Hargeysa-(Lug)- ilaa boqol ku dhawaad qof oo ka mid ah Ururada maxaliga ah ee dalka,oo ka cabanayay qaabka ay mashaariicda samofalka ugu tagri fasho hayada WFP ayaa saaka cabasho la hor tagay Qasriga Madaxtooyada Somaliland hortiisa.
Dadkaasi ka socday Ururada Samofalka wadaniga ah ayaa masuuliyiinta Hayada WFP ku eedaynayay inay boqolkiiba hal si caadi ah u bixiyaan raashinka qorshe ahaan ay ugu talo galeen dalka, dadkaasi waxa halkaasi ugu yimid taliyaha howlgalinta ciidanka Booliiska C/laahi Fadal Iimaan oo u kaxeeyey Xarunta Wasaarada qorshaynta Qaranka halkaasi oo ay kula kulmeen Wasiirka arrimaha gudaha Md.C/laahi Ismaaciil Cali(Cirro),Wasiir ku xigeenka qorshaynta Md.Axmed Xaashi Cabdi iyo agaasimaha guud ee Wasaaradaasi Maxamuud Maxamed Oday,halkaasoo lagaga dhagaystay cabashadoodii.
Wasiirka arrimaha Gudaha Md.C/laahi Ismaaciil Cali(Cirro) oo dadkaasi la hadlayay ayaa sheegay inay waxii ay ka cabanayaan u maraan hab sharci ah oo ay cabashadooda ugu gudbiyaan Wasaaradaha arrintoodu la xidhiidho, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaanu maanta iyo mar walba idinku dardaarayaa inaad si degan aad u doontaan waxa aad tabanaysaan isla marakaana idinkoo aan buuqsamaynayn aad cabashadiina u gudbisaan Wasaaradaha arrintiinu la xidhiidho.”
Wasiirku waxa uu sheegay in isaga iyo Wasaaradaha qorshaynta iyo Arrimaha guduhu ay cabashada dadkaasi kala hadli doonaan Masuuliyiinta Hayada WFP iyadoo Guddi 8 xubnood ah laga soo saaray Ururadaasi,kuwaasoo ka howl gali doona sidii mashaariicda dabagalka mashaariicdii ay ka cabanayeen .
Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Md.Axmed Xaashi Cabdi ayaa sheegay inay dadkan ku soo war celin doonaan sabtida fooda inagu soo haysa marka ay soo axadhaan mashaariicda ay dadku ka cabanayaan.
Ismaaciil Faarax Maxamed oo u hadlayay dadkaa ayaa Hayada WFP ku eedeeyey inay qaab sharciga ka baxsan u isticmaasho raashinka samofal ee loogu talo galay Somaliland, waxaanuu xukuumada ugu baaqay inay Madaxda Hayadaasi ay talaabo ka qaadaan.
Ismaaciil Faarax waxa uu tilmaamay ni WFP aanay bixin mushaariicda raashino ay hore u balan qaaday inay bixiso oo qayb ka ahaa mashaariic ay isla qaateen Ururuadaasi oo laga sugayay muddo sanado gaadhaysa.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughaya News-Hargeysa

Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dad Ka Cabanayay Mashaariicda Hayada WFP Oo Cabasho La Hor Tagay Madaxtooyada "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback