Hargeysa-(Lug)-Suldaan Cali Baane oo ka tirsan salaadiinta gobolka Hargeysa iyo afar iyo toban xubnood oo isugu jiray cuqaal iyo wax garad kale, ayaa cambaareeyay talaabadii xukuumada Somaliland, 12 bishan ay dawlada Ethiopia, ay ugu gacan galisay laba nin oo deganaa magaalada Hargeysa, oo ka soo jeeday soomaalida Kililka shanaad ee dalka Itoobiya.
Suldaan Cali Baane iyo cuqaasha kale, ee maanta bayaanka ka soo saaray Magaalada hargeysa, waxay cambaareeyeen falkaas isla markaana waxay xukuumada Somaliland u soo jeediyeen inay cadayso dambiga ay galeen laba nin oo Itoobiya loo dhiibay, hase yeeshee aan la sheegin wax dambi ah oo ay galeen kuwaasi oo magacyadoodu kala ahaayeen C/Naasir Muxumed Xuseen Iyo Xariir Maxamuud Dhool.
Nimankan, ayaa sida xaasaskooda, oo degan Degmada Maxamuud Haybe, ee Hargeysa ay sheegeen lagala baxay guryahoodii, iyadoo wararka labadii maalmood ee u dambeeyay soo baxayayna ay sheegayaan in nimankaasi ay ku xidhan yihiin jeelka Jig-jiga, lana filayo in loo qaado magaalada Addis-ababa.
Bayaanka waxgaradkaasi ay soo saareen ayaa lagu sheegay in talaabadaasi ay ka soo hor-jeedo dhaqanka iyo wada noolaanshaha Ummadda Somaalida ah, waxana ay xukuumada ay ku adkeeyeen inay xoriyadoodii dib loogu soo celiyo wixii ay galeena lagu maxkamadeeyo.
Dhinaca Kale, masuuliyiinta laamaha dawlada iyo mukhaabaraadka Somaliland, ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan arrinta labadan nin.
Wariye:-
Cumar Maxamed faarax
Lughayanews-Hargeysa
Cumarfaarax2@hotmail.com

Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Salaadiin Iyo Cuqaal Cambaareeyay Talaabadii Xukuumada Somaliland Ay Itoobiya Ugu Gacan Galisay Laba Nin "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback