Borama-(Lug)-Tan iyo markii uu talada dalka qabtay Daahir Rayaale ,waxay reer Boorama iyo guud ahaanba reer Awdal la yaabeen sida dhibta yar leh ee ay u fuuleen kursiga dalka ugu sarreeya ,kaasoo ay aaminsanaayeen inay iska lahaayeen  goboladii laga taageeri jiray SNM  wakhtigii lagu jiray halgankii lagu xoreynayey Soomaaliland 

waxa kale oo la yaabanaayeen sida dhibta yar leh ee Daahir Rayaale kursigaasi u tegey ,isagoo an ka mid ahayn siyaasiyiintii u tartamaysay kursigaasi ,ama mucaaradka ahaa ,amase ahaa ragii ugu dhadhawaa  Marxuum Cigaal laakiin   aakhirataanka waxay isku qanciyeen in uu Rayaale nasiib ku helay iyo dhaxaltooyo marxuum Cigaal.

midda kale waxay dad badan oo halkan iyo soomaaliland joogaa la yaabbanyihiin sida Rayaale uu kursigan  ku yimi si dhib yar ay u adkaatay in laga furfuro  xukunka  ,isla markaana axsaabta mucaaradka ah ee dhawrka jeer la tartantay ay  ilaa maanta ka guuleysan laayihiin ,taasoo keeni karta in shan sano oo dambe uu rayaale sii xukumo  dalka inkastoo ay jiraan cadaadisyo kaga imanaya xisbiyada qaarkood ,gaar ahaanna xisbga Kulmiye ,oo ay u arkaan inuu yahay cadiowga ugu weyn ee rayaale leeyahay weakhtigan xaadirka ,UCIDna uu yahay saaxiibka ugu weyn ee xukuumadda maanta .

Hadaba markaad eegto cadaawadda iyo xumaanta ku slaysan arrimo door ah ,oo aynaan qaarkood halkan ka sheegi karayn ,ayaa waxay soo jiitamaysay ilaa sannadihii 2002dii-23dii wahtigaasoo   wasiirka xidhiidhka Golayaasha ee haatan,Cabdi Xasan  Buuni ,uu damacsanaa inuu ka noqdo musharraxa  manssabka Madaxweynekuxigeenka doorashooyinka Rayaale kursiga madaxweynimada keenay   2003dii.

Cabdi Xasan Buuni oo xisbiga Kulmiye waagaa   doorashooyinkii golayaasha degaanka dalka,gaar ahaanna Boorama , ku guuleystay in xisbigaasi xubno door ah ku yeesho golahaasi ,balse dhinaca kale ka bixitaankiisii ka dhashay  mansabka madaxweynekuxigeennimada ee Cabdi Xasan kusoo bixi waayey ayaa waxa Kumiye  Go bolkan uga bilowday cahdi cusub oo xisbigasis dhaxaalsiisay guuldarrooyin siyaasadeed,cadaawad ,takoorid ,iyo khiyaamooyin  qarsoon oo ay reer Boorama xisbigaasi  kula dhaqmeen   “qawda maqashii waxna ha au qaban “.

Nacaybka iyo dareenka cadaawadeed ee reer Awdal ,ama reer Boorama tuseen  guud ahaan axsaabta iyo ururada  mucaaradka  ah ,ayaa waxa kale oo ka mid ah inay xitaa gobolka ka mastaafuriyaan  masuuliyiinta ,iyo siyaasiyiinta axsaabta amam ururada mucaaradaka ,iyadoo la ogaa  sidii loo galay  masuuliyiinta urursiyaasadeedka Qaran  urursiyaasadeedka qaran oo Boorama lagu casumay isla markaana Inj,Maxamed Xaashi Iyo Dr .Gabboose hadh cad laga mastaafuriyey Borama ,iyagoo weliba ciidan Boolis ahi la bada dhigay inay ka baxayeen magaalada.

Inkastoo xumaanta qaybaha dadweynaha  Soomaaliland  u hayaan xisbiga KULMIYE aanay ku koobnayn oo keliya oo ay jirto dagaal siyaasadeed oo kaga socda Hargeysa iyo Berberaba balse waxaan ka hadlaynaa tallabooyinkii dadweynaha reer Awdal xisbigaasi hoggaankiisa  iyo siyaasaddiisaba ku wiiqeen ilaa 2002dii:

Hadii an dib u raacno hagar daamooyinka xisbigaasi siyaasiga ah   kasoo gaadhay reer Awdal tan iyo markii uu ka mid noqday axsaabta qaranka ayaa   ayaa ah kuwa an lasoo koobi karayn.

1.booqashadii ugu horreysay ee hogaamiyaha xisbigaasi Axmed Siilaanyo ku yimaaddo Boorama 2002-dii ayaa waxa Boorama ka dhacay mudaaharaadkii labaad ee taayirro lagu shido  masuul  ka yimaadda Hargeysa oo an ahayn reer Awdal iyadoo u ka horreeyey mudaaharaad  la mid ahaa  oo lagala horyimid Marxuum Cigaal oo boqqasho ku imanayey Boorama balse badhasaabka Gobolka oo waagaa ahaa nin dhex ahi uu baajiyey kalana dareeriyey bannanbaxaasi Axmed Siilaanyo lagu dhigi lahaa.

2.khiyaamo-xisbigaasi lagu khiyaameeyey doorashadii  dhacday 2003dii  ee madaxyttooyada loo tartamayey taasoo  weliba laga xishoonayey dabadana  uu  ka riixayey Madaxweyne ku xigeenkii hore ee  Somaliland  C/raxmaan Aw Cali oo kasoo jeeda gobolkan loona soo bannan baxayey khudbadihiisa isla markaanay aanay reer Boorama tusin   wax dareen ah oo ka dhan ah siyaasadda xisbigaasi,balse dhinaca kale xisbigaasi ka luggoynayey markay noqoto cod,olole ,iyo wakiilnimada lagu ilaalinayo xisbigaasi danahiisa.

3-Waxyaalaha reer Boorama xisbigaasi badeen ayaa waxa kale oo ka mid ah iyagoo wakiiladii ama muraaqibiintii xisbigaasi lahaa laga tuuray gaadiidkii  u kala qadayey degmooyinka isla markaana muraaqbiinta  xisbigaasi ay qaarkood  hoosta kala socdeen xisbiga UDUB oo anay ahayn mid daacad u ahaa .

4,Dhaqaalaha xisbigu ku bixiyey gobolkan wakhtigii doorashada oo loogu shaqayn jiray UDUB sahay cunto ahayd oo loogu dhiibay dadkii  ka codaynayey meelaha ka fog Boorama inta badan laga lunsaday ama laga dhacay.Ragii waagaa loo dhiibay sahayda ,muraaqbiniintana u ahaa xisbiga ayaa waxa ka mid ah  wasiirka  dalxiiska ee xukuumadda Rayaale C/risaaq Waaberi.

5.Goobaha codbixinta qaarkood  sida  degaanada Dila ,Magaalo cad iyo qulujeed oo ay masuuliyiintii xukuumadda kaga jiray degaankaasi oo kasoo jeeda degaanadaasi u diideen in Kulmiye dhigto sanaadiiqda codbixinta .

6.,Wakhtigii doorashada oo meelaha lagu tuhmo in KUlmiye ku badanyahay  ciidannka amnigu qas ka abuurayey kaddibna goobtaa la xidhayey

7.Doorashadii baaralamaanka  cusub oo si badheedh looga horjoogsaday goobahaha qaarkood in la tiriyi codadkii inkastoo markan dambe xisbigaasi guulo kasoo hooyey codbixintaasi .

8.Tan iyo markii ay soo dhawaadeen doorashooyinka haatan  la filayo inay dalka ka dhacaan ayaa taageerayaasha ama wakiilada xisbigasi badankoodii la xidhxidhay kuwa kalena  abtirsiin ahaan iyo dhaqaale ahaan loogu wareejiyey taageerayaasha xukuumadda. ama ciidamada kala duwan laga shaqaaleeyey.

9.Waxay maanta maraysaa in musharraxiintii iyo taagerayaashii iyo masuuliyiintii xisbigaasi gebi ahaanba laga mamnuucay inay gobolkan ka hadlaan ama afkaartooda kasoo jeediyeen .Dhacdooyinka lagu takoorayo xisbigaasina waxa tusaale ugu filaa tii ka dhacday Deg,mada Saylac ee musharraxiintii iyo xildhibeenadii xisbigaasi  loogu diiday inay ka hadlaan ,waxa ku xigtay munaasabdii degmo-nimada magaalo Cad ,waxa kale oo ku xigtay munaasabadii  qarankoo dhammi u sinaa ee  18ka May .,iyadoo aad mooddo in aaladda keliya ee maanta loo adeegsdo qofka la doonayo in xukuumadda lagu diro lagu tilmaamo  ay tahay isagoo lagu sheego waa kulmiye ,sidaa darteedna looga fogeeyo shaqooyinka ,shirararka iyo dadweynaha kale ee gobolkaba .

Haddaba markaad isweydiiso waxaayalaha keenay in cadaawadda intaa leeg gobolkan lagula dhaqmi xisbigaasi qaran ayaa dad badani ii sheegaan

1.Isagoo  hoggaankiisu aanu abtirsiin ahaan kasoo jeedin gobolka Awdal
2.in xisbigaasi ay badanyihiin saraakiishii SNM oo ay reer Boorama u arkaan cadow waayo hore aya lahaayeen ,isna saamaxeen inta Somaliland jirto .

3.Cabsi ku salaysan  aargoosi   xisbigaasi reer Awdal  lagaga aargoosto  falalka lagula kacayo  Hoggaanka xisbigaasi ,cabsidaasi oo  u dadweynaha inay xisbigaasi u geliyeen mudanayaasha saddexda gole kaga jira gobolkan Awdal; oo had iyo jeer ku ololeeya in la baabiin doono reer Awdal haddii xisbigaasi qabsado oo jaamacadaha la xidho doono , iwm.

4.Hoggaanka xisbigaasi oo looga baqayo inuu kursiga,magaca,awoodda iyo sumcadda  reer Awdal   ku       leeyihiin Somaliland iyo caalamka intiisa kaleba    haddii  UDUB laga adkaado.

5.Xiisadda lagaga soo horjeedo siyaasadda xisbigaasi ayaa waxa sii xoojisay  ayey qaarkood leeyihiin iyadoo aanay siyaasiyiintii reer Awdal ee caanka ahaa ka muuqan hoggaanka sare ee xisbigaasi una muuqda mid  ay beelihii SNM taageeri jiray iska buuxiyeen mansabyada sare.

Dhinaca kale markaad eegto cadaawadada intaa leeg ee Reer Awdal  kula soo dhaqmayeen ama u muujiyeen  xisbigaasi ilaa  maanta ayaa lagu tilmaami karaa mid baalmarsan dimuqraadiyadda midnimada reer Soomaaliland ,.Waxanad mooddaa in reer Boorama ilawsan yihiin in degaanada  xisbigaasi  KULMIYE  uu awoodda badan ku leeyahay dadweynaha ku nooli codkooda siiyeen Xisbiga UDUB ,mana dhacdeen in Rayaale madaxweyne maanta dalka ka noqdo ama mustaqbalka ka noqdo haddii   anay dadweynaha gobolada kale siinin codkooda  xisbiga UDUB.,Codadka reer awdal siiyeenna aanay keligood soo saareen..

Falalka cadaawadeed ee had iyo jeer masuuliyiinta xisbigaasi  ay reer Awdal tusayaan  Hogaanka iyo taageerayaasha axsaabta mucaaradka ,siiba xisbga Kulmiye,  ayaa   dhinaca kale laga yaabaa inay mideyso beelaha kale ee hoggaanka  xisbigaasi  ku abtirsado ,kuna nool gobolada kale  ee Soomaaliland  taasoo aakhirataanka guuldarro iyo godobo kaleba geyeysiin karta dawladda  Rayaale  iyo xisbiga UDUB .Reer Awdalna halkii ay wax ka taransan lahaayeen ay bartilmameed u noqdaan dadweynaha gobolada  kale ee Somaliland ee ay bahdilaadda ku hayaan siyaasiyiintooda.

Sidaa darteedna inta goori goor tahay ay axsaabta mucaaradka gaar ahaan kulmiye ka daayaan   cunsurinimada  ay kula dhaqmayaan  masuuliyiintiisa Haddii ay xukuumadda UDUB daacad ka tahay inay joojiso arrimahaasina  cadaawaddii ay xisbigaasi u gelisay dadweynaha reer Awdal dib ha uga  saarto,haddii kale waxa iman doonta maalin  kale oo aanay reer Awdal  farxi doonin ,kana duwan sidii ay ugu farxi jireen guulaha isdabajoogga  ah ee xisbgoodu UDUB sannadihii ina dhaafay kasoo hooyey mucaaradka  loo eryenayo sidii  aanay waddanka u dhalan ama aanay xaq ku lahayn.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama