Hargeysa-(Lug)-Gudoomiyayaasha sadexda Xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID iyo UDUB ayaa qalinka ku duugay heshiis laga gaadhay khilaafaadkii u dhaxeeyey, ee ka dhashay muddo kordhinta Golaha Guurtida ee xilka mudada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ee halka sanno ahayd, isla markaana si wada jir ah isugu raacay mudeynta xiliga ay qabsoomidoonaan doorashooyinka Golayaasha Deegaanka 15 December 2008 iyo Madaxweynaha 15 March 2009, inkasta oo Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE uu shuruud ku xidhay.
Sida waxa lagu sheegay Shirjaraa’id oo uu caawa qabtay Gudoomiye Kuxigeenka kowaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi aqalka Gudoomiyaha Xisbigaasi ee Magaalada Hargeysa.
“Hadda waxaanu ka soo baxnay shirkii ay wada lahaayeen xukuummada iyo mucaaridku waa markii sadexaad ee aanu isaragno. Maanta ajendahayaga aanu ka wada hadalnay waxaa uu ahaa soo jeedin qabyo ah oo ay keeneen komiishanka doorashooyinku oo tilmaamaya wakhtiga ugu horeysa ee ay doorashooyinka dalka ka qaban karaan” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inay gudida doorashooyinku u soo gudbiyeen inay doorashooyinka ku qabsoomi karaan, ta hore oo ah ta Golayaasha Deegaanka 15 December 2008 inay ku qabsoonto, halka ta dambe oo ah ta madaxtooyada inay ku qabsoonto 15 March 2009. inay sidaa ku heshiiyeen, isla markaana waxa uu intaa raaciyey inay komishaanka dooarashooyinku yihiin hay’ada kaliya ee cayimi karta wakhtiga ay doorashooyinku qabsoomi karaan.
Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in lagu heshiiyey Golayaasha Barlamaanka iyo Guurtidu inay xeerka doorashooyinka ka saaraan qodobada aan la socon Karin doorashooyinka sida qodobka odhanaayaa labada doorasho ha u kala dhaxeeyaan lixbilood, “Mushkilada meesha taala maaha wakhtiga la qabanayo, ee waa in aanay doorashadu halkeeda ka dhaqaaqin mar dambe taas ayaanu keenay haddii aanu nahay Mucaaridka waxaanu soo jeedinay in damaanad laga qaado xaga sharciga ah oo sidaa koomishanku qabtay loo daayo. Laga saaro sida qodobka odhanaaya 6 bilood ah u dhaxeeyaan labada doorasho iyo haddii wakhtiga ay dib uga dhacdo doorashadu in aanay Guurtidu iska kordhin ee ay la tashadaan komiishan iyo Asxaabta mucaaaridka ah” ayuu yidhi.
Gudoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Xisbigaasi waxa uu ku dooday wada hadaladii lagu lafa-gurayey khilaafaadkii u dhaxeeyey Axsaabta mucaaridka ah iyo Xukuummadu ay halkoodi ka sii socondoonaan.
Mar Muuse Biixi la weydiiyey inay ka tanaasuleen mowqifkoodi muddo kordhinta Golaha Guurtida waxa uu yidhi “Sharciyaddii Guurtidu u kordhisey muddada, horena waanu u diidney iminkana waanu diiddan nahay. Laakiin, midbaa jirta maamulka iyo adduunka sida loo dhaqmo meesha kursigii mid bannaan (vacant) noqon maayo, caqli sidaa odhanayaa ma jiro malaha,” .
“Waxaanu ku dedaaleynaa horta annagu in la helo wakhtiga doorashada oo la isla wadaqaato. Qodobka labaad waa yaa ina gaadhsiinaya doorashada. Inta labadaa qodob laga heshiinayo waa caadi, adduunka oo dhan Care taker baa la yidhaahdaa,” ayuu raaciyey.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi Waxaanu isugu tagnay ra’yigaa aanu ku kala qaybsanay inaanu xal dhexe u hello. Annagu waxaanu ahayn qoladii lahayd go’aankaasi waa sharci darro, iyaguna waxay lahaayeen waa sharci. Labadaba halkaa iska dhigoo maxaa inoo dana baanu taagan nahay,” ayuu yidhi Muuse.
“Maxaa inoo dan ahna, wakhti baanu qaadanay oo ah wakhtigaa ay ka fursan weydey oo ah wakhti dhexe,” ayuu raaciyey.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa dhiniciisa qiray in la isla meel dhigay wada hadaladii u dhaxeeyey Xukuummada iyo Axsaabta mucaaridka ah ee ka dhashay muddo kordhinta Golaha Guurtida ee xilka mudada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, isla markaana la isku afgartay heshiisyadii dhawaanahanba u socday in doorashada Golayaasha Deegaanka la qabto 15 December 2008, ta madaxweynahana in la qabto 15 March 2009
Md. Faysal Waxa uu shaaca ka qaaday in wada hadalada u dhaxeeya Xukuummada iyo Axsaabta mucaaridka ah la isugu soo noqondoono maalinta Axada ee inagu soo fooda leh.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadiab markii Komiishanka doorashooyinka Somaliland iyo Sadexda Xisbi Qaran [KULMIYE, UCID iyo UDUB] oo beryihii u danbeeyey wada lahaa kulamo ay ku maareynayaan khilaafaadkii ka dhashay arrimaha doorashooyinka iyo diwaangelinta oo la sheegay kulan ay maalintii shalay ku yeesheen Xarunta gudida doorashooyinka inay iskula qaateen wakhtiga [Time Line-ka] cusub ee ay qabsoomidoonaan doorashooyinku. Kuwaas oo isku raacay inay qabsoomaan doorashooyinku 15 December 2008, iyo 15 March 2009-ka.
Xigasho HWN

Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Axsaabta Mucaaridka Ah Ee KULMIYE Iyo UCID Iyo Xukuummada Madaxweyne Rayaale Oo Si Wada Jir Ah U Cayimay Xiliga La Qabanayo Doorashooyinka "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback