Borama-(Lug)-Tan iyo markii axsaabta mucaardka iyo taageerayaashooduba sheegeen inay ka dhiidhiyaan muddo kordhinta  Golaha guurtidu u sameeyeen madaxweyne Rayaale isla markaana  ay 15ka May ka dhigteen  maalinta  uu dhammanayo xukunka Rayaale ayaa waxa isasoo tarayey tirada ciidamada dawladdu ugu talo gashay inay kaga hortegto  go’aanka axsaabtaasi .

Sidoo kale waxa tan iyo waagaa soo baxayey warar sheegeyey in xoogagga mucaaradku ku talogaleen qalalaase iyo iska caabin  ay ciidamada Dawladda kala hortegeyaan  mudaaharaadyo nabadgelyo ,kuwaasoo an ilaa maanta la arag  wax ay sameeyeen .

Sidoo kale waxa dalka oo dhan laga dareemay cabsida xukuumaaddu ka qabtay   dagaal dhex mara iyaga iyo xooggagga mucaaradka  marka la gaadho 15ka May ,balse wax nabadgelyo darro ah  lagu arag dalkana anay wxba iska beddelin tan iyo wakhtiga axsaataasi ku hanjabeen inay Maamulka Madaxweyne Rayaale  tusi doonaan  awooddoda .

Si kastaba ha ahaatee Rayaale weli waa madaxweyne ,mucaardkuna weli way hadlayaan ,waanwaan la doonayo in xaaladda siyaasadeed lagu dejiyaana way socotaa ,cid kastaaba ha ka qayab gashee ,sidaad  darteedna ciidaamadii loogu talogalay dagaalka inay la galaan mucaaradka ad mooddo inay ku hongoobeen cadowgii loo sheegay inay caabiyi doonaan ,wixixi ka dambeeya 15 May .

Haddaaba markaad eegto nidaamka ,qaybaha ,tirada ,hubka iyo saanadda ,amarada ,iyo hawlgalka ciidankaasi loogu yeedhay ,iyo su’aasha ka taagan habdhaqankooda ,iyo waxyaalaha loosoo diray ayaad mooddaa inay yihiin kaaf iyo kala dheeri .

Waa tan koowaade ciidanka Soomaaliland  ayaa qaybihiisa kala duwani ku jiraan  u diyaargarow  laba arrimood  oo kala ah Ilaalinta kursiga madaxweynaha ,iyo u diyaargarowwga 18 May.Labadaa arrimood oo salka ku haya ,in Madaxweyne Rayaale weli yahay Madaxweynaha dhabta ah ee Soomaaliland ,iyo 18May  inay weli tahay dabbaaldegga  goonisutaagga Soomaaliland oo Rayaale xukumo.

Waa tan saddexaade ciidamdii Soomaaliland oo dhan ayaa ka kala yimid daafaha dalka ,badankoodana lasoo geliyey caasimadda Hargeysa iyo magaalooyinka waaweyn  ee dalka .Ciidankan oo wejiyo kala duwan , dareenno l kala duwan ,nidaam kala duwan iyo amarro kala duwan lasoo faray  ayaa in dhawaaleba dadweynaha  ku nool caasimaaddu  ka mujinayeen walaac  dhinaca nabadgelyada ah ,iyadoo la ogaa sidii ciidamadaasi u toogteen gabadh la odhan jiray Hani .Inkastoo  magaaladan Boorama anu ka jirin mucaarad xoog lihi shakhsiyaadka xisbigaasi uga dhaqddhaaaqa Gobolkuna ay badankoodu Hargeysa ku suganyihiin ,ayaa ciidamadaasi  iyagoo raxanraxan ah lagu arkayey suuqyada magaalada 15 May ,kuwaasoo qaarkood ahaayeen kuwa iska itaal daran ,kuwa odayaal da’ ah iyo kuwa da’doodu yartayaba,balse  askartaasi qaarkood anay indhaha dadweynaha reer Boorama u baran aragtidooda , dad badanina isweydiinayeen meesha ay ka yimaaddaan,qaarkood waxay ahaayeen dad loo hatstay shicib caadi ah oo Boorama iskaga haystay meherado ,kuwa kale ayaa dugsiyada dhiganayey ,halka kuwa kalena loo haystay uun inay yihiin dad ku shaqo la’ magaalada balse  15kii May la ogaaday inay ka tirsanyihiin ciidamada dawladda .

Haddaba markaad eegto sida ay dadka ula hadlayeen habeennimadii 15 May soo geleysay ,iyo habeenadii ku xigayba ,waxad moodaysay in ciidankani yahay mid ka yimid meelo ka baxsan Boorama iyagoo sitay  dirayska ciidanka qaranka, qoryo kala duwan iyo kabo kala duwan .waxay dadka meheradaha amar ku siinayeen inay xidhaan dukaanada ,makhaayadaha iyo meelaha fiidiyooyadaa ahba taasina aya keentay in magaaladu Boorama an qof lagu arkayn 10kii caweysnimo ee habeenkaasi .

Sidoo kale ayaa ayaa magaalo madaxda dalka ee Harageysana lagasoo sheegayey in koone walba ciidankaasis la dhigay isla markaana  diyaar u ahaayeen belaayo aan la arkayn,iyo mucaarad aan muuqan .Waxa la sheegeyaa in imaatinka ciidmdaasi ee Harageysa ay dad badan cabsi gelisay isla amrkaana  dad badani uga baxeen degaanada kale ,si ay uga baxsadan  waxay u qaateen dagaal ka dhex dhici kara dawladda iyo mucaaradka.

Ciidamadan ayaa dhinaca kale aad moodaysay in sida ay ula macaamilayaan dadweynaha siday ugu hanjabayaan siday qoryaha ugu fiiqayaan iyo siday iskaga ilaalinayaan dadweynaha  aad moodaysay inay yihiin ciidammo laga keenay dal shisheeye ah , dhaqankoodaasina u ekaa sidii ciidamada ajnebiga ah ee qabsaday Ciraaq iyadoo la ogyahay in kuwa hubka sitaana yihiin reer Soomaaliland kuwa hubka loo sitaana yihiin Reer Soomaaliland ,wana ayaandarro in reer Soomaaliland muuqaalkaasi l colaadeed ka dhex muuqdo ama laga dhex arko,cadow badanina ku farxayo habdhaqanka noocaas ah ee dawladdu ugu talo gashay dadweynaha iyo mucaaradkaba.Mucaardka Soomaaliland ,siiba axsaabta Kulmiye iyo UCID ,lana ogyahay inaanay haysn dhaqaale ay hub ku iibsadaan ama ciidammo meel ugu xeraysan oo ay dawladda kala hortegi karaan ,ayaa dhinaca kalena waxay arrintani muujinaysaa fuleynimada xukuumadda ka  baqaysa col aan jirin ,bacina kaga xidhanto mucaarad naftiisiiba meel uu la galo  aan haysan ama meel uu u cararo,sidaa darteedna loo baahnaa in xoogga intaa leeg loosoo bandhigo cadowga Soomaaliland  marka la gaadho 18ka May.

Madaxweyne Rayaale waxa u wanaagsanayd in ciidankan iyo xooggan uu tusay cadowga Soomaaliland  iyo mucaaradka taagta darana  uga habboonaan lahayd inuu  soo bandhigo maalin kale oo la sugayo natiijooyin kasoo baxay doorashooyin dhacay   oo axsaabta mucaaradka lagaga waabinayo guul ay ku dhaw yihiin inay helaan  kaddibna loo marsiiyo guulo kale oo ay xukuumadda Rayaale kasoo hoysay doorashooyin kale ee maahayn xoog meel cidlo ah     lagu soo bandhigo.ama lagu baqo geliyo shicibka si loosoo xusuusiyo taliskii afweyne.

Waxana habboon inaanay ciidamada dawladdu shacbigooda ka kasban cadaawad  la mid ah tii lagula dgaalamay laguna burburiyey taliskii Afweyne sababtoo ah dadka ay qoryaha u sitaani waa walalahood ,hooyooyinkood ,aabayaashood iyo qoysaskooda kuwaasoo aanay marnaba kala tegayn    shacbiga Soomaaliland  ,balse  aanay  qurux badnayn in lagu baqogeliyo shacbiga  dagaal siyaasadeed oo ka dhexeeya  garabyada siyaasadda isku haya.mucaarad iyo muxaafidba.

 


Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama