu yaqaan gobal aad u rooban bilaha may ilaa iyo ogosto ama bisha shanaad ee sanadka ilaa iyo bisha sideedaad ee sanadka qofkaba sida uu u yaqaan .
Abaaro 11:00 pm fiidnimo wakhtiga dalkan koofurta Africa ayaa waxa sidii loogu talo galay bilaamay xaflada 17 MAY , halkaan oo ay ka soo qayb galeen , culumo awdiin , dhaliyaro , faaniinta kooxda riyaaq, iyo bulshada ra’yidka ah.
Xafladan oo lagu soo bandhigay heeso cusub iyo kuwo horaba iyada oo ay garab socdeen majaajilo iyo maaweelo isla markaana aad u raali galiyey dadwaynihii ka soo qayb galay .
Fanaaniinta kooxda riyaaq oo ahaa hormoodka qaybta fanka iyo suugaanta , si wayna uga qayb qaatay qaybta uu fankeenu caanka ku ahaa sida heesaha wadaniga ah , majaajilooyinka iyo maaweelaada intaba.
Fanaaniinta Kooxda Riyaaq Oo Kala Ah.
1. Abwaan cabdi samad xaaji ducaale qambi{ gudoomiyada kooxda riyaaq}
2. Cabdi salaan big show
3. Fadxiya ahmed muxumed
4. Cabdi qaadir dahiye macow.
5. Mukhtaar xuseen habane
6. Xuseen abuukor sheikh { ceejiye}
7. Faadumo maxamed xiiray
8. Aamina xasan jaamac
9. Hodan maxamed faandhe
10. Islaw abuukar islaw
11. Mukhtaar abdilaahi diirye { fiyoore}
Waxaa sidoo kale ma mid ahaa dadwaynihii ka soo qayb galay xafladan , isla markaana ahaa qab-qaabiyayaashii xafladan KAYSE MURSAL MUXUMED { AWLIYO },
Hadaba mar aan waysi gaaban la yeeshay awliyo waxa uu ii sheegay in ay xalfadani tahay midi ugu horaysay ee noocan ah laguna qabto markii ugu horeeyey magaaladan cape town, sidoo kale mar aan waydiiyey cida ka qayb qaadatay ama bixisay kharash ka lagu hawlgalay waxa uu ii sheegay mudane KAYSE in ay bixiyeen dhamaan jaaliyada reer somaaliland ee degan gobalkan western cape gar ahaana ayuu yidhi magaaladan cape town ,
Sidoo kal mar iyaga wax laga waydiiyey mudane KAYSE qaabka ay u dhacdhay xaladu waxa uu sheegay , in ay u dhacday si wanaagsan iyada oo ku dhamaatay farxad iyo dhamaashaad.
Ugu danbayntii mar aan wax ka waydiiyey mudane KAYSE su’aasha ah Maxaad u rajaynaysaa shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaan , waxa uu yidhi Waxa aan u rajaynayaa nabad , barwaayo , iyo ilaalinta mustaqbalka dalkeena iyo dadkeenaba taasi oo ayuu yidhi KAYSE muhiimada ugu horaysa ee lagu gaadhi karo guusha iyo horumar waara.
Waxa isna ka soo qayb galay sheikh xuseen muxumed { shimbir} oo ka mid ahaa culumadii ka hadashay madasha xafladu ka dhacday isaga oo sheegay in ay tahay muhiimada iyo la ilaaliyo mustaqbal dalka iyo dadkaba lagu ilaa liyo shareecada diinta islaamka .
Sidoo kale dhamaan dadwanihi ka soo qayb galay xafladaas waxa ay hambalyo iyo rayn rayn u dirayaan dhamaan shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan gaar ahaana Madaxwaynaha mudane Daahir Rayaale Kaahin
iyo Marwadiisa Huda Barkhada Aadan labada golo Golaha Guurtida Iyo Golaha baarlamaanka axsaabta siyaagia ah xisbiga kulmiye , ucud, iyo uduba.hambalyo somaliland 17 may 18, 2008
Wariye:-
Maxamed Ali Hussien { Zidani}
clay119@gmail.com

Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xuska Sanad Guurada 17th May Ee Magaalada Cape Town "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback