Hargeysa-(Lug)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa shalay Wareegtooyin uu Soo Saaray Ku Magacaabay Maayarka iyo Maayar xigeenka  Gobolka Buuhoodle  ee Somaliland.

Madaxweynuhu isaga oo tix geliyay qodobka 90-aad  iyo qodobka 110-aad ee dastuurka Somaliland , isla markaana tix gelinaya ahmiyada weyn  ee gobolka Buuhoodle u leeyahay dhismaha Qaranka iyo baahida loo qabo Buuxinta Jagooyinka Maamulka Gobolka , waxa uu u magacaabay  Mudane C/rashiid  Yuusuf Kooriye Jaamac  inuu Maayarka Gobolka Buuhoodle , Mudane Yuusuf C/laahi Maxamuud Hangool uu isna la wareego xilka Maayar ku xigeenka Gobolka Buuhoodle.

Sidoo kale , waxa uu Madaxweynuhu Faray Wasiirka Arrimaha Gudaha  in Axmed Faarax Cali ‘’Dhega-cade’’,  Taliyaha Booliiska Buuhoodle , Ibraahim  Maxamed Cabdi  , Taliye xigeenka Booliiska Buuhoodle in uu u gudbiyo  Taliyaha Booliiska Somaliland si uu ugu hawl geliyo  Xilalkaasi.

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu farayaa Masuuliyiintaasi uu xilka u magacaabay in ay la wareegaan xilkaasi sida ugu dhakhsaha badan.

N.B.
Waxa aanu dadweynaha ka raali gelinaynaa khaladkii shalay dhacay oo ahaa khalad madbici ah ,  halkii Maayarka iyo Maayar ku xigeenka Madaxweynuhu Magacaabay Lagu sheegay in ay yihiin Gudoomiye iyo Gudoomiye ku xigeen,  , iyadoo Madaxweynuhu hore u magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle Mudane Ismaaciil Maxamed Jaamac , halka Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka Buuhoodlena loo magacaabay Mudane Xasan Cali Jaamac

 

 Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland