guurti.jpgHargeysa-(Lug)-Golaha guurtida Somaliland ayaa digniin kama dambays ah ujeediyay labo xildhibaan oo ka tirsan aqalkaasi oo kala ah Md.Aadan Shire Faarax(Aadan Sanwayne) iyo Md.C/salaan Maxamed Siciid halka ay saddex kalena ay digniin fudud oo qoraal ah u direen.

Golaha guurtida ayaa saaka fadhi albaabadu u xidhan yihiin ka yeeshay mooshin maamuus ka xayuubin ah oo ay koox mudanayaal ahi horkeeneen golaha dhawaan oo la doonayay in xubin-nimada golaha laga saaro Md.C/salaam Maxamed Siciid iyo Md.Aadan Shire Faarax.

Fadhigan oo uu gudoominayay ku simaha gudoomiyaha Golahaasi ahna gudoomiye ku xigeenka Koowaad Md.Sh Axmed Sh.Nuux Fure  ayaa mid Saxaafada iyo dawaynahaba dibada looga saaray waxaa fadhigaasi ka soo baxay in la hakiyay maamuus ka xayuubintii labadaas Mudane hase yeeshee loo jeediyay digniin kama dambays ah halka saddex xildhibaan oo kale Md.C/raxmaan Cismaan Jaamac,Prof Axmed Dirir Cali,Md.Cawil Xuseen Axmed iyagana loo jeediyay digniin fudud oo qoraal ah 5 xildhibaan ee digniinta kala duwan loo jeediyay ayaa ka mid ahaa 13 Mudane oo ka tirsan Golaha guurtida oo dhawaan golaha hor keenay mooshin ay ku codsanayeen in dib looga noqday Muddo kordhintii madaxwaynaha ee halka sano ahaa.

Digniinihii kala duwanaa ee loo qoray shantaas Mudane ayaa u qornaa sedan:-

“Anaga oo tixraacayna mooshinkii ay soo jeediyeen Mudanayaal ku dhaw Afartameeye (40’s), kuna saabsana in maamus ka xayuubin lagu sammeeyo laba Mudane oo kala ah: - 1 Mudane Aadan Shire Faarax & Mudane C/Salaan Maxamed Siciid, soona gaadhay Shir-guddoonka 28/04/2008

Haddaba, markii aanu shir-guddoon ahaan darisnay Arrimaha ay ka soo gudbiyeen Mudanayaashu labadaasi Mudane, isla-markaasna anu tafsiir sharci ka helnay sharci-yaqaano waxa loola jeeddo, Xil-kas & Akhlaaqdiisuna toosan tahay: -

1. Xilkas- waxaa loola jeedaa inuu yahay qof leh damiir uu ku garan karo mas’uuliyadda Qof ahaan saaran, isla markaasna maanka ku haya Hawlaha hor-yaala & Gudashadeeda si hufan oo daacadnimo ku jirto, Ujeeddo la’aan, una cabbira ra’yigiisa si mas’uuliyadeed oo aanay ku jirin caadifad iyo in uu aragtidiisa ama ra’yigiisa ku meel-mariyo buuq iyo arbush.
 
Xilkas waxa loola jeeda oo kale in uu yahay qof hay’badda, karaamadda & sharafta Golaha dhawra, Goob-kasta iyo meel-kasta oo u taagan yahay, kana horaysiiya danta guud arrimihiisa gaar-ahaaneed, waajibaadkiisana u guta si waafaqsan nidaamyadda iyo shuruucda u ku shaqaynayo ee uu Mudanaha ku yahay iwm.

2. Akh-laaq-diisu toosan tahay : - Waxaa loola jeedaa inuu yahay qof Hab-dhaqankiisu toosan yahay, oo ka fayow been abbuur, faafinta macluumaadka iyo sirta Golaha, ku dhex-le Bulshadda dhaqan hufan oo huwan sharafta Mudanenimo, aan lahayn af-lagaado, gacan ka Hadal iyo in uu rabitaankiisa ku meel-mariyo dagaal iyo jaha-wareerin. 

Akhlaaqdiisu toosan tahay: - waxa kale oo ay tahay in uu yahay qof ka dhowrsoon afcaasha dhaqan-xumadda ah ee ka reeban qof mas’uuliyadd qaran haya, huwana sharafta iyo hay’badda Qaranimo, kana fog wax-kasta oo wax-yeelaya sumcadda iyo sharafta Golaha uu ka tirsan yahay (Contempt of the House), una meel-daya ficilkiisa iyo qawlkiisaba, ayna hoggaamina doonistiisa daneed ee u adeegidda maslaxadiisa gaar- ahaaneed iwm            

Waxa caddaatay in ay jabiyeen Qoddob Dastuuri ah oo ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay, Sidaasi darteed, shir-guddoon ahaan iyadda oo la xeerinayo duruufo kala duwan oo jira awgeed, waxan Golaha u soo jeedinayna, kana codsanayna: -

1. In maamuus ka xayuubinta Labadaas Mudane ee kala ah: A. Aadan Shire Faarax
B. C/Salaan Maxamed Siciid  

Dib loo dhigo, maanta oo aan lagu fullin waqtigani maanta ah.

2. In haddii fal dambe oo noocaasi oo kale ay galaan ama la yimaadaan, kii la yimadaaba ay shir-guddoonka Golaha Guurtidda waajib ku tahay in laga saaro Golaha, iyadda oon loo baahnayn cod-qaadis dambe oo ah maamuus-ka-xayuubin.

3. Soo-jeedintani Shir-guddoon ahaan, haddii uu Goluhu cod-ku-ansixiyo waxay noqonaysa Go’aan Gole oo kayd ugu yaalla, laguna camal-fali doono haddii ay mar-kale dambi noocii oo kale ah la yimaadaan oo Golaha ku ah sharaf dhac & sumcad ka dilis.

4. Waxa fursad la siiyay Labadaas Mudane ee kala ah Aadan Shire Faarax & C/salaan Maxamed Siciid, si ay uga waantoobaan dhaqan-xumadda, ficil-xumadda, anshax-xumadda, xil-kasnimo-daradda & sharaf-dhawris la’aanta Golaha, taasi oo soo-taxnayd illa muddo aan ka yarayn 10Sano.
Dhinaca kale, waxa Shir-guddoonku Go’aamiyay in uu digniin qoraal ah siiyo Mudanayaasha kala ah: -

1. C/raxmaan Cusmaan Jaamac
2. Cawil Xuseen Axmed
3. Axmed Dirir Cali

Kuwaasi oo ku kacay arbushaad & khal-khal gelin Gole, gacan ka hadal iyo hanjabaad ay kula kaceen Golaha iyo shir-guddoonkaba.

Digniintaasi oo u geli doonta faylkooda, waxa laga codsanaya in ay muujiyaan dhaqan Guurtinimo, kana waantoobaan wax kasta oo sharaftooda iyo ta Golaha ay ka tirsan yihiin wax u dhimaya.

Ugu dambayntii, Shir-guddoonku wuxu isla-meel-dhigay habkii iyo ficilkii laga qaadi lahaa Mudanayaasha maqnaashahoodu muddo-dhaafka noqday.

Guud ahaanba, Golaha waxa laga codsanaya in ay muujiyaan Isu-dul-qaadasho, xil-kasnimo iyo in ay maslaxadda Golaha iyo ta Qarankaba u gutaan si waafaqsan akhlaaqiyaadka iyo dhaqanka Mudanenimo iyo dhaqanka Guurtinimo. Waa waajib in Mudanuhu fikirkiisa u dhiibto si deganaan iyo caadifad la’aan ah, waayo wax gaar ah oo cidi leedahay Golahani ma hayo, marka in si miisaamaan oo caqliga gasha lehna curfiga dawladnimo loo dhiibto afkaarta ayaa muhiim ah, Mudanuhuna aanu doonistiisa iyo fikirkiisa ku meel-marin dagaal iyo gacan ka Hadal, khal-khal gelin iyo arbushaad Golaha dhexdiisa ah.

Waxan inoo rajaynayna dhammaanteenba in uu Illaahay ina garansiiyo dariiqa san ee toosan.”

Dhinaca kale Xildhibaan C/salaan Maxamuud Siciid oo fadhigaas albaabadu u xidhnaayeen ka maqnaa ayaanu maanta duhurkii mar uu saxaafada ugu waramayay Guddaha dhismaha golaha guurtida waxa uu ganafka ku dhuftay digniintaasi isagoo ku dooday inaanuu ka warhayn wax uu sameeyey oo lagu anshax mariyaa.

“Xildhibaanku waxuu intaasi ku daray in isaga iyo xildhibaano kale ay soo jeediyeen inaan lagu degdegin wax muddo kordhin ah arrinta doorashooyinkana ay ka wada tashadaan Dowlada, Xisbiyada iyo Komishanku.


Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Lughayanews-Hargeysa
Cumarfaarax2@hotmail.com