Borama-(Lug)-Guddoomiyayaasha axsaabta mucaaradka ah ayaa xalay siyaabo kala duwan uga hadlay  axbaabta daba dheeraysay wadahadalada u socda iyaga iyo xukuumadda Rayaale ee ku saabsan dejinta xaaladda siyaasaded ee dalka kuwaasoo muddo laba toddobaad ka badan weli labada dhinac isku hor fadhiyaan madaxtooyada .

Haddaba dadweynaha Somaliland gaar ahaanna inta la socota xaaladddeeda siyaasadeed  ee ku saabsan ismaandhaafka ka dhashay muddo kordhinta golaha guurtidu u sameeyeen Daahir Rayale iyo handadaaddii axsaabta mucaaradka ahi ku hanjabeen inaysan aqoonsan doonin xukuumadda Rayaale wixii ka dambeeyey 15kii May ,wakhtigaasoo ay dhammaatay muddadii shanta sannadood ahayd ee loo qabtay inuu xilka hayo .

Haddaba shakiga ka dhashay  wada hadalkan  oo la doonayey in labada dhinac ku dejiyaan xiisadda dalka ka taagan iyo ballamaha marba dib u dhacay ee ku saabsan shaacinta natiijadooda iyo shakiga dadweynuhu ka qabaan waxa kasoo bixi doona ayaa xalay   telefishanka sateliteka ee Somaliland  Space arrimahaasi ka waraystay labada hoggaamiye xisbi  ee mucaaradka ah kuwaasoo kala ah Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe kuwaasoo telefishanku weydiiyey  aasaaska wadahadalkaasi ,waxa lagu heshiiyey iyo waxa lagu heshiin laayahay iyo cidda dib u dhigaysa inay degdeg u dhammaadaan wadahadalkani ayaa dhinaca kale labada hoggaamiye siyaabo kala duwan uga warrameen ama dadweynaha uga dhaadhiciyeen halka xaal marayo .

Wararaysiyadaasi  marka la isbarbardhigo waxad arkaysay in Guddoomiyaha UCID ,Faysal Cali Waraabe uu si saraaxad leh iyo kalsooni ku jirto uga warramay xaalka wadahadalkaasi halka guddoomiyaha isbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE anu isagu muujin  wax lagu qanci karo oo dadweynaha dhegeysanayey ka qaataan hadalkiisii marka laga reebo dareen cadho lahaa oo ku saabsan in  xisbigaasi isdhiibay iyo in la iibsaday ereyadaasi oo Axmed Siilaanyo illawsiiyey jawaabihii laga filayey .

Haddii aan ku horreysiino Faysal Cali Waraabe oo in badan lagu xaman jiray ama lagu caayi jiray inuu yahay laba wejiile dhinacna kala socda xukuumadda dhinacna kala socda xisbiga Mucaaradka  ah ayaa indhawaaleba  dareenadaasi kuwa ka duwan lagu arkayey isla markaana aad moodaysaa inuu ujeedadiisa iyo wax uu aaminsan yahay  un dadka u sheego.dhawaan mar uu yimid Boorama 18 May,waxan weydiiyey inuu aqoonsan yahay  xukuumadda Rayaale  ee wakhtigeedii dhammaday iyo inaanu aqoonsanayn siday ballan qaadeen waxanaa Faysal caddeeyey inuu Rayaale u haysto guddoomiyaha xisbiga UDUB 15kii May wixii ka dambeeyey ,iskana beddelin mawqifkiisii ,halka Axmed Siilaanyo oo su’aalahaasi saxaafadda reer Hargeysa weydiiyeenna anu si cad uga jawaabin.

Dhinaca kale markaad eegto wadahadalkan socda Faysal Cali Waraabe wuxuu dib udhaca natiijada iyo ballamaha dawladda ku eedeeyey  Daahir Rayaale isla markaana waxa uu dooxay ubucda qayb ka mid ah wadahadalkaasi oo si cad u sheegay inay doonayaan dawlad wadaag ah isla markaana wuxuu xisbi qabiil ku shaqaysanaya ku sheegay urursiyaasadeedka Qaran oo uu ururkaasi ku sheegay timirtii horeba dab loo waa.

Axmed Siilaanyo hoggaamiyaha xisbiga ugu weyn mucaaradka ayaa isaga waayadan dambe aan laga hayn hadallo cadcad oo ku saabsan mawqifkiisii iyadoo l;a tuhunsan yahay in hoos u dhaca siyaasadeed ee Axmed Siilaanyo ay wax u dhimeen cabsi kaga timid degaanka iyo dawladda oo tustay inuusan waxba ka samayn karin caasimadda . .Waxa uun inta badan laga maqlaa dalka xilbaa naga saaran ,lexejeclo ayaa naga haysa iyo hadallo qabow oo uu isku tusayo dadweynaha inuu yahay  nin nabadda jecel.

Inkastoo xisbigaasi kulmiye lagu xanto inay ka buuxaan mucaaradka mayalka adag oo kasoo jeeda SNM .Marka uu leeyahay Axmed Siilaanyo dalka xilbaa iga saaran,miyuu illoobay in dalku Madaxweyne leeyahay oo xukuumadda xil ka saaranyahay.

Midda kale Axmed Siilaanyo  waraysigiisaa  wax la taaban karo kuma soo qaadin oo ku saabsan hadalada u dhexeeya iyaga iyo dawladda ,sidaa darteedna  waxa la odhan karaa isdhiibista la sheegeyo waxbaa ka jira ,wuxu waraysigani u ahaa fursad kale oo dadweynaha kaga kasbado kalsooni kale ,kana saaro shakiga iyo walaahawga taageerayaashiisa ,halka uu canaanta dusha uga tuurayo  shakhsiyaad ay ku colloobeen siyaasadda xisbiga Kulmiye.

Si kastaba ha ahaatee hadalada isasoo taraya iyo talaabooyinka beryahan ka qaadayo dhinaca siyaasadda ayaa la is odhan karaa waa kuwa  uu meesha kaga riixday xisbiga  Kulmiye hadii uu sidaa kusii adkaystana ama runta uu ka sheego waxa jira  waxa hubaal ah in Faysal doonayo  hoggaaminta dalka ee anu ahayn sub-station UDUB .

 


Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama.