Borama-(Lug)-Taliyaha Booliiska ee rugta Xariirad Cabdi Mawliid C/laahi ayaa Lughaynews u sheegay inay gacanta ku soo dhigeen nin isku dayay inuu dilo ilmo yar oo jiray 6bilood oo uu isagu dhalay.
Taliyaha ayaa waxa uu Lughayanews u sheegay in abaaro 5:30 galabnimo ee maanta ay maqleen qarax bam oo xoogan kana dhacay xaafadaha ka dambeeye dugsiga hoose dhexe ee Xariirad isla markaana ay halkaasi ugu tageen dambiilahan oo isagu qoorta sudhay xadhig loo malaynayo inuu isku daldalayay,waxana uu yidhi waxa aanu goobta ugu tagtay ilmo yar oo aan guurguurad baran oo xadhig ku xidh-xidhan iyo dambiile oo xadhig kale diyaarsaday isla markaana booliska khasab ay ku galeen gurigaasi sidaasina ay ku badbaadiyeen.
Taliyaha oo ka waramaya sidii uu qaraxu ku dhacay ayaa waxa uu yidhi “Ninkan ayaa ilmaha yar kala soo baxsaday hooyadii oo la yidhaahdo Xaliimo oo degan xaafadaha waqooyi bari ee MCH-ka isla markaana ula soo talaabay xaafadaha dhinaca galbeedka ee Dusiga hoose dhexe ee Xariirad ku yaalo.”
Waxa uu taliyuhu intaasi daba dhigay “Ninkani bamka uu qarxiyay gacanta ayuu ku watay waxa aanu kaga cabsiinayay dadka doonayay inay ilmaha yar ka reebaan oo eheladooda iyo dad yaqaanay u badnaa markiise ay ka hadhi waayeen ayuu bamka ku soo tuuray sidaasna uu qarxay,dad wax ku noqdayna ma jiraan Qaraxaasi.”
Taliyaha ayaa waxa kale oo uu sheegay inay Booliisku samaynayaan baadhitaano ku wajahan waxyaabihii sabobay inuu ninkani ku kaco falkan waxana uu yidhi “ilaa hada waxaan ognahay oo kaliya inay ninkan iyo Marwadiisu dudmo ku kala maqnaayeen waanan baadhaynaa falka noocan oo kale ah wax walba oo sabobi kara.”
Ninkan isku daygiisan Booliisku galabta fashiliyeen ayaa waxa ay da’adiisu tahay 33 jir waxana uu ka mid ahaa Kaariyaasha Magaalada.
Taliye Cabdi Mawliid C/laahi ayaa muddo lix bilood ah jooga saldhigan isla markana lama uu kulmin falal noocan oo kale ah waxana uu lughayanews u sheegay in fal dambiyeedyada ugu badan ee degmada ka dhacaa u badan yihiin kuwo maxali ah, nabadgalyada magaaladuna aad u wanaagsan tahay.
Sidoo kale ayaa dad goobjoogayaal ah oo Khadka Telephoneka kula soo xidhiidhay Lughayanews u sheegay inay baqdin galisay falka noocan oo kale ahi iyo bamka qarxay ee uu ku soo tuuray bulshadii doonaysay inay ka qaadaan ilmaha yar.
Wariye:-
Abokor Hassan Affi.
Lughayanews-Borama

Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Booliska Xariirad Oo Ilmo Yar Oo Lix Bilood Jira Ka Badbaadiyay Isku Day Dil Oo Uu Aabihii Ka Dambeeyey "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback