Borama-(Lug)-Munaasibadaasi saddexda dhinac ka wada hadlayay waxay ahaayeen waalidiinta wakiilka ah caruurta agoomaha ah,Hayada Copy oo daryeelkooda qaabilsan iyo dhakhaatiirta caafimaadka G/Awdal .
Munaasibadaasi waxaa ugu horeyntii ka hadlay isuduwaha wasaarada caafimaadka ee G/Awdal Dr.C/laahi Muuse waxuuna sheegay in si iskaashi leh looga war hayo caruurta agoomaha ah ee ay daryeesho Hayada Copy,waxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in caafimaadkooda goor walba laga war hayo waxuuna intaasi sii raaciyay in caafimaadka Gobolku uu diyaar u yahay inuu garab ka siyo dhinaca caafimadka caruurtaasi agoomaha ah.
Waxaai isaguna halkaasi ka hadlay wakiilka Hayada Copy ee xarunta Analena Dr.C/salaam Jaamac Ibraahim(Gahayr) ayaa sheegay in markii hore ay gacanta ku haysay caruuraha agoomaha ah Analena Toneli intii aanay dhiman balse intii ka dambaysay ay muddo badan aan waxba loo qaban balse imika waxaa caruurtaasi daryeelkooda dhinaca waxbarashada ka howl gala hayada Copy oo 1% in ka yar gacan ka gaysata inkasta oo uu tilmaamay qofkii awoodi waaya inuu waxbarashada sii wato in hadana qofka la tacaala inuu caawiyo ay tahay mid loo abaal naqo waxaanay hayada Copy imika Fiida wax waxbarashada ay ka bixisaa caruur gaadhaysa 83 balse waxa uu waalidiinta ka codsaday inay ka war hayaan caruurtaasi inay waxbarashada had iyo jeer ay tagaan isla markaasina ay isku xidhmaan macalimiinta si aanay u dayacmin deeqdaasi waxbarasho ee la siinayo lagana wada shaqeeyo xaga caafimaadka ubadka yar yar.
Ugu dambayntii waxa isaguna halkaasi ka hadlay Dr.Cabdi Daa’uud waxuu sheegay in caafimaadka ubadku u baahan yahay in taxadir dheeraad ah la siiyo shubankuna waxa uu ku yimaadaa caafimaad daro ku dhaca ubadka yar yar waxuuna intaasi sii raaciyay in Malaria-da iyo TB-du ay yihiin xanuunada ugu badan ee gobolkani ka jira sidaasi awgeed waxaa mudan in laga wada howl galo sidii looga shaqayn lahaa caafimaadka ubadka yar yare ee agoomaha ah waana waajib ina wada saran dhamaanteen.
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Sh.Maxamed Siciid Saaweer waxuuna cadeeyey in qofka Islaam ah ee u gar gaara caruur agoon ah inuu ajar iyo Xasanaad uu helayo waxaana diintu ina faraysaa in daryeelka Agoomaha laga wada qayb qaato.
Waana kulankii ugu horeeyey ee muddo sanad ah lagu qabto magaalada Borama oo lagaga hadlayo sidii la iskaga kaashan lahaa daryeelka iyo xanaanada caruurta agoomaha ah gacana lagu siinayo Caruurta Agoomaha ah.
Wariye:-
Abokor Hassan Affi
Lughayanews-Borama

Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Kulan Saddex Geesood Ah Oo Lagaga Hadlayay Sidii Loo Adkayn Lahaa Daryeelka Caruurta Agoomaha Ah Ee Ay Deeqda Waxbarasho U Fidiso Hayada Copy Ayaa Maanta Lagu Qabtay Xarunta Caafimaadka Ee G/Awdal "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback