Islamabad-(Lug)-Xaflad balaadhan oo lagu xusayo munaasibada qiimaha badan ee 18 may , oo ku beegan sannad guuradii 17aad ee ka soo wareeegtay ku dhawaqidii madaxbanaanid qaranka Jamhuuriyada Somaliland, ayaa Xalay lagu qabtay magaalada Islamabad ee Caasimada wadanka Pakistan.
Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen ururka ardayda Somaliland ee Pakistan(SSAP), ayaa waxa ka soo qayb galay aqoonyahano, culimo aw diin, siyaasiyiin, abwaano, arday, iyo dhamaan jaaliyada Somaliland ee dalka Pakistan oo ka kooban rag iyo dumar iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo isaga kala yimi gobolada kala duwan ee wadanka Pakistan.
Xuska 18 May, oo si wanaagsan oo farxad leh u qabsoomay, ayaa waxa wajiyada ka soo qayb galayaasha Munaasibadan laga dareemay dareen wadaniyaneed oo xoog badan.
Dabbaal dagan oo uu xidhiidhiye ka ahaa Maxamed Jawhar Sheekh Cali, Aayadaha Quraanka ah ee xaflada lagu furay kadib, waxa halkaas ka hadlay Xooghayaha guud ee Ururka Ardayda Somaliland ee Pakistan Mudane Cabdirisaaq Axmed Faarax “Diinaari”, waxaanu shacbiweynaha Somaliland gudoonsiiyay salaan uu ka sido madaxda Somaliland, Mucaarid iyo muxaafid intaba, waxaanu sheegay in xafladani ay tahay ti u horeysay ee lagu qabto Pakistan, isaga oo dadwaynaha Somaliland u rajeeyay in Ilaahay sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo nabad, horumar, barwaaqo iyo wanaag.
Waxa isna halkaas ka hadlay Xasan Jaamac Ibraahim oo ku hadlayay afka aqoonyahanka Somaliland ee Pakistan, isaga oo si qotodheer uga sheekeeyay taariikhda iyo aasaaska Somaliland, iyo waliba ururka hooyada u ah Somaliland ee SNM, Xasan waxa uu nuuxnuuxsaday in Somaliland lagu helay dadaal balaadhan , xornimadeena ay u god galen dad aad u badani, waxaanu intaas ku daray in Somaliland ay maanta tahay dal madaxbanaan oo ay ka hirgaleen doorashooyin kala duwani, iyada oo aan taageeero ka helin cidnaba.
Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo ku hadlay magaca Ardayda ayaa ku booriyay ardayda Somaliland, in ay ku dadaalaan tacliinta hanashadeeda, maadaama oo ay tahay shay lagama maarmaan u ah horumarka bulshada.
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr ayaa isaguna madashaad ka jeediyay maanso wadani ah oo kicisay dareenka dadkii xafladaas ka soo qayb galay, maansadaas oo ka warantay dhamaan taariikhihii kala duwanaa ee soo maray Calanka Somaliland intii u dhaxaysay 1884, oo ah markii Ingiriisku qabsaday Somaliland, iyo 1991 oo ah markii ay Somaliland xornimadeeda hanatay mar labaad. Waxaana maansadaas lagu soo dhaweeyay sacab iyo mashxarad aan kala go lahayn, iyada oo Abwaanka lagu daadiyay ubax iyo caleemo qoyan.
Ardayda Somaliland ee Pakistan ayaa iyaguna halkaas ku soo bandhigay riwaayad, ka waramaysay qiimaha waxbarashada oo aad loo jeclaystay,Riwaayadaas oo magaceedu ahaa “Darajada aqoontaa samo lagu durduurtaa doonyaha ha raacina” isla markaasna waxa ay ardaydu ka qaadeen halkaas heestii Calanka Somaliland, iyo heeso kale oo wadani iyo arrimo kaleba leh, fanaaniinta halkaas heesaha ka qaadayna waxa ka mid ahaa, Xamse Ibraahin Xuseen, Mahad Nuux Muumin, Cabdifataax Axmed Barre iyo Cabdirisaaq Xasan Hirad Cabsiiye.
Ugu dambeyntii waxa xafladaas soo gabagabeeyay Gudoomiyaha Ardayda iyo Jaaliyada Somaliland ee Pakistan Mudane Maxamed Cabdilaahi-Dirawal,oo ugu horeyn shahaadooyin gudoonsiiyay dhamaan dadkii ka qayb galay qabsoomida xafladan, eek u taageeray muruq iyo maskax iyo maal intaba, Dadka shahaado sharafta la gudoonsiiaya ayaa kala ahaa:-
1.Cabdiraxmaan Ismaaciil Batuun
2.Cabdiraxmaan Axmed Digaale
3.Cabdirisaaq Xasan Hirad
4.Cabdifataax Axmed Barre
5.Cabdirashiid Maxamed Faarax Caynaashe
6.Qoyska Axmed Kilaas Jaamac
7.Qoyska Engineer Mawliid
8.Qoyska Farxaan Liibaan
9.Maxamed Cabdi Samatar.
Gudoomiye Maxamed Cabdilaahi-Dirawal waxa uu uga mahad naqay ka soo qayb galayaasha xafladan sida wanaagsan ee ay waqtigooda qaaliga ugu hureen in ay xusaan maalinta qaranimada Somaliland.
Gudomiyuhu isaga oo ka waramaya sababaha loo aasaayay ururka ardayda Somaliland ee Pakistan waxa uu yidhi, “Waxaanu ururkan u aasaasnay laba arimood oo kala ah:
1.In bulshada Somaliland ee Pakistan ay noqdaan qaar is ogaada oo iska war haya, iyo
2.In kor loogu qaado is kaashiga ka dhexeeya ummada Somaliland ee Pakistan”.
Gudoomiyuhu waxa uu ka waramay qiimaha ay maalintani u leedahay dhamaan ummada Somaliland meel kasta oo ay joogaanba, waxaanu sheegay in xafladan si jogto ah loogu qaban doono dalka Pakistan insha Allah.
Guud ahaan shacbiga Somaliland ee Pakistan ayaa aad ugu farxay in ay arkaan xuska 18 May oo lagu qabanayo halkii ay joogeen, iyada ooh al ku dhiga xafladaasina uu ahaa “Somaliland ha noolaato.
Xaflada ayaa ku dhamaatay jawi wanaagsan oo farxad leh, waxaana xafladaas lagu soo gabagabeeyay dhoolo caddayn iyo riyaaq aan la malayn Karin.
Xafladan oo ay cadawga Somaliland isku dayeen in ay khalkhal galiyaan qabsoomideeda ayaa hir gashay, kadib markii ay isku duubni muujiyeen muwaadiniinta Somaliland, qabsoomideedana waxa ay farxad u tahay dhamaan ummada Somaliland, waxaana ciil la hooyday intii ka soo hor jeeday qaranamida iyo madax bannaanida Somaliland.
Qoraalkan waxa si wada jira ah u soo diyaariyay
1.Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr (saedmgahair@hotmail.com)
2,Advocate Khadar Maxamed Faarax Caynaashe (caynaashe2000@hotmail.com), iyo
3.Mudane Cabdiraxmaan Ismaaciil Batuun (batun4@hotmail.com)


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xuska 18 May Ee Wadanka Pakistan "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback