Sanca-(Lug)-Xaflad aad u balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen xafiiska somalialand ku leedahay dalka Yemen ayaa xalay ka dhacday magaalad sanca ee dalka yemen xafladaas oo ay maal galiyeen xawaaladaha qaran iyo dahabshiil ayaa waxa ka soo qayb galay marti sharaf badan oo ay kamid ahaayeen wasiirka cadaalada Somaliland Xasan Cali Casoowe iyo wasiirka dib udejinta Abshir Axmed Xasan iyo wakiilka somaliland u fadhiya Yemen Cali Maxamed Axmed iyo ku xigenkiisa  Muxumed Xirsi Guuudaal iyo dadweyne aad u farabadan oo ka kala yimid daafaha dalka Yemen.

Xaflada ayaa waxay  daadihianayay Mahdi waxan hortaba lagu furay ayaadaha quraanka kariimka ah waxana halkaa laga soo  jeediyay khudbado kala duwan oo ay wufuuddii xaflada kasoo qayb gashay kula hadlayeen dadwaynaha waxana ay carraba ku adkeeyeen dhamaantood qiimaha nabadu ay leedahay waxa kale oo halkaa lagu soo bandhigay ciyaaro  iyo gabayo iyo buraanbur kuwaasoo aysoo jeediyeen qaar kamid ahaa dadwaynihii halkaa isugu yimid , xaflada oo ahayd mid aad  dadku u buux dhaafiyeen ayaa waxa  iyaguna  aad uga dhex muuqday kooxo fanaaniin ah oo  halkaa ka tumayay heeso wadani ah  xaflada ayaa waxay socotay muddo saddex saacadood ah waxana uu Lughaya news sheegay mid kamida ah dadkii ka qayb galay  oo dareenkiisa ka dhiibtay

“runtii waxan filayaa in ay dadkani isugu yimaadeen rabitaan wadaninimo nabad iyo is fahan” ayuu yiri Qaalib Maxamed Qaalib isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu yiri waxa haboon in walaalaheen ku dhibaataysan koonfurta soomaaliya haddii aan wax kale u qaban wayno aan u ducayno

Xaflada  ayaa waxa ay ku bilaabantay jawi aad u heersareeya  iyadoo dadkii kasoo qayb galay ay aad u jeclaysteen una ammaanayeen qaabka loo soo diyaariyay iyo nidaamkaba waana markii labaad ee dalka yemen laga xuso iyadoo xaflad tan oo kale ah laga qaban qaabiyay dalkan yemen

Weriye :
Cilmi Yuusuf Caddaawe
Lughayanews. Sanca