Borama-(Lug)-Kulan balaadhan oo Muddo 3 maalmood ah u socday Hayadaha Caalamiga ah ee la shaqeeya caafimaadka dowlada Somaliland heer qaran iyo heer gobolba,Masuuliyiin ka socotay xarunta dhexe ee Wasaarada Caafimaadka iyo shaqada ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Masuuliyiinta Caafimaadka G/Awdal iyo dhamaan madaxda MCH-yada gobolka Awdal ayaa maanta lagu soo gabogabeeyey hotel rays ee magaalada Borama.
Kulankan oo si qoto dheer loogu falanqeeyey waxii dhibaatooyin ee jira iyo sabobaha adeegyada Caafimaadka iyo talaalku ay u gaadhi lahaayeen goobaha Miyiga ah ee degaanada Buuralayda iyo banaankaba ku nool oo inta badan aan helin daryeel caafimaad iyo sidii loo balaadhin lahaa caafimaadka.
Waxaa halkaasi ka hadlay agaasimaha qorshaynta ee wasaarada Caafimaadka iyo shaqada Jamhuuriyada Somaliland khadar Maxamuud Axmed waxuu sheegay inuu ahaa wada tashi balaadhan oo uu dhexeeyey hayadaha caalamiga ah wasaarada Caafimaadka Jamhuuriyada Somaliland iyo Shaqada heer qaran,heer gobol iyo madaxda Xarumaha MCH-yada ka howl gala ee G/Awdal.
Waxuuna intaasi sii raaciyay in lagu lafo guray sidii loo tirtiri lahaa dhibaatooyinka hor taagan adeegyada caafimaadka in goobaha miyiga ah la gaadhsiiyo waxuuna sheegay in Hayadaha Caafimaadka la shaqeeya ee caalamiga ah ay ka ogolaadeen in muddo 30 maalmood ah talaalka laga wado degaanadaasi kala duwan taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay arrin aad waxtar u yeelanaysa laakiinse muu sheegin in awal saddex maalmood oo kaliya talaalada lagaga shaqayn jiray saddex maalmood oo kaliya taasi oo aan suurto galinayn in dhamaan carruurta talaal u baahan oo dhani ay helaan.
Waxaa isaguna halkaasi ka halday Dr.Caagane oo ah agaasimaha cudurada faafa ee wasaarada Caafimaadka Jamhuuriyada Somaliland waxuuna cadeeyey in gobolka Togdheer ee Burco iyo gobolka Awdal ay awal ka soo yeedhi jirtay ereyada diidmada in la talaalo caruurta kala duwan laakiise waxuu imika waxuu cadeeyey in reer Burco ay ka hor mareen reer Burama oo caruurta dhamaan talaalka loo ogol yahay sidasi awgeed waxuu ku booriyay masuuliyiinta caafimaadka in dhamaan lagu wacyi galiyo si talaalka ay u qaataan.
Isuduwaha Caafimaadka G/Awdal Dr.C/laahi Muuse Yoonis ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta talaalka ka shaqeeya inay dadaal balaadhan muujiyaan dar dar cusubna galiyaan howlaha waxuuna tilmaamay in loo baahanyahay in sidaacada loo fuliyo adeegyada caafimaadka ee dad waynahaa loo qabanaayo Wuxuuna sheegay in dagmooyinka Borama, Baki Iyo Lughaya ay aad u nasiib wanaagsanyihiin kuwaasi oo ay la shaqeyaan haayadaha Worldvision Coopy Iyo Unicife oo lafdhabar u ah haayadaha caafimaadka gobalka kalashaqeeya horumarinta caafimaadka .
Waxaa isaguna halkaasi kahadlay Agaasimaha Caafimaadka aas aasiga ah ee g/awdal Siciid Bile Buraale, wuxuuna sheegay in kulankan lagaga hadlaayey qorshaha caafimaadka iyo sidii sare loogu qaadilahaa talaalada oo uu ku til maamay inay yihiin ka hortaga cudurada waxyeeleeya ubadka.
Mr. Siciid wuxuuu cadeyey in haayada Unicfe iyo Wasaarada Caafiimaadka Jamhuuriyada S/Land ay suurto galiyeeen kulankan lagu gorfaynaayo horumarinta iyo tayaynta adeegyada kala duwan ee caafimaadka gobalku bixiyaan. waxuuna intaasi sii raaciyey inay kulankan kala qaybqaadanayeen haaydaha Bisha Cas.Who,Unicfe Iyo W/Vision oo uu uuga mahad celiyey wada shaqaynta fiican ee ka dhaxaysa.
Kulankan oo sanad kasta lagu qabto borama waxaa lagu diyaariyaa wa x kaqabashada wixii ka dhiman kutalagalkii hore dhibaatooyinka jira iyo qorshaha wax qabad ee sanadkaa lagalaayo
Wariye:-
Abokor Hassan Affi
Lughaya News-Borama

Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Kulan Lagaga Hadlayay Qorshaha Caafimaadka G/Awdal Ayaa Maanta Lagu Soo Gabogabeeyey Magaalada Borama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback