Hargeysa-(Lug)-Mudaneyaasha Golaha wakiilada Somaliland , ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Md. Cali Maxamed C/Laahi, oo xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ay u soo xuleen buuxinta xubinimadii Komishinka Doorashooyinka Somaliland, ee uu dhawaan iska casilay Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Fadhigii maanta ee golaha wakiilada Somaliland , oo uu gudoominayay Gudoomiyaha aqalkaasi Md. C/Raxmaan Maxamed C/laahi, ayaa la hor keenay laba wareegto uu Madaxweynaha Somaliland usoo gudbiyay golaha oo kala ah ansixinta buuxinta xubintii dhawaan iska casilay  komishinka iyo ansixinta xilka qaadista Axmed Maxamed Xaaji Daahir [Bidaar], oo ay xisbiga UCID hore u soo magacaabeen oo ay xubnaha komishinku shaqadii ka joojiyeen markii uu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo xubnaha kale ee Komishinka.

58 Mudane ayaa ogolaaday xubinimada Komishinka ee Md. Cali  Maxamed C/Laahi, cid diiday iyo cid ka aamustay toona may jirin, hase yeeshee Xubinta hore komishinku shaqada uga joojiyeen ayaa golaha laga akhiriyay wareegto uu Madaxweynaha Somaliland xildhibaanada kaga dalbaday inay ansixiyaan Xil ka qaadistiisa, waxana Goluhu u codeeyay soo jeedinta madaxwynaha, waxana ogolaaday in xilka laga qaado Axmed Maxamed Xaaji Daahir , laba xildhibaan oo qudha, kuwaasi oo kala ahaa Xildhibaan Cali Xaaji Maxamed Iyo Xuseen aw-Ismaaciil, oo labadooduba ka mid ah Xildhibaanada laga soo doortay Gobolka Tog-dheer, kana soo jeeda xisbiga UDUB, halka 55 mudane ay  diideen soo jeedintii madaxweynaha iyagoo soo jeediyay in shaqadiisii dib loogu celiyo, 1 mudane wuu ka aamusay  , gudoomiyuhuna muu codayn.

Codayntii ka hor ayaa golahu dhegaystay warbixinta Guddi hoosaadka Arrimaha gudaha ee Golaha wakiilada, oo hore loogu saaray inay ka soo talo bixiyaan arrimaha labadan xubnood, waxana warbixintii Guddidaasi ay u qornayd sedan:-

“Guddida  arrimaha guduhu iyaga oo fulinaya  awoodaha uu siiyey Xeerka komishanka  iyo Doorashooyinka Xeer. No.20/2001 Qodobkiisa  11aad, faqradiisa 3aad  ee tilmaamaysa  in ay guddida arrimaha guduhu xaq u leeyihiin in ay hubiso in Xubinta ka mid  noqonaysa Komishanka Doorashooyinka Qaranka ay buuxisay  shuruudaha uu Xeerku kor ku xusani tilmaamayo, waxay Golaha Wakiillada u soo  gudbinayaan warbixintan hoos ku qoran :-

Markay  baadhitaan ku samayseen  xubintan komishanka Doorashooyinka Qaranka loo soo magacaabay: 

Waxay  Guddidu Go’aamiyeen in Xubintani buuxisay  Shuruudihiii  looga baahnaa ee uu Xeerka Doorashooyinku tilmaamayey .

 SOO JEEDINTA GUDDIDA

Waxay guddida arrimaha gudaha usoo jeedinaysaa Golaha Wakiilada in si buuxda loo ansixiyo xubintan magaceedu yahay  Mudane, Cali Maxamed C/laahi maadaama ay buuxisay shuruudihii uu xeerku tilmaamayo.

SOO JEEDIN KU SAABSAN XUBINTA KOMISHANKA DOORASHOOYINKA EE XILKA LAGA QAADAY EE AXMED MAXAMED XAAJI DAAHIR

 Guddida arrrimaha guduha ka dib :-

Markay u kuurgaleen  Sababihii lagu eedeeyey xubintan  Markay u caddaatay  in hab-dhaqanka lagu la dhaqmay Xubintan ay ka baxsantahay xuquuqda qofka laguna joor falay xisaanadiisii ka dib markii lagu balamiyey askar loona diiday inuu albaabka komishanka kazoo galo.

Markay dib u milicsadeen waayo aragnimadiisii shaqo ee hore iyo xilkasnimadiisii waxna ka waydiyeen komishankii hore oo ay muddo shan sano ah wada shaqaynayeen

Markay ku qanceen in qof kasta oo bini aadan ahi u baahanyahay in la siiyo fursad 2aad oo uu ku saxo khaladkiisii hore

Markay isku waafaqeen in xubintani daacad ka tahay hawshaas komishanka, aqoon badana uu u leeyahay hawshaas, isfahan la’aan iyo komishanka oo isku cusbaana ay sababtay in u madaowgani soo dhexgalo komishanka dhexdiisa.

Sidaasi darteed; waxay guddidu go’aansadeen una soo jeedinayaan golaha in xubintan dib loogu celiyo xilkiisii Komishanimo.”

Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Lughayanews-Hargeysa
Cumarfaarax2@hotmail.com